Maxay yihiin diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada Pakistaan ee la geeyay Sacuudiga?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dhawr maalmood ka hor, diyaaradaha dagaalka iyo ciidamo milatari oo ka socda Pakistan ayaa gaaray Sacuudi Carabiya, taasoo qayb ka ah dhaqan-gelinta heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal oo la saxiixay sanadkii hore. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Islamabad ay martigelisay wadahadallo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo ujeedkoodu ahaa in lagu soo afjaro dagaalka lala jiro Iran, balse aan laga gaarin horumar weyn, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in weli ay socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu qabanayo wareeg labaad oo wada-xaajood ah maalmaha soo socda.

Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamadan la keenay ay ku jiraan qorshaha xoojinta iskaashiga difaac ee labada dal iyo taageeridda amniga iyo xasilloonida heer gobol iyo heer caalami. Dhanka kale, sarkaal Pakistani ah oo aan rabin in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay Reuters in ciidamadan "aan loogu talagelin inay weerar ku qaadaan cidna."

Tallaabadan waxay dhalinaysaa su'aalo badan oo ku saabsan waqtigeeda iyo micnaha ay xambaarsan tahay, xiriirka ay la leedahay mustaqbalka dammaanadaha amni ee Mareykanka ee Khaliijka, iyo sidoo kale caqabadaha ku saabsan iswaafajinta tiknoolajiyadda milatari ee Pakistan—oo badankeed ku saleysan Shiinaha—iyo nidaamyada difaaca ee Mareykanka.

Intaas waxaa dheer, waxaa jira su'aalo ku saabsan saameynta arrintan ay ku yeelan karto doorka Pakistan ee dhexdhexaadiye ahaan, oo la filayo inuu noqdo mid ay aqbalaan dhammaan dhinacyadu.

Tallaabadan waxay dhalisay su'aalo badan oo ku saabsan waqtiga ay ku soo beegntay iyo saameynta ay yeelan karto, xiriirka ay la leedahay mustaqbalka dammaanadaha amni ee Mareykanka ee gobolka Khaliijka, iyo sidoo kale caqabadaha ka imanaya iswaafajinta tiknoolajiyadda milatari ee Pakistan—oo inta badan ku saleysan Shiinaha—iyo nidaamyada difaaca ee Mareykanka. Waxaa intaa dheer, arrintan waxay saameyn ku yeelan kartaa doorka Pakistan ee dhexdhexaadiye ahaan, oo la filayo inuu noqdo mid ay wada aqbali karaan dhammaan dhinacyadu.

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Mohammad Shahbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku kulmay Riyadh Sebtembar 2015

Xigashada Sawirka, Saudi Press Agency

Xassan Al-Shehri, oo ah khabiir amniga iyo istiraatiijiyadda Sacuudiga,ayaa u arkay in keenista ciidamada cirka ee Pakistan ee dhulka Sacuudi Carabiya ay muujinayso isbeddel ay Sacuudigu ku doonayaan inay ku kala duwanaadaan dammaanadaha amniga, taasoo ku jirta qaab-dhismeedka iskaashiga difaac ee labada dal.

Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay "xeelad caqli badan oo isu-dheelitiran," maadaama ay dhinac-na ay iskaashi kula jiraan Washington, dhinaca kalena ay dhisayaan awood gacan-saar la leeyihiin Pakistan.

Heshiiska Difaaca Wadajirka ah (SMDA) ee istiraatiijiga ah ee ay Riyadh iyo Islamabad kala saxiixdeen Sebtembar 2025 ayaa dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo tixgelinayo weerar lagu qaaday labadaba.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Horumarkan looma eegi karo si gooni ah, maadaama uu qayb ka yahay jawi ballaaran oo lagu arkayo shaki sii kordhaya oo ay dalalka Khaliijka ka qabaan kalsoonida dammaanadaha amni ee Mareykanka, iyo sidoo kale dadaal sii xoogeysanaya oo lagu raadinayo beddello ama cid buuxin karta firaaqa dhanka amniga ee ay dareemayaan dalalka Khaliijka.

Khabiirka Sacuudiga ayaa saadaaliyay, wareysi uu siiyay BBC Arabic, in heshiiska difaac ee istiraatiijiga ah ee lala galay Pakistan uu kordhin doono qiimaha iyo cawaaqibta weerar kasta oo suurtagal ah oo ka yimaada Iran ama xulafadeeda, ama dhinac kale, si ay ugu qasbanaadaan inay dib uga fiirsadaan xisaabtooda ka hor inta aysan beegsan Sacuudi Carabiya ama dalalka Khaliijka.

Heshiiska difaac ee labada dal ayaa la saxiixay bilo ka hor inta uusan qaraxin dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran, sidaas darteed imaanshaha ciidamada Pakistan waxaa loo arkaa tijaabadii ugu horreysay ee muujinaysa sida dhab ahaan loo dhaqan-gelinayo heshiiskan, xitaa haddii ujeeddadiisu aysan ahayn "in la weeraro" cidna, sida uu sarkaal Pakistani ah u sheegay Reuters.

Sannadkii 2015, Riyadh waxay Pakistan ka codsatay taageero milatari oo ku saabsan dagaalka Yemen, balse baarlamaanka Pakistan ayaa markaas diiday codsigaas.

Sida uu sheegay Xassan Al-Shehri, xaaladdu maanta way ka duwan tahay, maadaama hadda uu jiro heshiis difaac oo rasmi ah oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.

Wariye Mareykan ah Sebastian Roblin, oo ku takhasusay arrimaha difaaca iyo milatariga, ayaa isna wareysi uu siiyay BBC Arabic ku yiri: "Waxaa mudan in la xasuusto in dagaalka Yemen uu arkay faragelin dhulka ah oo weerar ah oo ay Sacuudigu ka sameeyeen gudaha Yemen, halka mowqifka Sacuudiga ee dagaalkan hadda uu ku koobanyahay difaac."

Sida uu sheegay cilmi-baare Masri ah Dr. Mustafa Shalash, oo ah agaasimaha Qaybta Daraasaadka Koonfurta Aasiya ee Xarunta Daraasaadka Carabta-Eurasia, joogitaanka ciidamada Pakistan ee Sacuudi Carabiya wuxuu inta badan yahay astaan muujinaysa ka go'naanshaha difaac ee Pakistan u hayso Boqortooyada, iyo fariin caddeyneysa waxa uu ku tilmaamay "daacadnimada" Islamabad ee xulafadeeda.

Arrintan ayaa si gaar ah muhiim u noqotay iyadoo su'aalo laga keenay gudaha Sacuudi Carabiya ku saabsan doorka Pakistan wax ka badan bil kadib dagaalka. Sidaa darteed, aragtidiisa, joogitaanka ciidamada waqtigan wuxuu u janjeeraa inuu noqdo "mid astaan ah oo ka badan ka qaybgal dhab ah oo ballaaran oo hawlgallo dagaal."

Wareysi uu siiyay BBC Arabic, Dr. Shalash wuxuu sidoo kale sheegay in Pakistan ay tahay awood milatari oo weyn oo leh hub nukliyeer ah, balse ay dhaqaale ahaan daciif tahay isla markaana ay si weyn ugu tiirsan tahay dalalka Khaliijka, gaar ahaan dhinaca shaqaalaha.

Wuxuu xiriiriyay imaanshaha ciidamada Pakistan ee Sacuudi Carabiya warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan gargaar maaliyadeed oo gaaraya 5 bilyan oo doolar oo ay Sacuudi Carabiya iyo Qatar siinayaan Pakistan, inkasta oo wararkaas aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Barnaamijka difaaca ee Sacuudi Carabiya wuxuu ku tiirsan yahay nidaamyo kala duwan oo ka yimaada dalal badan, balse nidaamyada Mareykanka ee THAAD iyo Patriot ayaa loo arkaa laf-dhabarta ugu weyn.

Warbixinno difaac oo kala duwan ayaa tilmaamaya in Sacuudigu sidoo kale adeegsado nidaamyo kale oo ka yimaada Kuuriyada Koonfureed, Ruushka, Shiinaha, Turkiga, iyo Ukraine—si waafaqsan heerka khatarta jirta iyo nooca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la wajahayo.