F-35-tii shiishka lala helay - iyo Iiraan oo burburisay aaminaad laga qabay inaan diyaaradaas wax la gaarsiin karin

Xigashada Sawirka, Xigasho Getty Images, Naqshadeynta: BBC.
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Meel kamid ah hawada dalka Iiraan ayaa maalinimadii Khamiista, 19kii Maarso, ayaa gantaal ama wax u eg uu ku helay diyaarad Mareykanku leeyahay oo F-35 ah. Milateriga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday rasaas looga shakisan yahay inay ka timid dhanka Iiraan xilli ay ku jirtay hawlgal dagaal, waxayna ku guulaysatay inay si degdeg ah ugu degto saldhig diyaaradeed oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.
Pentagon-ku wuxuu dhacdadan ku tilmaamay mid baaritaan lagu sameynayo oo jirta. Waana weedh la dhihi karo waa la filayay oo taxadar ayay ka muujinayaan intaysan wax sheegin. Laakiin dhacdadani si walba taxadar uga dheer, oo waa ba mid aan hore loo arag.
In ka badan toban sano oo hawlgalo dagaal laga fulinayay Suuriya, Liibiya, Qasa iyo meelo ka baxsanba, ma jirin F-35 waligeed lasoo sheegay in ay ku dhacday rasaas cadow. Rikoodhka diiwaankaas hadda Iran ayaa soo afjadhay.
Waxa ay Iiraan Khamiistii samaysay waa inay burburisay dooddii ololaha cirka ee laga iibiyay caamadda, si dad badan u aaminaan caqiidada ah in wax kastoo dhaca aan la beegsan karin F-35.
F-35 waxaa lagu dhisay hal istiraatiijiyadeed oo abuurkeeda oo dhan ubuc u ahayd. Richard Aboulafia, maamulaha shirkadda la talinta ee Maraykanka ee AeroDynamic Advisory ahna mid ka mid ah codadka loogu tixraaca badan yahay falanqaynta duulista milateriga, ayaa mar dhexdaas ah F-35 ka yiri: "Wax walba oo cirkaa heehaabaya, si kastuu u hormarsan yahay, waa wax mar uun ishu qaban kadho. Fikirka ah inaad haysato qalab ku qarinaya waa mid aad u khatar badan., oo jar kaa tuuri kara."
Hadalkaas dad badan ayaa u qaatay inuu ku liidayo tayada diyaaradda. Laakiin, wuxuu saxayay khuraafaad barnaamijka diyaaraddani laftiisu gacan ka geystay dhisiddiisa.
Lockheed Martin waxay ku tilmaantay F-35 inay awood u leedahay inay u shaqayso sidii calaamad le'eg xajmiga kubbadda golf-ka, taas oo si wax ku ool ah aan looga arki karin raadaarka marka ay fog tahay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si ku celcelis ah marar badan u dhiirrigeliyay barnaamijkan, isagoo isu-soo-baxyo kala duwan ugu sheegay taageerayaashiisa in diyaaraddani ay tahay mid aan la shiishi karin.
Warkaas waxaa diiday reer Tehran. Oo Trump ku yiri, ku laabo halkaas aad ku sheegtay inay tahay mid aan la haleeli karin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Farqiga u dhexeeya xaqiiqda diyaaraddan ku saabsan iyo khuraafaadka dadweynaha looga sheegay, waxa ay had iyo jeer u adeegaysay hal ujeeddo oo ah in markasta iska-caabbintu ay ku xiran tahay aaminaad. Taas oo haddii dadku aaminaan inaan la loodin karin F-35, aysan cidna haweysan doonin beegsigeeda.
Waxa dhacay Khamiistii waxay hug iyo hal aan jiray ka dhigeen aaminaaddaas.
Taariikhda waxyar aan dib idinkugu celiyo, si aan iskula fahanno muhiimada ay dhacdadan lagu beegsaday F-35ta u leedahay majaalka dagaalka casriga ah.
Habeenkii 27-kii Maarso 1999, gantaalaha difaaca hawada ee Serbia ayaa soo riday F-117 Nighthawk, taas oo ahayd diyaaraddii ugu horreysay ee qarsoodi ku howlgasha ee Ciidanka Cirka ee Maraykanku lahaa, xilligaasna loo tixgelinayay mid aan raadaarku qaban karin.
Ruushka iyo sida la sheegay Shiinaha ayaa haraaga diyaaraddii Serbia habeenkaas soo qaatay, waxayna labaatankii sano ee xigay ku mashquulsanyaan soo saarista natiijo ku saabsan sida Mareykanku u sameeyay xirfaddan.
Natiijadii ay halkaas ka heleen waxay dhaleen nidaamyo raadaar oo cusub. Ruushku wuxuu horumariyay raadaarka Nebo-M, kaas oo isku mar raad-raacayay diyaaradaha isticmaala mowjadaha VHF, UHF, iyo L, waxaana la rumeysan yahay inuu awood u yeeshay inuu ogaado diyaaraddo badan oo Mareykanku sameeyay marka laga reebo F-35.
Sannadkii 2014, injineer hore oo ka tirsanaan jiray Boeing ayaa ka qirtay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ah inuu xiriir la lahaa shakhsiyaad jooga Shiinaha isagoo u gudbinayay faylal sir ah oo laga helay qandaraaslayaasha difaaca Maraykanka.
Agabka la xaday waxaa ku jiray farsamada qarsoodiga ah iyo naqshadaha nidaamyada hawlgalka Mareykanka oo F-35 kamid tahay.
Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda, hawlgalku wuxuu socday intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2014, xogtan waxaa laga iibiyay shirkado ay taageerto dawladda Shiinaha, arrintaas oo si wax ku ool ah ugu oggolaatay inay soo gaabiyaan sannado badan oo kaga bixi lahaa horumarinta diyaaraddaha Shiinaha.
Falanqeeyayaal baaray diyaaradda Shiinaha ee J-35A ayaa xusay in dahaarka qarsoodiga ah iyo astaamaha nuuga raadaarka ay u muuqdaan kuwo si dhow looga soo qaatay tiknoolajiyadda Maraykanka.
Shiinaha iyo Ruushka labaduba waxay u aqoonsadeen F-35 inay tahay heerka laga rabo inay gaaraan, taas oo la'aanteed falanqeeyayaasha difaaca ay ku doodeen inaysan rajeyn karin inay ku guuleystaan dagaallada mustaqbalka ee hawada sare ah.
Iiraan haddaba ma laha awoodda Shiinaha ama Ruushka. Laakiin qaab-dhismeedka difaaca hawadeeda waxaa lagu dhisay qalab Ruush ah, caqiidada Shiinaha, iyo mararka qaarkood la-taliyayaal labada dal uga yimaada.
Bavar-373, oo ah nidaamka gantaalaha ee Iiraan dalkeeda ku samaysatay, waxaa loo horumariyay si uu jawaab ugu noqdo cunaqabataynta Maraykanka ee ka hor istaagtay iiraan helitaanka S-300 oo ah nooca raadaar ee ugu casrisan dunida. Wakhtigan aan qorayno ma jidho cid xaqiijin karta, ama beenin karta in raadaarkaas gacan ka gaystay weerarka Iiraan la heshay F-35ta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aqalka Cad wuxuu raadinayaa lacag dheeraad ah oo milateriga la siiyo oo gaaraysa $200 bilyan, taas oo dheeraad ku ah miisaaniyadda difaaca ee sannadlaha ah ee $838.7 bilyan ee uu Congress-ku horay u ansixiyay bishii Janaayo. Pentagon-ku wuxuu sheegay in dagaalku ku kacay $11.3 bilyan toddobaadkiisii ugu horreeyay oo qura.
Iska horimaadku wuxuu galay toddobaadkiisii afaraad maalintii Sabtida, iyadoo saraakiishu ay soo jeedinayaan inuu sii socon karo toddobaad ilaa saddex toddobaad
Isku soo duub, sumcadda diyaaradda F-35 hadda waxay gashay waji kale. Hal diyaarad oo la beegsaday kama dhigayso barnaamijka oo dhan mid aanan shaqaynayn. Su'aasha se mudan in la is weydiiyo waa, in F-35 ay u babac dhigi karto dhibaatooyinka dagaalka hawada sare ah oo lala galo kuwa la tartamaya Mareykanka sida Shiinaha ama Ruushka. Iiraan ayaa dhanka jawaabta su'aashaas hadda tilaabo u qaaday.
Halkii mid oo F-35 ah sameynteedu wuxuu ku kacayaa ilaa $77 milyan. Midda Khamiistii degtay waxay u badan tahay inay tahay mid la hagaajin karo.
Laakiin gudaha Beijing iyo Moscow, waxaa indhaha dhan lagu hayaa sidii loo heli lahaa jawabata wixii dhacay khamiistii iyo waxa suurtagalka ka dhigay.
Dagaalkan oo ah mid lagu dagaallamayo qayb ahaan fahamka, qayb ahaanna iska-caabbinta, muhiimad gaar ah ayay u leedahay in Iiraan ay ka takhalustay aaminaadii ahayd in F-35 aan shiish lala heli karin. Natiijadda xigtana waxa ay u badan tahay mid aysan Washington jeclaysan doonin.










