Maxaa xalay ka dhacay magaalada Dimona ee Isreal, meel u dhow xarun Nukliyeer ka dib wearer Iran qaaday?

Isreal

Xigashada Sawirka, Maxar

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Weerar gantaal oo ay Iiraan fulisay ayaa ku dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa'iil, taas oo u dhow xarun nukliyeer ah.

Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atommiga (IAEA) ayaa sheegtay inayna ka warhayn waxyeello soo gaartay xarunta cilmi-baadhista nukliyeerka ee ku taalla meel qiyaastii 13km dibbada ka ah magaalada Dimona.

Telefiishanka dawladda Iiraan ayaa sheegay in weerarku uu ahaa jawaab ka bixin weerar la sheegay in lagu qaaday xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Iiraan horraantii Sabtidii.

IAEA waxay sheegtay in 'wax koror ah oo ku yimid heerarka shucaaca ka baxsan goobta' aan la soo sheegin ka dib dhacdadaas. Rafael Grossi, oo ah agaasimaha guud ee IAEA, ayaa sheegay in 'waa in la muujiyo xakamayn ciidan oo heerkeedu sarreeyo, gaar ahaan meelaha u dhow xarumaha nukliyeerka'.

Adeegga gurmadka degdega ah ee Israa'iil ayaa sheegay inay dawaynayaan 40 qof ka dib weerarkii Dimona, oo ay ku jiraan 37 qof oo qaba dhaawacyo fudud iyo wiil 10 jir ah oo xaaladdiisu ay halis tahay. Waxay sidoo kale sheegeen in 68 qof oo kale lagu dawaynayo weerar gaar ah oo ka dhacay magaalada u dhow ee Arad, kuwaas oo ay ku jiraan 47 qof oo dhaawacyo fudud qaba iyo 10 qof oo xaaladoodu ay aad u daran tahay.

"Tani waa xaalad aad u daran," ayuu yiri farsamayaqaanka gurmadka degdegga ah Yakir Talkar bayaan uu ku sharaxayo Arad, isagoo intaas ku daray in ay jiraan "dad badan oo dhaawac ah oo leh heerar kala duwan oo dhaawac ah."

"Magaalooyinka Dimona iyo Arad labadaba, waxaa la riday gantaallada difaaca ee ka hortaga gantaallada balse kuma guulaysan inay qabtaan khatarta, taas oo sababtay in laba gantaal oo balastig ah oo wata madaxyo culeyskoodu boqolaal kiiloogaraam yahay ay si toos ah ugu dhacaan halkaas," ayay yiraahdeen kooxda dab-demiska ee Israa'iil.

Xarunta cilmi-baarista Nukliyeerka ee Shimon Peres Negev, oo ku taalla lama-degaanka Negev, waxaa inta badan loo yaqaannaa " reactor Dimona". Muddo dheer waxaa la aaminsanyahay in halkaas ay ku keydsan yihiin hubka nukliyeerka ee Israa'iil ee aan la shaacin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si rasmi ah, goobta waxaa la sheegaa inay diiradda saarto oo kaliya cilmi-baaris. Balse ku dhawaad lixdan sano, waxay ahayd sir furan in Israa'iil ay halkaas ku diyaarisay Bam nukliyeer ah, inkasta oo xukuumad kasta oo is-beddesha ay joogteysay mowqif mugdi ku jiro oo ku saabsan arrintan.

Tani waxay ka dhigan tahay in Israa'iil ay tahay quwadda kaliya ee nukliyeerka ku leh Bariga Dhexe. Sidaa darteed, calaamad kasta oo muujinaysa in goobtaas la beegsanayo waxaa u qaadataa Israa'iil si aad u culus.

Labada Israa'iil iyo Maraykankuba waxay u arkeen ciribtirka awood kasta oo Iran u suuragelin karta inay samaysato hub nukliyeer ah inay tahay ujeeddada ugu weyn ee dagaalkan.

Hay'adda Tamarta Atomiga ee Iran (AEOI) ayaa ku tilmaantay weerarka lagu qaaday Natanz inuu yahay xadgudub ka dhan ah Heshiiska Ka-hortagga Faafidda Hubka Nukliyeerka, balse waxay sheegtay in "aan la soo sheegin wax ligiid ah oo walxo shucaac ah" isla markaana "aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan dadka degan meelaha ku hareeraysan".

Natanz ayaa sidoo kale la beegsaday maalmaha ugu horreeya ee dagaalka, kaas oo bilaabmay 28-kii Febraayo, iyada oo ay weerarro ku qaadeen Maraykanka iyo Israa'iil, sidoo kale intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday bishii Juun.

Markii Sabtidii wax laga weydiiyay Natanz, Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa u sheegay warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah in aysan ka war hayn wax weerar ah oo ka dhacay aaggaas.