Trump oo qaaday tallaabo aan horey loo arag, madaxdii ka horreysana aaney sameynin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump ayaa la filayaa inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee xilka haya oo Maraykan ah oo saxiixiisu ka soo muuqdo lacagta waraaqaha ah ee Maraykanka, sida ay shaacisay Waaxda dhaqaalaha Mareykanka.
Saxiixa Trump ayaa ka muuqan doona isagoo barbar socda Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent, tallaabo aan horay loo arag oo waaxdu sheegtay inay xusi doonto sanad-guuradii 250-aad ee ka soo wareegatay markii Maraykanka uu ku dhaqaaya in xorryiyadiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.
"Ma jiro hab ka awood badan oo lagu aqoonsan karo guulaha taariikhiga ah ee dalkeenna weyn iyo Madaxweyne Donald J. Trump, marka loo eego lacagta doolarka Maraykanka ee magaciisa xambaarsan," ayuu yiri Bessent. Caadiyan lacagta waraaqaha ah ee Maraykanka waxaa ku yaalla ama ka muuqda saxiixyada mas'uuliyiinta maaliyadda.
Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee maamulka uu ku xiriirinayo magaca Trump barnaamijyo dowladeed oo kala duwan iyo dhismayaal dadweyne.
Lacagaha $100 ee ugu horreeya ee wata saxiixyada Trump iyo Bessent ayaa la daabici doonaa bisha Juun, iyadoo kuwo kale ay ku xigi doonaan.
Lacagaha hadda la daabacayo waxay xambaarsan yihiin saxiixyada Xoghayihii Maaliyadda ee Joe Biden, Janet Yellen, iyo Lynn Malerba.
Tan iyo 1861, waxaa caado ahayd in saxiixa Treasurer-ka Maraykanka uu ka muuqdo lacagta waraaqaha ah, balse qorshahan maamulka Trump ayaa beddeli doona dhaqankaas.
Iyadoo loo diyaar garoobayo sanad-guurada 250-aad, Bessent wuxuu sheegay in daabacaadda lacag sidata magaca Trump ay tahay "hab awood leh oo lagu aqoonsanayo guulaha taariikhiga ah ee dalkeenna weyn" iyo madaxweynaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Brandon Beach, oo ah hanti-dhowraha Maraykanka, ee hadda ayaa ballanqaaday in lacagta dalkaasi ay "sii ahaan doonto astaan muujinaysa barwaaqo, awood, iyo ruux aan la jebin karin ee shacabka Maraykanka."
Sannadkan waxaa la joogaa 250- sano guuradii ka soo wareegtay markii 13 deegaan oo Mareykan ah ay go'aan ku qaateen in ay ku dhawaaqaan madax bannaanidooda oo si rasmi ah u yiraahdeen: "Waxaan ka madax-bannaanahay Ingiriiska."
Guddoomiyaha gobolka California kana tirsan , isla markaana muddo dheer dhaliili jiray Trump, Gavin Newsom, ayaa ka falceliyay warka isagoo weerar ku qaaday waxqabadka dhaqaale ee madaxweynaha.
"Hadda Maraykanku waxay si sax ah u ogaan doonaan cidda ay ku eedaynayaan marka ay bixiyaan kharashaadka kordhay oo ku saabsan raashinka, shidaalka, kirada, iyo daryeelka caafimaadka," ayuu ku qoray baraha bulshada.
Bishan gudaheeda, waxaa la ansixiyay lacag dahab ah oo sawirka Trump ku yaal, si loogu xuso 250 sano guuradii Maraykanka.
Intii uu ku jiray xilligiisii ugu horreeyay madaxweynuhu, magaciisa Trump ayaa lagu qoray jeegag gargaar oo waraaq ah oo loo diray malaayiin qof oo Maraykan ah intii lagu jiray cudurkii Covid-19.










