Maxaa soo socda oo dhex mari kara Maraykanka iyo Iiraan? Afar aragtiyood oo suurtogal ah

    • Author, Saeed Jafari
    • Role, Falanqeeye
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Maraykanka ayaa loo malaynayaa inuu Iiraan kala xaajoon doono wareeggii labaad ee wadahadalka xabbad joojinta, iyadoo wafdi ka socda Pakistan ay gaareen caasimadda Iiraan ee Tehran.

Laba toddobaad oo xabbad joojin ah ayaa weli jirta ka dib markii in ka badan labaatan saacadood ay socdeen wadahadallo u dhaxeeyey labada dhexe oo ay martigelisay Pakistan Axaddii, waxaana la soo gabagabeeyay iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Hal maalin gudaheed wadahadalladaas aan weli go'aanka laga gaarin ayuu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay waxa uu ku tilmaamay istaraatijiyaddiisa cusub ee ku wajahan Iiraan, isaga oo soo jeediyay go'doominta marin biyoodka Hormuz oo ah marin-biyood istaraatiiji ah oo udub dhexaad u ah ganacsiga saliidda caalamiga ah.

Haddaba Sidee baan u aragnaa guul-darradan bilowga ah ee keeni weyday in heshiis la gaaro rajada laga qabo wadahadallo kale? Iiraan iyo Maraykanku ma waxay u socdaan xiisad xakamaysam oo sii kordheysa mise xitaa dagaal balaaran oo aan laga fogaan karin?

Waa kuwan afar xaaladood oo suurtogal ah oo laga eegi karo waxa xiga ee dhici kara.

1. Xabbad-joojin jilicsan oo ah "hakin xeeladaysan"

Ka dib toddobaadyo dagaal socday, xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan waxay u muuqatay mid muujinaysa rabitaanka lagu xakameynayo dhibaatada. Si kastaba ha ahaatee, bilowgiiba, waxa barbar socday madmadow weyn.

Kala duwanaanshaha tarjumaadda ereyada, oo ay ku jiraan baaxadda juqraafiyeed, noocyada bartilmaameedyada, iyo xitaa qeexida "xad-gudubka xabbad-joojinta", ayaa keentay in goobjoogayaasha qaarkood ay u arkaan heshiiska in uu yahay hakad xeeladaysan oo aan ahayn qaab waara.

"Fursadaha heshiis lagu gaari karo waxay ku dhowaayeen eber bilowgiiba, markii uu khilaafku bilaabmay" ayuu yiri Behnam Ben Taleblu, oo ah xubin sare oo ka tirsan Mu'asasada Difaaca Dimuqraadiyada ee fadhigeedu yahay Washington.

"Kuwani waa mabaadii', mawqif iyo siyaasado ay Maraykanka iyo jamhuuriyada islaamiga ahi ku heshiin waayeen muddo sanado ah, mudada koobanna dagaalku kuma guulaysan in la yareeyo kala duwanaanshahan balse wuu sii xoojiyay" ayuu u sheegay BBC.

Dhanka kale, hadallo is-khilaafsan oo ka soo baxay mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa sii kordhiyey habacsanaanta xaaladda.

Iyadoo mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ka hadlayaan xadgudubyada soo noqnoqda ee xabbad joojinta, ayaa Mareykanka iyo Israa'iil waxay soo bandhigayaan fasiraad xaddidan oo ku saabsan ballanqaadyadooda.

Kala duwanaanshahan sheekooyinka ayaa si wax ku ool ah u sii xoojiyey kalsooni-darrada waxayna taasi shaki gelisay waaritaanka xabbad-joojinta.

Haddii dadaallada lagu soo celinayo miiska wadahadalka ay ku guuldareystaan inay natiijo ka soo baxaan, xabbad-joojintu waxay u badan tahay inay ka yara badnaan doonto hab lagu iibsado waqti, taasoo u oggolaanaysa dhinacyada inay hakadaan, ka soo kabtaan, oo dib isu soo abaabulaan, dib u qiimeeyaan mowqifyada, una diyaargaroobaan wejiga xiga.

Muuqaalkani wuxuu noqonayaa mid macquul ah haddii dhinac uu soo gabagabeeyo in uu wax yar ka helayo xaaladda hadda jirta, iyo in loo baahan yahay koror macno leh oo cadaadis ah.

Maraykanku, tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inuu markaas u arko bartilmaameedsiga kaabayaasha muhiimka ah sida korontada, buundooyinka ama tas-hiilaadka tamarta, ay yihiin kuwo suurtagal ah.

In kasta oo weerarradan oo kale ay dhalin karaan cadaadis weyn oo muddo gaaban ah, haddana waxay qaadi doonaan cawaaqib bani'aadamnimo iyo mid dhaqaale oo ballaaran waxayna kicin karaan jawaab adag oo ka timaada Iiraan.

Isla mar ahaantaana, Israa'iil, iyada oo si aad ah uga shakisan wadahadalada, haddana waxay u badan tahay inay noqoto jilaa saameyn leh.

Xamidreza Azizi, oo ah cilmi baare xiriirka caalamiga ah ayaa yiri: "Israa'iil waxa laga yaabaa in ay ku kacdo falal ay ka mid yihiin dilalka shakhsiyaadka Iiraan, oo ay ku jiraan kuwa wada-xaajoodka ku lug leh.

"Siyaasadda uu Donald Trump ku sheegay in lagu xannibo marin-biyoodka Hormuz waxay kordhinaysaa halista iska horimaadka, xitaa iyada oo aan dhinacyadu si qasab ah ugu talogelin" ayuu raaciyay.

In kasta oo suurtogalnimada ah in ay sii xumaato aan meesha laga saari karin, taasoo qiime ku kici karta sida kicinta iskahorimaad ballaaran oo goboleed iyo cadaadis dhaqaale oo caalami ah, ayaa haddana laga yaabaa inay xaaladdan ka dhigto mid yar, ugu yaraan muddada gaaban.

2. "Dagaal humaag ah"

Hal dhacdo oo laga yaabee noqon kara mid dhici karta waa ku noqoshada qaab iska horimaad oo lagu tilmaami karo "kordhin la xakameeyey".

Tani waxay la macno tahay in khilaafku aanu gaarin heer dagaal oo buuxa, dhinacyaduna si buuxda ugama waantoobin dhaq-dhaqaaq ciidan. Tani waxay ku lug yeelan kartaa sii wadida weerarrada xaddidan ee kaabayaasha, bartilmaameedyada militariga, ama xitaa khadadka saadka.

Doorka wakiillada la sii marayo ayaa markaa noqon doona mid muhiim ah. Dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee ay wadaan kooxaha ku xiran Iiraan ee Ciraaq ama Badda Cas, oo ay weheliso cadaadiska weyn ee Maraykanku ku hayo shabakadahan, waxay ballaarin kartaa baaxadda juqraafi ee khilaafka iyada oo aan si toos ah kor loogu qaadin xoojinta. Falanqeeyayaasha qaar ayaa ku tilmaamay dhacdadan "dagaal humaag ah".

"Labada dhinacba waxa ay rabaan in ay adeegsadaan dookhyadooda iyo awoodaha cadaadiska si ay saameyn ugu yeeshaan kan kale iyaga oo aan gelin dagaal buuxa" Hamidreza Azizi ayaa u sheegay BBC.

"Haddii xabbad joojinta la jebiyo, suurtagalnimada in Iiraan ay qaadi karto tallaabooyin cusub iyada oo adeegsanaysa ciidamadeeda xulafada ah - gaar ahaan Yemen - waxaa lagu qiimeeyaa inay tahay mid sarreysa" ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani maaha mid khatar la'aan ah. Marka ay xiisaddu kor u kacdo, khatarta xisaab xumada ayaa sidoo kale sii kordheysa, xitaa haddii labada dhinacba aysan dooneynin inay sii kordhiyaan, hal qorshe xumo ayaa colaadda u hurin karta heer aan la xakamayn karin.

3. Diblomaasiyadda deggan oo sii socota

Inkastoo ay fashilmeen wadahadalladii Pakistan, haddana waxaan la soo gabagabeyn karin in diblumaasiyadu ay waddadeedii ku dhaqaaqday ama in wada xaajoodku miiska saaran yahay.

Pakistan oo ah martigelinta wadahadalladan waxay u badan tahay inay sii wadi doonto dadaalkeeda maalmaha soo socda si ay ugu dhiirigeliso Tehran iyo Washington inay heshiis gaaraan iyagoo u gudbinaya farriimaha dhexdooda.

Isla mar ahaantaana dhexdhexaadiyeyaasha qaarkood, sida Qatar, Cumaan, iyo xitaa Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwo firfircoon si ay uga jawaabaan welwelka ku saabsan khilaafka oo faraha ka sii baxaya, una dhaqmaan sidii marinno isgaarsiineed oo doonaya inay ka hortagaan xaalad degdeg ah oo xiisad ah.

Si kastaba ha ahaatee, qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in horumar kasta oo lagu gaaro waddadan ay ku xiran tahay in la yareeyo farqiga aasaasiga ah ee u dhexeeya labada dhinac.

4. Xayiraadda Maraakiibta oo joogta ah

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada badda ee dalkaasi ay damacsan yihiin inay xayiraad dhanka badda ah ku soo rogaan dalka Iiraan, si ay uga hortagaan wax maraakiib ah ama kuwa shidaalka qaada ah oo mara marin biyoodka Hormuz.

Waxa uu sidoo kale ku hanjabay in uu dhexda ka qaban doono maraakiib kasta oo lacag ku siiya Iiraan inay uga ka gudbaan marin biyoodka, taasi oo u muuqata mid looga dan leeyahay in Iiraan looga hir istaago inay dhaqaale ka samayso saliidda, dhaqaalaheedana lagu ceejiyo, isla markaana uu ku dhufto dalka Maraykanka ee sida weyn ula xafiiltama ee Shiinaha oo ah dalka koowaad ee iibsada shidaalka Iiraan.

"Go'doominta badda ee dekedaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay noqon kartaa mid aad waxtar ugu leh haddii la qoondeeyo sirdoon ku filan, ilaalin iyo sahan" ayuu yiri Behnam Ben Taleblu.

"Natiijada wax ku oolka ah ee cabbirka noocan oo kale ah waxay noqon doontaa in dawladda laga joojiyo awoodda ay u leedahay inay dhoofiso badeecadeeda aasaasiga ah."

Laakin falanqeeyayaasha kale ayaa tilmaamay qiimaha weyn ee siyaasaddan ay ugu kici karto Mareykanka, taasoo ciidamadeeda ku dhaweynaysa millatari ee Iiraan kana dhigaysa kuwo aad ugu nugul in la weeraro.

Waxaa intaa dheer, si uu qorshuhu u noqdo mid wax ku ool ah, ciidamada badda waxay u baahnaan doonaan in la geeyo meel u dhow xudduudaha Iiraan muddo dheer, taasoo ku kacaysa kharashyo badan.

Ilaalinta siyaasaddan ayaa sidoo kale dhalin karta kor u kaca qiimaha saliidda iyo tamarta caalamka, iyadoo kordhinaysa suurtagalnimada faragelinta Xuutiyiinta si ay u carqaladeeyaan marin biyoodka Bab al-Mandab, taas oo kordhin karta qiimaha saliidda.

Degenaansho la'aanta qaab dhismeedka - nidaamka cusub ee gobolka?

Ugu dambayntii, waxa ka soo baxaya xaaladahan ayaa ah in gobolku uu galay marxalad ay xuduudda dagaalka iyo nabadda ka mugdi badan yihiin sidii hore.

Fashilka ku yimid wadahadalka Pakistan ma muujinayo dhamaadka dublamaasiyadda, sidoo kale ma muujinayso bilawga dhabta ah ee dagaal balaaran. Hase yeeshe, waxay tilmaamaysaa sii wadida xaalad aan kala caddayn

"In kasta oo labada dhinacba ay jeclaan lahaayeen in khilaafkan la soo afjaro, haddana tani uma eka mid dhici karta muddada gaaban" ayuu yiri Hamidreza Azizi.

Bii'ada hadda jira, go'aannada xeeladaysan, su'aalaha amniga, iyo xitaa horumarrada yaryar ayaa saameyn weyn ku yeelan kara jihada guud ee dhibaatada.

Tani waxay keentay in dad badan oo falanqeeya ay ka hadlaan "xasilooni la'aanta qaab dhismeedka" ee gobolka, xaalad aan si buuxda loo qeexin xeerarka ciyaarta, natiijada ka soo baxdana aan la saadaalin karin.

Xaaladahan oo kale, laga yaabee in tilmaanta ugu saxsan ay tahay in Iiraan iyo Maraykanku ay galeen in marxalad dagaal iyo wada xaajoodyo isku mar furmaan. Labada dhinacba waxay sii wadaan inay ku tiirsanaadaan qalabka militariga, iyagoo sidoo kale ilaalinaya kanaalada diblomaasiyadeed ee qayb ahaan furan.