Iran oo u hanjabtay goobaha tamarta khaliijka ee xiriirka la leh Mareykanka ka dib markii Trump uu waqti kama dambeys ah u qabtay

Marinka biyoodka Hormuz, ayaa ah goob muhim u ah ganacsiga shidaalka ee adduunka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo laga maqlayo Tehran iyo Isfahan.

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in la maqlay qaraxyo ka dhacay Tehran iyo Isfahan.Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa soo sheegay weerar cirka ah oo ka dhacay Khorramabad.

    Xaaladda amni ee ka jirta Iiraan, gaar ahaan warbaahinta dalka, ayaa caqabad ku ah faafinta warar sax ah oo ku saabsan weerarrada ay Maraykanka iyo Israa’iil ka geysanayaan dalka, waxaana sidoo kale adkaynaya xaqiijinta wararka lagu daabaco baraha bulshada maadaama ay jiraan cillado dhanka internetka ah 23-kii maalmood ee la soo dhaafay.

  2. War deg deg ah, Degdeg: Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday guddi doorasho

    Warqadda

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabsicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqay guddi doorasho oo maamulkaasi yeelanayo isla markaana qaban doona doorasho sida qorshuhu yahay.

    Guddiga doorashada madax bannaan ayaa ka kooban sagaal xubnood sida ku qoran waraqadda ka soo baxday maamulka Koonfur Galbeed.

    Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed uu marayo meel xasaasi ah.

  3. War deg deg ah, Gataallada Iiraan oo Imaaraadka cabsi ka abuuray iyo dadka oo baaq loo diray

    Hay’adda Maareynta Gurmadka Qaran iyo Xaaladaha Degdegga ee Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ee dalka ay “hadda ka jawaabayaan hanjabaado gantaallo ah”.

    Qoraal ay hay’addu ku daabacday barteeda X, ayay ku sheegtay in dadweynaha lagu boorinayo inay “ku sugnaadaan meel amaan ah”

  4. War deg deg ah, Trump oo Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska kala hadlay Marinka Hormuz

    Trump iyo Starmer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa caawa telefoon ku wada hadlay.

    Afhayeen ka tirsan xafiiska Downing Street ayaa yiri: “Hoggaamiyayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda hadda ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan baahida loo qabo in dib loo furo marinka Hormuz si loo bilaabo marista maraakiibta caalamiga ah.

    “Waxay isla garteen in dib u furidda Hormuz ay muhiim u tahay xasiloonida suuqa tamarta caalamiga ah.

    “Waxay sidoo kale isku raaceen inay mar kale dhawaan ay wada hadlaan.”

  5. Muwaadiniinta Mareykanka oo basas lagu daad-gureynayo

    Safaaradda Maraykanka ee magalaada Qudus ayaa sheegtay in ay bilaabayso bixinta basas khaas ah oo aadaya dalka Cumaan laga bilaabo Isniinta berri ah.

    Safaaradda ayaa sheegtay in adeeggan basaska loo fidin doono muwaadiniinta Mareykanka ee doonaya inay ka baxaan Israel. Basasku waxay u safri doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Cummaan.

    “Bixitaanka hadda waxaa laga heli karaa aagagga Qudus iyo Tel Aviv. Safarkooda xiga, oo ay ku jiraan duullimaadyada ka baxa garoonka diyaaradaha ee dalka Cummaan, waa masuuliyad saaran kuwa doonaya in ay baxaan,” ayay ku sheegtay safaaraddu war qoraal ah oo ay soo saartay.

  6. War deg deg ah, Israa'iil oo war cusub ka soo saartay dagaalka inta uu soconayo

    War-saxaafadeed uu warbaahinta siiyay wax yar ka hor, afhayeenka ciidamada IDF ee Israa’iil, Jeneraal Brig Effie Defrin, ayuu ku sheegay in ay jiraan “toddobaadyo dagaalku sii socon doono” kaasoo ka dhan ah Iran iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan.

    “Waxaa nalaga filayaa inaan wajahno dhowr toddobaad oo dagaal ah oo ka dhan ah Iran iyo Xisbullah,” ayuu yiri Defrin.

    “Maalin kasta oo na dhaafta, waxaan sii wiiqeynaa nidaamka argagixisada ah uu isa soo tarayo ma oggolaan doonno in nidaamka argagixisada iyo wakiilladiisu ay khatar ku noqdaan Dawladda Israa’iil.”

  7. Dadkii oo ka kala dareeray xilli Ra'iisul Wasaare Netanyahu khudbad jeedinayay

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa 27-kii bishii Sebtembar 2025-kii weerar afka ah ku qaaday aqoonsigii dowlad Falastiin ay yeelato ay xilligaas siiyeen dalal badan oo reer galbeed ah xilli uu khudbad kulul ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Netanyahu ayaa ku tilmaamay aqoonsigaas tallaabo "ceeb ah" oo diraysa farriinta ah in "dilka Yuhuuda uu faa'iido leeyahay".

    Tobaneeyo qof oo isugu jira mas'uuliyiin iyo dublamaasiyiin ayaa bannaanbax sameeyay oo hoolka isaga baxay xilligaas, kaddib markii uu soo koray masraxa khudbadaha laga jeedinayay iyadoo qeybo badan oo ka mid ahaa hoolka shirarka uu ka socday ay faaruqiyeen dadkii. Banaanka, dibad baxayaasha ka soo horjeeda dagaalka Israa'iil ee Qasa ayaa isugu soo baxay xilligaas si gaar ah fagaaraha Times Square.

  8. War deg deg ah, Iiraan oo si adag ula hadashay Trump iyo Israa'iil

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa ku qoray bartiisa X in “Marinka Hormuz uusan xirnayn”, isaga oo raaciyay: “Maraakiibtu way ka caga jiidayaan sababtoo ah shirkadaha caymiska ayaa ka baqaya dagaalka aad adinka oo ula jeedo ,Maraykanka iyo Israa’iil, doorateen, ma aha Iran.”

    Waxa kale oo uu sheegay in “shirkad caymis ah iyo sidoo kale qof Iiraani ah, aan lagu cabsi gelin doonin hanjabaado dheeraad ah.”

    Caraqji wuxuu intaas ku daray: “Xorriyadda Maraakiibta ma jiri karto la’aanteed Xorriyadda Ganacsiga. Ixtiraama labadaba, haddii kale midna ha filanina.”

  9. War deg deg ah, Xog laga helay weerarkii Iraan ku qaadday xaruumaha nukliyeerka Israa'iil

    Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada ayaa sheegtay in aysan helin wax calaamad ah oo muujinaya waxyeello soo gaartay xarun cilmi-baaris nukliyeer oo ku taalla agagaarka magaalada Dimona kadib weerarro gantaallo ahaa oo Iiraan xalay ku qaadday.

    War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu yiri: “Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta waxay ka warqabtaa wararka ku saabsan dhacdo ka dhacday magaalada Dimona oo la xiriirta weerar gantaal, mana aysan helin wax tilmaam ah oo muujinaya waxyeello soo gaartay Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeer ee Shimon Peres Negev.”

    Sida ay hay’addu sheegtay, macluumaadka laga helay dalalka gobolka ma muujinayo wax dhaqdhaqaaq shucaac oo aan caadi ahayn.

    Agaasimaha guud ee hay’adda, Rafael Grossi, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda isla markaana ku baaqay “xakamayn buuxda, gaar ahaan meelaha ku xeeran xarumaha nukliyeerka.”

    Habeenkii xalay, Iiraan ayaa weerarro culus oo gantaallo ah ku qaaday magaalada Dimona, oo hoy u ah warshadda tamarta nukliyeerka ee Israa’iil iyo xarumo cilmi-baaris.

    Maalin ka hor weerarkan, Mareykanka ayaa duqeeyay xarunta nukliyeerka ee Natanz.

  10. War deg deg ah, Israa'iil oo shaacisay khasaarihii xalay ka soo gaaray weerarradii Iiraan ku qaadday

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Adeegyada gurmadka degdega ah ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay in qof ku dhaawacmay weerarradii gantaallada ahaa ee Iran ee shalay in uu geeriyooday.

    Sida laga helay hay’adda Magen David Adom, qofka dhintay wuxuu ahaa nin da’diisu ku dhoweyd 60 jir, oo ku dhaawacmay weerarradii xalay Iiraan ku qaadday magaalooyin Israa’iil ku yaalla.

    MDA waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kooxahoodu gargaar caafimaad siiyeen 164 qof.,150 qof oo k amid ah dadkaas waxay qabaan dhaawacyo jirka ah, halka 14 qof ay jirkooda dhan ka muuqdaan dhaawacyada.

    Sida ay hay’addu sheegtay, 12 qof ayaa xaalad halis ah ku jira, kuwaas oo ku dhaawacmay jajabka gantaallada iyo qaraxyada. 20 qof ayaa xaaladdoodu ka roon tahay kuwa halista ah, halka 88 qof ay qabaan dhaawacyo fudud.

    MDA waxay sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka ay gargaar caafimaad siisay 1,576 qof.

    Guud ahaan, 16 qof ayaa ku dhintay weerarrada gantaallada ee Israa’iil tan iyo markii dagaalku bilowday.

  11. War deg deg ah, Diyaarado Iiraan leedahay oo la soo riday iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay soo riday dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo duulayay bariga dalkaas.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed, wadar ahaan sagaal diyaaradood oo aan duuliye laheyn ayaa la soo riday tan iyo saaka.

    Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Iran ay ku hayaan Sacuudiga ay weli socdaan. Wasaaraddu waxay maalintii oo dhan ku baahisaa bayaano dhowr ah baraha bulshada, iyadoo sheegta in diyaarado aan duuliye laheyn la qabtay laguna burburiyay hawada gobolka bari.

  12. War deg deg ah, Degdeg: Madaxweynaha Iiraan oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan marinka Hormuz

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa si cad u sheegay in marin-biyoodka Hormuz uu u furan yahay dhammaan maraakiibta marka laga reebo kuwa “ku duulay dhulka Iran ama jabiyay sharciga xuduudaheeda.”

    Madaxweynaha Iran ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta xiriirka bulshada ee X.

    Pezeshkian wuxuu intaas ku daray in hadalka Mareykanka ee ku saabsan in Iran laga tirtiro khariidadda uu yahay calaamad muujinaysa “niyad-jab.”

  13. War deg deg ah, Milatariga Israa'iil oo weeraray xaruun hubka lagu kaydiyo oo Iiran leedahay

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milatariga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay beegsadeen xarun lagu soo saaro laguna kaydiyo hubka, oo uu ku jiro saldhig ciidan oo ku yaalla Iran.

    Farriin uu milatarigu ku daabacay barta Telegram, wuxuu ku sheegay in weerarrada habeenkii saqda dhexe ay ku beegsadeen goobo ay adeegsadaan hay’adaha ammaanka ee hoos yimaada nidaamka Iran, kuwaas oo lagu sameeyo laguna kaydiyo hubka.

    Dhanka kale, warar ku saabsan weerarro cusub ayaa laga helayaa caasimadda Iran ee Tehran, sida ay sheegtay warbaahinta Iran, waxaa la hawlgeliyay nidaamka difaaca cirka ee bariga Tehran.

  14. Iran ayaa ku hanjabtay in marinka Hormuz aan la fureyn hadii la weeraro xarumaheeda Tamarta

    Dagaalka Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeen u hadlay xarunta Khatam al-Anbiya ayaa ka digay hadii Donlad Trump uu weeraro warshadaha korontada in marinka Hormuz gabi ahaan uu xirnaanayo oo aan la fureyn ilaa inta warshadaha dib sameynayo.

    Hadalkan ka soo baxay xarunta ayaa lagu sheegay, “Waxkasta waxay diyaar u yihiin Jihaadka weyn ee loogu talogalay in gabi ahaan lagu burburiyo dhammaan danaha dhaqaalaha Mareykanka ee gobolka galbeedka Asia”.

    Hadalkan ayaa soo baxay kaddib hanjabaadda Donald Trump ee aheyd “Waxaan beegsaneyn warshadaha tamarta Iran hadii aan markina Hormuz la furin”.

    “Waxaan ku celcelinay in marinka Hormuz uu ka xiran yahay oo kaliya cadowga ee gabi ahaan lama xirin, wax la socda sirdoonkeena”

    Afhayeen u hadlay xarunta ayaa sidan yiri, “Hadii la dhaqangeliyo hanjabaadda Mareykanka ee xarumaheena tamarta, tallaabooyinkan ayaa degdeg loo hirgelinayaa”.

  15. Scott Bessent : “Mararka qaar waa in aad kaga sii dartaa si dagaalka loo qaboojiyo”

    Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in Donald Trump uu “diyaar u yahay tallaabo kasta” dagaalka Bariga Dhexe.

    “Mararka qaar waa in aad sii hurisaa si aad u qaboojiso,” ayuu yiri Bassent oo BBC-da la hadlay.

    Bassent oo la weydiiyay hadii Mareykanku geynayo jasiirada Kharg ciidmo dhulka ah ayaa ku jawaabay in ay ku guuleysteen duqeytna jasiirada, wuxuuna ku celiyay in wax kasta diyaar loo yahay.

    Ku dhawaad 90 boqolkiiba shidaalka Iran ay dhoofiso wuxuu maraa jasiirada. Mareykanka waxay hore u sheegeen in ay duqeyeen in ka badan 90 goobood oo mititary oo ku yaal jasiirada.

    Dhanka kale, dadweynaha Iran ayaa ku eedeeyay Donalnd Trump in uu “dabka sii hurinayo” isagoo ku hanjabay in uu duqeynayo warshadaha korontada hadii aan la furin Hormuz.

  16. War deg deg ah, IRGC: Gacan-biyoodka Hormuz 'waa la xiri doonaa' haddii xarunta tamarta la beegsado

    War qoraal ah oo ay baahiyeen warbaahinta Iran, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sheegay in ay “gebi ahaanba xiri doonaan” marin biyoodka Hormuz haddii Maraykanku uu bartilmaameedsado kaabayaasha tamarta Iran.

    Trump ayaa mar sii horeysay ku hanjabay inuu " baabi'in doono" wershadaha korontada ee Iran haddii aan marinkan lagu furin 48 saacadood gudahood.

    Warar dheeraad ah:

  17. Iran oo duqeymo cusub ka fulisay Israa'iil

    Gantaallo badan ayaa loo soo riday dhanka Israa’iil oo laga keenay Iran, warbixin dheeraad ah oo Telegram ka soo saartay IDF ayaa sheegtay.

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarka, waxaana digniin taxaddar ah loo diray taleefoonnada gacanta ee meelaha ay khuseyso.

    Telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB, ayaa sidoo kale ku warramaya in mowjado cusub oo gantaallo ah ay billaabeen.

    Geesta kale, wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay qabteen afar gantaal oo balistik ah iyo 25 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo riday Iran maanta.

    Isku soo wada duuboo, difaaca cirka ee Imaaraadku waxa ay hadda qabteen 345 gantaalaha balistigga ah, 15 gantaalaha nooca cruise-ka ah, iyo 1,773 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah tan iyo "billowgii gardarrada cad ee Iran", ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay X.

    Warar dheeraad ah:

  18. Israa'iil oo duqeymo hor leh ku qaadday Lubnaan

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo hor leh ku qaadeen koonfurta Lubnaan oo ay ku bartilmaameedsanayaan ururka Xisbullah.

    War qoraal ah oo lagu faafiyay Telegram-ka, ayaa lagu sheegay in ciidamada dhulka iyo kuwa cirka ay ku lug lahaayeen howlgalka.

    War cusub oo soo baxay horraantii Axaddii, IDF waxay sheegtay inay dishay sagaal xubnood oo ka tirsan kooxda ay Iran taageerto fiidnimadii Sabtida.

    Lubnaan waxa soo dhex galay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran markii Xisbullah oo ay Iran taageerto ay gantaallo ku garaacday Israa’iil. Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeymo dhanka cirka ah, waxaana markii dambe ay ciidamo dhulka ah u dirtay koonfurta dalkaasi.

    Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa u sheegay ciidamada inay burburiyaan buundooyinka mara wabiga Litani - oo ay isticmaalaan Xisbullah - isagoo sheegay inuu doonayo in ciidamada ay kordhiyaan burburinta guryaha ee tuulooyinka la bartilmaameedsado.

    Duqeymaha cirka ayaa burburiyay laba buundooyin oo dul mara wabiga isku xira koonfurta Lubnaan iyo dalka intiisa kale horaantii todobaadkan, ayay tiri IDF.

    Warar dheeraad ah:

  19. Netanyahu oo baaq u diray shacabka Israa'iil

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, AP

    Waxaan war dheeraad ah ka helnay Arad oo ku taal koonfurta Israa'iil halkaas oo ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu booqday Axaddii.

    In ka badan 80 qof ayaa ku dhaawacmay gantaallada Iran ay Sabtidii ku garaacday magaalada.

    Netanyahu ayaa sheegay inay ahayd "mucjiso" inaan qofna la dilin, wuxuuna ku boorriyay shacabka Israa'iil inaysan "fududeysan" - isagoo sheegay inay u baahan yihiin inay galaan goobaha gabbaadka inta lagu jiro digniinta gantaallada.

    "Toban daqiiqo ayay socotay digniinta ilaa uu gantaalku soo dhacay," ayuu yiri.

    "Gantaalku wuxuu ku dhacay halkan, inta u dhaxaysa dhismooyinka. Oo haddii qof walba uu u bixi lahaa inta lagu jiro daqiiqadahaas meelaha la ilaaliyo, oo uu galo hoyga ka hooseeya dhismo kasta oo halkan ah, qofna waxba ma soo gaareen."

    "Ha noqon kuwo is-dhigta, ha noqonin kuwo aan dan ka lahayn," ayuu sii raaciyay.

    "Markaad maqasho digniinta ugu horreysa, isla markiiba u tag meesha la ilaaliyo."

    Warar kale oo dheeraad ah:

  20. Iiraan ma weerari kartaa London?

    UK

    Ma jirto "qiimayn lagu xaqiijinayo" sheegashada Israa'iil ee ah in Iran ay haysato gantaallada riddada dheer oo ay gaari karaan London, sida uu sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda UK.

    Xoghayaha guriyeynta Steve Reed ayaa BBC u sheegay in aysan jirin "qiimayn gaar ah oo ay Iiraaniyiintu ku beegsanayaan UK - ama xitaa haddii ay rabaan", ka dib markii ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay Sabtidii sheegeen in Tehran ay haysato hub gaari kara ilaa 4,000km (2,485 mayl).

    Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigga milatari ee ay wadaagaan Mareykanka iyo UK ee jasiiradaha Chagos ee Badweynta Hindiya, kaasoo qiyaastii 3,800km u jira Iran.

    Reed waxa uu diiday in uu sheego sida ay ugu dhawaayeen gantaallada dhulka Ingiriiska, isaga oo sheegay in aanu la wadaagi karin "faahfaahinta hawlgalka".

    Iran ayaa labo gantaal oo baliistik ah ku dhufatay Diego Garcia - mid ka mid ah wuu fashilmay oo wuu soo dhacay halka kan kalena la qabtay - habeennimadii Jimcaha.

    Warar kale oo dheeraad ah:

Trending Now