Dayax-gacmeed bani'aadam sida oo 50 sano ka dib dayaxa u kicitimay

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan konton sano ka dib, NASA hawshii ugu horeysay ee Dayaxa ayey dib u billowday.
Gantaalka loogu talagalay howlgalka ee la yiraahdo Artemis 2 ayaa ka duulay xarunta hawada sare ee Kennedy ee Cape Canaveral, Florida.
Hawlgalka 10-ka maalmood ee Artemis 2, cirbixiyeenadu kuma dul degi doonaan dayaxa dushiisa ee waxay ku wareegi doonaan dayaxa, waxayna tegi doonaan meel aad uga fog dhulka oo aanay cidina hore u gaarin.
Hawlgalka waxaa ka mid ah saddex cirbixiyeen Maraykan ah: Reid Wiseman, Christine Koch, Victor Glover, iyo cirbixiyeen Canadian ah - Jeremy Hansen.
Socdaalkooda ay ku dul wareegayaan dayaxa ayaa waddada u xaari doona inay ku degaan Dayaxa oo aakhirka ay saldhig ka samaystaan halkaas.
NASA barnaamijkeeda Artemis waxa uu qaatay sanado shaqo oo adag, kumanaan qof ayaa ka qayb qaatay, ku dhawaad $93 bilyan ayaa lagu kharash gareeyay ilaa hadda.
Laakiin ka dib markii ay arkeen waxaas oo dhan, dadka qaar ayaa dareema - 'Maxaa ku cusub hawlgalkan'?
In ka badan konton sano ka hor, hawlgallada Apollo ee Ameerika waxay sameeyeen taariikh markii ugu horreysay ee bani'aadamku ay cagta saareen dusha sare ee Dayaxa.
Haddaba ka dib markii ilaa 6 goor lagu dul degay dayaxa, waxay u muuqatay in dayaxa hadda laga saaray 'liiska arrimaha wax laga qabanayo' ee hawada sare.
Haddaba maxay tahay sababta Maraykanku uu dadaal, waqti, iyo lacagba u gelinayo tartanka loogu jiro soo ku noqoshada Dayaxa?
Cirbixiyeennada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
hristina Koch waxay noqonaysaa gabadhii ugu horreysay ee cirbixiyeen ah ee abid loo diro hawl dayaxa loo aadayo, halka Victor Glover uu isna yahay cirbixiyeenkii ugu horreeyey ee madow ah ee dayaxa aada.
Waxay is raaci doonaan Reid Wiseman iyo Jeremy Hansen oo ay hal dayax gacmeed ku wada duuli doonaan, ayagoo dayaxa ku dul wareegi doona sannadka dambe ama horraanta 2025. Cirbixiyeennadu kuma degi doonaan dayaxa, laakin hawshoodu waa inay dhabbaha u xaaraan in cirbixiyeenno ka dambeeya ay dayaxa ku degaan.
Afartaas qof oo seddex ka mid ah ay Maraykan yihiin, midna uu Canada u dhashay waxaa dadweynaha lagu baray xaflad ka dhacday Houston, Texas. Waxay iminka balaabayaan muddo ay tababar xoog leh samayn doonaan.
"Shaqaalaha raaci doona Artemis-2 waxay u taagan yihiin kumanaan qof oo aan ka daalin inay dayaxa na geeyaan" ayuu yiri Bill Nelson oo ka tirsan NASA.
Wiseman ayaa noqonaya taliyaha kooxdaas, waxaana duuliye ka ah dayax gacmeedka Glover, ayadoo Koch iyo Hansen-na ay noqon doonaan khubarada hawlgalka.
Dayax gacmeedka Artemis ayaa isticmaali doona tiknoloojiyada qarniga 21aad oo NASA ay ka samaysay barnaamijyo uu isticmaalayo dayax gacmeedka. Hore ayaa dayax gacmeedkii la oran jiray Artemis -1 oo aysan dad la socon wuxuu u ambabaxay 25 maalmood oo uu dayaxa ku dul wareegay, ayadoo taasi ay u saamaxday injineerrada inay qiimayn ku sameeyaan sida qalabka ku rakiban uu diyaar ugu yahay hawlgal duullimaad.
Xilligii ugu dambeeyey ee bani'aadmi uu u duulo dayaxa waxay ahayd Disembar 1972, markaasoo dayaxa loo diray Apollo 17, waxaana dayaxa ku dul degay markii ugu horreysay Apollo 11.
Macdan qaali ah

Xigashada Sawirka, NASA
Dusha dayaxa waxa laga yaabaa inay u muuqato mid engegan, boor leh, oo waxba aysan ka bixin, laakiin xaqiiqadu way ka duwan tahay.
"Dayaxu waxa uu ka kooban yahay waxyaabo la mid ah kuwa aan ka helno dhulka," ayay tiri Professor Sarah Russell, saynisyahanad meeraha ah oo ka tirsan Matxafka Taariikhda Dabiiciga ah.
"Tusaale ahaan, curiyeyaasha dhulka naadirka ku ah ayaa waxaa laga yaabaa in laga heli karo xaddi aad u badan dayaxa dushiisa".
Kuwaas waxaa ka mid ah biraha sida birta iyo titanium, iyo helium - oo loo isticmaalo waxyaabo badan, laga bilaabo elektronigga ilaa qalab caafimaadka.
Laakiin kheyraadka soo jiitay dareenka ugu badan ayaa sidoo kale ah kan ugu yaabka badan, waana biyaha.
"Qaar ka mid ah macdanta Dayaxa ayaa biyo ku xayiran, waxaana jira xaddi badan oo biyo ah oo ku jira cirifyada" ayey tiri Russell.
Waxay sheegtay inay jiraan godad had iyo jeer ku yaalla meelo aanu iftiinku gaarin, halkaas oo barafku ku uruuri karo.
Haddii aad rabto inaad ku noolaato Dayaxa dushiisa, helitaanka biyaha waa muhiim. Ma aha oo kaliya faa'iido cabitaanka ah inuu leeyahay, laakiin sidoo kale waxaa loo kala qaybin karaa hydrogen iyo oxygen si loo abuuro hawo ay neefsan karaan cirbixiyeenada iyo xitaa shidaalka dayax gacmeedyada.
Tartanka ku gacan sarraynta hawada

Xigashada Sawirka, CNSA HANDOUT via EPA
Hawlgalkii Apollo ee Ameerika sannadihii 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii waxaa waday tartan loogu jiro sarreynta hawada sare ee Midowga Soofiyeeti. Markan Shiinaha ayaa ku jira tartanka.
Shiinaha ayaa si degdeg ah u horumarinaya barnaamijkiisa hawada sare. Waxa ay si guul leh ugu dul dejiyeen dayaxa gaadiid Robot ah, waxa ayna sheegeen in ay dadka u diri doonaan halkaasi marka la gaaro 2030-ka.
Faanka ah inaad tahay qofka ugu horreeya ee calankaaga dul sura dayaxa ayaa weli muhiim ah, laakiin meesha aad surto ayaa ka sii muhiimsan.
Mareykanka iyo Shiinaha labaduba waxay rabaan inay galaan meelaha ugu kheyraadka badan, kuwaas oo ah inay qabsadaan dhulka ugu qiimaha badan ee Dayaxa.
Heshiiskii Qaramada Midoobay ee Duleedka Hawada ee 1967 wuxuu dhigayaa in waddanna aanu sheegan karin lahaanshaha Dayaxa. Laakiin arrimuhu aad uma fududa marka ay timaado waxa laga helo Dayaxa.
"Heshiiska Qaramada Midoobay marka laga hadlayo, ma yeelan kartid qayb dhul ah, laakiin dhab ahaantii waxaad ka shaqayn kartaa dhulkaas faragelin la'aan" ayay tiri Dr Helen Sharman, cirbixiyeenadii ugu horreeyay ee Britain.
"Marka waxa ugu muhiimsan hadda waa inaad si uun u xirato, ma yeelan kartid, laakiin waad isticmaali kartaa. Markaad halkaas joogtidna adigaa iska leh inta aad rabto".
NASA hadda waxay indhaha ku haysaa Mars waxayna hiigsanaysaa inay dadka halkaas u dirto marka la gaaro 2030-ka. Si kastaba ha ahaatee, wakhtigani waa mid hami leh, marka loo eego caqabadaha farsamo ee ay tahay in laga gudbo.











