TOOS, Iiraan oo hanjabaadaha Trump ku tilmaamtay inuu "raadinayo dagaal aan dhammaad lahayn"

Iyada oo ay weli soo baxayaan warar sheegaya in weerarro iyo duqeymo ay ku socdaa Iraan, kuwaas oo ku dhacaya magaalooyin kala duwan oo dalkaas ah.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Axios:Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo wareed oo Mareykan ah, Israa'iil, iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo sheegay in Mareykanka, Iiraan, iyo koox dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda gobolka, ay ka wada hadlayaan shuruudaha xabbad-joojin 45 maalmood ah oo horseedi karta in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

    Warbaahinta Reuters weli ma aysan xaqiijin warbixinta. Aqalka Cad iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka midna kama jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddan inay faallo ka bixiyaan.

    Warbixintu waxay tilmaamtay in dhexdhexaadiyayaashu ay ka wada hadlayaan shuruudaha heshiis laba marxaladood ah, iyadoo marxaladda koowaad ay tahay, xabbad joojin suurtagal ah oo 45 maalmood ah oo inta lagu jiro wadahadallada la qaban doono si loo soo afjaro dagaalka si joogto ah.

    Warbixintu waxay sheegtay, in wejiga labaad uu noqon doono heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

    Wuxuu intaas ku daray in ay suurtogal tahay in la kordhiyo xabad joojinta haddii loo baahdo waqti dheeraad ah oo wadahadallo ah.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii u sheegay Wall Street Journal in waqtiga kama dambaysta ah ee uu siiyay Iiraan si ay furto marin biyoodka Hormuz, ama ay weerarro ku qaadaan kaabayaasha muhiimka ah uu ku eg yahay fiidnimada Talaadada caawa.

  2. War deg deg ah, Maraykan iyo Israa’iil oo duqeeyey Jaamacad ku taalla Tehraan

    Duqa Degmada 9aad ee Tehran ayaa ku dhawaaqay in ka dib weerarkii saaka lagu qaaday saldhigga gaaska ee Jaamacadda Tiknoolajiyadda Sharif, si ku-meel-gaar ah loo jaray gaaska xaafadda Sharif.

    Sida ay sheegayaan warbaahinta, qaybo ka mid ah jaamacadda, oo ay ku jiraan dhismaha Xarunta Macluumaadka Teknoolajiyadda iyo masaajidka jaamacadda, ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday weerarkan.

    Sawirro saaka ka imanaya caasimadda ayaa mujiinayey qiiq iyo uuro ka baxaysa galbeedka Tehran.

    Tan iyo bilowgii dagaalka, jaamacado dhowr ah, oo ay ku jiraan Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda Tehran iyo Jaamacadda Shahid Beheshti ayey bartilmaameedsadayn Israa’iil iyo Maraykan.

  3. War deg deg ah, Waa sidee xaalka Caasimadda Iiraan ee Tehraan Saaka?

    .

    Xigashada Sawirka, vahidonline

    Qoraalka sawirka, Xaaladda Tehraan saaka

    Sawirro laga soo qaaday weeraradii ka dhacay Tehraan aroornimadii hore ee saaka ayaa muujinaya in duqeymo xooggan ay ku dhaceyn magaalada.

    Iyada oo Iiraan ay weerartay magaalooyin ku yaalla bariga dhexe sida waddamada Imaaraadka iyo Baxrain. inkasta oo sheegeyn in nidaamkooda difaaca ay hawada ka qabteyn.

    Sidoo kale, Iiraan oo saddex gantaal oo ballistic ah ku tuurtay bartamaha Israa'iil, khasaaraha lama oga illaa iyo hadda.

  4. Maraakiib ka gudbay marin-biyoodka Hormuz saacadihii la soo dhaafay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Sida ay qoreyso Wakaaladda wararka Fars News Agency oo taageerta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 15 markab ay ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib “oggolaansho ka heleyn dowladda Iiraan".Wakaaladdu waxay sheegtay in isu socodka maraakiibta uu weli ka hooseeyo 90% marka loo eego sidii uu ahaa ka hor intii uusan dagaalku bilaaban.

    Mas’uuliyiinta Iiraan sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbass Araqchi, ayaa marar badan sheegay in marin-biyoodkan muhiimka ah aanu xirnayn, balse uu ka xiran yahay oo keliya “dalalka cadowga ah.”

    Iiraan ayaa shalay ku dhawaaqday in Ciraaq laga dhaafay xayiraad kasta oo ay soo rogtay, sida uu sheegay afhayeenka xarunta Khatam al-Anbiya

    Dhanka kale, mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada Iiraan ayaa soo hadal qaaday suurtagalnimada in la lacago laga qaado maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkan.

    Horey, kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz “dib loo furi doono” marka “qayb ka mid ah lacagaha transit-ka loo isticmaalo magdhowga dhammaan khasaaraha uu dagaalku sababay.

  5. Imaaraadka oo dedaal ugu jira ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in nidaamyadooda difaaca cirka ay ka jawaabayaan weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka ayaa fariin ay ku baahisay barta X ku tiri:“Nidaamyada difaaca cirka ayaa si firfircoon uga hortagaya khataraha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.” Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dhawaaqyada laga maqlay dalka oo dhan ay ka dhasheen hawlgallada socda ee lagu ka hortagayo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.

Trending Now