Goorta uu Turkiga qodista shidaalka ka bilaabayo Soomaaliya oo la shaaciyay

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu bisha Abriil dardargeliyo hawlaha sahminta iyo qodista shidaalka ee Badda Madow iyo xeebaha Soomaaliya, isagoo adeegsanaya maraakiibtiisa tamarta ee sii kordhaya si kor loogu qaado wax soo saarka shidaalka iyo gaaska. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dalku wuxuu dhisay koox maraakiib ah oo casri ah si uu u yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga keeno.

Ololihii ugu dambeeyay wuxuu bilowday 26-kii Maarso, markaas oo markabka qodista ee Abdülhamid Han uu bilaabay ceelkii ugu horreeyay ee sanadkan ee goobta Kandıra-2 ee u dhow Kocaeli.

Bisha Abriil, markabka Fatih ayaa la filayaa inuu ka bilaabo hawlgallada ceelka Eflani-1 ee Badda Madow, halka markabka cusub ee Çağrı Bey lagu wado inuu qodista ceelka Curad-1 ka bilaabo xeebaha Soomaaliya dhammaadka bisha.

Wasiirkta tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka shidaal qodis ka billaabi doono ceelka Curad-1 oo ku yaal meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadkan ku soo kordhiyay maraakiibta qodista kuwa kala ah Yıldırım iyo Çağrı Bey, taasoo ka dhigaysa tirada maraakiibta qodista ee uu leeyahay lix.

Marka la isku daro maraakiibta qodista iyo kuwa sahmiya, Turkiga wuxuu hadda kaalinta afraad kaga jiraa caalamka marka loo eego baaxadda maraakiibtiisa.

Markabka Yıldırım, oo lagu soo dhisay Kuuriyada Koonfureed sanadkii 2024, wuxuu u gudbay Badda Madow si uu u fuliyo hawlgalkiisa.

Markabkan wuxuu qodi karaa mool gaaraya ilaa 12,000 mitir, dhererkiisuna waa 228 mitir. Dhanka kale, Çağrı Bey wuxuu u ambabaxay Soomaaliya bishii Febraayo, wuxuuna qodista ka bilaabi doonaa goobihii uu horay u soo sahmiyay markabka Oruç Reis. Çağrı Bey wuxuu noqonayaa markabkii ugu horreeyay ee qodista ee Turkigu leeyahay oo ka hawlgala dibadda.

Dadaalka Turkiga wuxuu udub-dhexaad u yahay goobta gaaska ee Sakarya, halkaas oo sanadkii 2020 laga helay kaydkii gaas ee ugu weynaa taariikhda dalkaas (720 bilyan oo mitir kuyuubik). Markabka Fatih, oo ah markabkii ugu horreeyay ee qodista ee uu Turkigu soo saaro, ayaa hadda ka shaqeynaya ceelka Göktepe-2 ee Badda Madow.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Bayraktar, ayaa bishii Febraayo sheegay in Turkigu doonayo in uu soo saaro 500,000 foosto maalintii oo saliid ah marka la gaaro 2028-ka, wuxuuna intaas intaas ku daray in Ankara ay filayso in ay labanlaabto tiradaas iyada oo lagu gaarayo taas helitaano cusub.

Howsha qodista shidaalka waxaa ilaalin doona ciidamada Badda ee Turkiga. Dhowr cutub oo ka tirsan ciidamada badda ayaa la socday markabka si ay u ilaaliyaan jidka uu marayo iyo badda shidaalka laga qodayo.

Qorshahan amni ee Turkiga badda Soomaaliya ka sameynayo wuxuu hoos imanayaa heshiisyada iskaashi ee hore u dhexmaray Ankara iyo Muqdisho.

Qorshaha Turkiga uu shidaalka kaga qodayo Soomaaaliya waxaa la sheegay in ay ku saleysan tahay aragti ballaaran oo uu dhiirrigeliyay Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan, taas oo ujeeddadeedu tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta Turkiga ee tamarta dibadda laga keeno, in la kordhiyo wax-soo-saarka gudaha iyo isla markaana dhaqaalaha laga ilaaliyo cadaadis dibadeed.

Dhanka kale, wasiirka tamarta, Bayraktar wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu ka shaqeynayo in uu labanlaabo wax-soo-saarka gaaska dabiiciga ah ee Badda Madow sanadkan. Isagoo sii wada sahminta badeed ee xeebihiisa waqooyi ayey sidoo kale Ankara waxay diyaarinaysaa in ay hawlgeliso reaktor-keedii ugu horreeyay ee nukliyeerka ee warshadda tamarta nukliyeerka ee Akkuyu, taas oo la filayo in ay si degdeg ah u bilowdo soo saarista koronto taas oo mustaqbalka dabooli doonto qiyaastii 10% baahida tamarta dalka.

Hawsha qodista ee hadda socota waxay ku saleysan tahay xog sahamin ah oo la ururiyay sannadkii hore, waxayna qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee Ankara ee lagu ballaarinayo hawlaha sahminta tamarta heer gobol iyo heer caalami.