Marinka Hurmuz: Sida badmaax loogu dilay sariirtiisa mid kalana u badbaaday

Wajid Khan

Xigashada Sawirka, Wajid Khan

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maalintii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerarkoodii ugu horreeyey ku qaadeen Iran, markabkii uu la socday Xasan waxa uu markaas dhammeeyay rarista shamiitada mid ka mid ah dekedaha koonfurta Iran.

Weerarada xigay ayaa waxaa barbar socday qaraxyo is xigxigay, waxaana dab iyo burbur xoogan uu ku soo dul dhacay dekadda. "Waxay u ekeed filim, gantaal kasta oo la soo rido wuxuu ku soo dhici jiray agteena," ayuu yiri Xasan oo magaciisa rasmiga ah aan qarineyno warbixintan.

Dhowr maalmood ka dib, shaqaalihii markabka ayaa go'aansaday in safar badda ah loo kicitimo. Balse markabkii ay wateen ayaa degey waxyar kadib markii lagu dhuftay gantaal. Waxaa isku tuureen badda, wuxuuna sheegay in waxa kaliya ee ay haysteen in ay ahaayeen jaakadaha badbaadada iyo tuyuubka lagu dabaasho.

"Baddu waxay ahayd mid aad u duufaan badan, cimiladuna waxay ahayd mid aad u qabow," ayuu yiri 22-jirkan. Markii hore, waxay rajaynayeen in gargaar iman doono, laakiin niyad xumo daran ayaa markiiba soo wajahday, oo xataa isma ay eegi karin.

"Waxaan u maleynay inaan ku qaraqmi doonno badda, qofna xitaa uusan na ogaan doonin, waxaan dareemaynay in waqtigu uu istaagay oo aan dhiman karno daqiiqad kasta," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ku dhawaad 24 saacadood ka dib, markab Iran laga leeyahay oo marayay aagga ayaa badbaadiyay Xasan iyo shan shaqaale ah oo ay ku jiraan mid kale oo Pakistani ah iyo afar Iiraaniyiin ah. "Ma aanan lahayn rajo badbaado," Xasan ayaa yiri. "Laakiin markii markabku na badbaadiyey oo uu na siiyey cunto iyo biyo, waxay la mid ahayd mucjiso, sidii in nolol cusub la ii siiyey."

Iran ayaa si wax ku ool ah u xirtay marinka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka, taasoo jawaab u ah weerarada Mareykanka iyo Israel. Xasan waxa uu ka mid ahaa ilaa 40,000 oo badmaaxiin ah oo ku go'doonsanaa gacanka Faaris dhacdada ka dib, ku dhawaad 3,000 oo markab ayaa ku go'doonsan.

Tirooyinkan waxaa baahiyay Kabtan Anam Chowdhury, oo madax u ah Ururka Saraakiisha Badweynta ee Bangaladesh. Wuxuu sheegay in tiradaasi ay aad u korortay sababtoo ah hadda waxaa suurtagal ah in si sax ah loo qiyaaso tirada maraakiibta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xasan waxa uu ka mid yahay dhowr qof oo ay u suurtagashay in ay dalkooda ku laabtaan. Markii uu dib ugu laabtay Iran, ninkii markabka lahaa wuxuu u soo celiyay baasaboorkiisii iyo kii saaxiibkiis oo Pakistani ah, wuxuuna siiyay lacag yar oo ay ku safraan. Si kastaba ha ahaatee, lama siinin mushaharkiisii shanta bilood ahaa, oo u dhigmay 250,000 rupees Pakistani ah oo u dhiganta $895.

Iyadoo Iran ay si hufan u tahay aag duulimaadka ka caagan, Xasan waxa uu dalka ka baxay ka dib safar dhulka ah oo uu ku tilmaamay "khatar". Safarka uu ku tagayo xuduudka Pakistan waxa uu qaatay 24 saacadood, laba jeer wakhtiga caadiga ah ee la safri lahaa wax ka badan. Waxaa jiray isu socod aad u badan markii ay dadku ka baxayeen magaalada Tehran ee caasimadda dalkaasi, waxaana soo ifbaxday suurtagalnimada weeraro gantaallo ah.

"Xitaa tagsiilaha aad buu u cabsaday," ayuu yiri Xasan.

Xasan waxa uu sheegay in meel walba ay yaallaan isbaarooyin boolisku leeyihiin, isla markaana ay ciidamada u ogolaadeen inay maraan oo kaliya markii ay si fiican u baareen.

Raashinka iyo cabbitaanka ayaa ku yaraa jidka, waxayna haysteen oo keliya saddex baakad oo jibsi ah iyo laba dhalo oo biyo ah oo ay safarka oo dhan ku isticmaaleen.

Markabka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoys tiiraanyeysan

Dhammaantood nolol ugama aysan soo bixin Iran. Yasir Khan, oo ahaa badmaax kale oo Pakistani ah, ayaa dhintay ka dib markii gantaal lagu weeraray isla dekedda 24-kii March. In ka badan 12 badmaaxayaal ah ayaa lagu dilay weerarrada lagu qaaday maraakiibta ganacsiga tan iyo markii uu dagaalku billowday, ayuu yiri Mr. Chaudhry.

Maalmihii la soo dhaafay, boqolaal qof ayaa booqday guriga Yaasir oo ku yaala Jaziirada Manora ee magaalada Karachi si ay ugu tacsiyeeyaan oo ay cunto u keenaan, maadaama qoysaska tacsida la murugeysan ee Pakistan dhaqan ahaan aysan karin cunto.

Qoyska iyo asxaabtu waxay Yaasir ku xusuustaan inuu ahaa qof firfircoon, faraxsan oo naxariis badan. Walaalkiis Waajid wuxuu yiri: "Aabahay wuxuu muujiyay dulqaad iyo geesinimo, laakiin hooyaday iyo xaaska walaalkay waxay ku sugan yihiin xaalad aad u xun, waxay ku celceliyaan: Goorma ayuu meydka Yaasir imaan doonaa? Maxay u qaadatay waqti dheer? Waxaan isku dayaa inaan hooyaday ku qasbo inay cunto xoogaa cunto ah si kasta oo suurtagal ah, laakiin xaaska Yaasir waxba ma cuni doonto."

Yaasir, oo 24 jir ahaa, sidoo kalana ahaa badmaax cusub, ayaa ka shaqaynayay doon-tuuga, wuxuuna u safray Iran markii ugu horreysay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay. "Wuxuu lahaa riyooyin waaweyn," ayuu yiri Waajid. "Wuxuu rabay inuu guulaysto, taageero xaaskiisa iyo ubadkiisa, oo uu siiyo nolol ka wanaagsan tiisa. Taasi waa sababta uu uga tagay."

Waxaa la xaqiijiyay in Yaasir la dilay isagoo hurda, kaddib markii gantaal uu ku dhacay markabka. Daqiiqado gudahood ayaa markabka gabi ahaan la quusiyay, waxaana la tuuray dhamaan rakaabkii saarnaa. Kaliya hal badmaax, oo sidoo kale u dhashay Pakistan, ayaa badbaaday.