Dagaalka Iiraan oo Maraykanka ku khasbay in difaaciisa kasoo raro dal saaxiib la ah iyo cadho ka dhalatay

Sawir muujinaya nidaamka difaaca ee Thaad

Xigashada Sawirka, Lockheed Martin

Qoraalka sawirka, The US currently operates eight Thaad systems across the world
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Maraykanku waxa laga yaabaa inay qaar ka mid ah nidaamkiisa difaaca gantaallada u rarto meel kale arrintanina waxay dhalisay walaac ka jira dalka Kuuriyada Koonfureed.

Maraykanka ayaa dib u raraya qaybo ka mid ah nidaamka difaaca gantaallada ee lagu rakibay Kuuriyada Koonfureed si loogu wareejiyo Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil ay soo xigteen wargeyska Washington Post iyo warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Tallaabadan la sheegay ayaa timid 12 maalmood kadib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhan ah Iiraan, waxayna daba socotaa warar sheegaya in Iiraan ay burburisay raadaar muhiim ah oo ka tirsan nidaamka difaaca gantaallada ee loo yaqaan Terminal High-Altitude Area Defense, ama Thaad, kaas oo yaallay Urdun.

Nidaamka Thaad waxaa markii ugu horreysay lagu rakibay Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2017 si looga ilaaliyo khataraha ka imanaya Kuuriyada Waqooyi oo hub nukliyeer leh.

Markii nidaamkaas la rakibay waxaa ka dhashay caro iyo bannaanbaxyo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed, maadaama dadka qaarkood ay ka cabsadeen in dalkoodu noqdo bartilmaameed weyn. Dhanka kale, Shiinaha ayaa ka digay in arrintani ay xasillooni darro ka abuuri karto gobolka.

Waa maxay Thaad maxaase laga yaabaa in loo raray?

Photo of a Thaad launcher in action, with its various components labelled in text, including its launcher with eight missiles, generator, launcher truck, booster, interceptor and protective shroud

Horraantii toddobaadkan, wargeyska Washington Post ayaa sheegay in qaybo ka mid ah nidaamka Thaad loo wareejinayo Bariga Dhexe, isagoo soo xigtay laba sarkaal.

Wararkani waxay imanayaan iyadoo Maraykanka iyo Israa'iil ay weli duqeyn ku hayaan Iiraan, halka Iiraan ay kaga jawaabayso weerarro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo ay ku beegsanayso saldhigyada milatari ee Maraykanka iyo Israa'iil ee gobolka.

Si cad looma oga inta gantaal ee ay Iiraan haysato laakiin ilaa hadda waxay ridday in ka badan 500 gantaal oo ballistic ah, sida lagu sheegay tirakoob ay samaysay wargeyska New York Times.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intooda badan waa la qabtay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda, balse tirada weerarrada imanaya ayaa laga yaabaa inay cadaadis saarayso kaydka milatari ee Washington, sida ay sheegayaan falanqeeyayaal. Waxaa sidoo kale la filayaa in weerarradu sii socdaan, maadaama la rumeysan yahay in Iiraan isu diyaarinayso dagaal muddo dheer socda oo soo jiidan kara dalal kale oo Bariga Dhexe ah, oo ay ku jiraan xulafada Maraykanka.

Taasi waxay sharxi kartaa sababta nidaamka Thaad oo si gaar ah loogu talagalay inuu joojiyo gantaallada ku socda meelaha sare ee hawada uu muhiim ugu yahay xoojinta difaaca Maraykanka.

Warar hore oo bishan la soo saaray ayaa sheegay in weerar ay Iiraan fulisay uu burburiyay raadaar qiimihiisu yahay 300 milyan oo doolar oo ka mid ahaa nidaam Thaad oo hore u yaalay Urdun.

Nidaamkan difaaca gantaallada, oo ay samaysay shirkadda Maraykanka ee Lockheed Martin, waxa uu ka kooban yahay lix madfac oo gantaallo laga rido, mid kastaana waxa uu leeyahay siddeed gantaal oo qabta kuwa imanaya, iyo sidoo kale nidaam raadaar oo lagu ogaado gantaallada soo socda.

Wuxuu soo ridi karaa gantaallada ballistic-ga ah ee gaaban iyo kuwa dhexdhexaadka ah, isagoo adeegsanaya farsamo loo yaqaan "hit-to-kill". Taas macnaheedu waa in tamarta dhaqdhaqaaqa ee gantaalka difaaca ay burburiso madaxa gantaalka soo socda. Tani waxay ka dhici kartaa meel aad u sarreysa, xitaa ka baxsan jawiga dhulka, taas oo si gaar ah faa'iido ugu lahayd Kuuriyada Koonfureed maadaama lagu burburin karo gantaal nukliyeer ah.

Hal nidaam oo Thaad ah oo mararka qaar loo yaqaan "battery" waxa uu ku kacayaa qiyaastii 1 bilyan oo doolar, wuxuuna u baahan yahay ku dhowaad 100 askari si ay u maamulaan. Maraykanku guud ahaan waxa uu leeyahay siddeed nidaam oo noocan ah oo adduunka ku kala yaal. Laba ka mid ah waxay ku yaallaan Bariga Dhexe Urdun iyo Israa'iil. Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale wada leh saddex kale oo gobolka ku yaalla.

Sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay Washington Post in dib u rarista laga yaabo inay tahay "tallaabo taxaddar ah", balse falanqeeyayaal kale waxay u arkaan inay muujinayso in nidaamka difaaca uu si weyn u mashquulsan yahay.

Tallaabadan waxay si xooggan u muujin kartaa "in Maraykanku u baahan yahay inuu buuxiyo khasaaraha ka dhashay isticmaalka badan ee nidaamyadiisa difaaca gantaallada ee Bariga Dhexe", sida uu BBC-da u sheegay Professor John Nilsson-Wright oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed, oo ay ku jiraan SBS iyo Yonhap, ayaa sheegay in qaar ka mid ah qalabka Thaad durba laga rarayo saldhigga cirka ee Seongju oo ku yaalla koonfurta Seoul.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae-myung ayaa qiray in Seoul ay "diidmo ka muujisay" ka saarista hubka Maraykanka.

"Waxa muuqata in dhawaan muran ka dhashay ciidamada Maraykanka ee Kuuriya oo dalka ka saaraya qaar ka mid ah hubkooda, sida madaafiicda iyo qalabka difaaca hawada," ayuu ku yiri shir golaha wasiirrada.

"In kasta oo aan muujinnay diidmo, haddana xaqiiqadu waxay tahay in aanaan si buuxda u hirgelin karin mowqifkeenna."

Markii la weydiiyay haddii arrintani wiiqi karto istaraatiijiyadda ka hortagga ee Seoul, wuxuu ku jawaabay: "Waxaan si hubaal ah u sheegi karaa inaysan sidaas noqon doonin."

Hadallada Lee ayaa ahaa "muujin dadweyne oo aan caadi ahayn oo diidmo ah", taas oo muujinaysa walaaca saxda ah ee Seoul ka qabto in arrintani ay wiiqi karto awoodda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed, sida uu sheegay Nilsson-Wright

Sidee ayay dalalka kale uga falceliyeen?

Arbacadii, markii la weydiiyay haddii Beijing wax faallo ah ka bixinayso suurtagalnimada rarista nidaamka, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Guo Jiakun ayaa ku celiyay in "mowqifka Shiinaha ee ka soo horjeedka in Maraykanku ku rakibo gantaallada Thaad Jamhuuriyadda Kuuriya (ROK) uusan waxba iska beddelin."

Shiinaha ayaa ahaa dhaliilaha ugu weyn markii Thaad lagu rakibay sannadkii 2017.

Mid ka mid ah sababaha ayaa ahayd in arrintu ay kordhisay joogitaanka milatari ee Maraykanka ee gobolka, isla markaana ay xadiday awoodda sii kordhaysa ee Beijing.

Washington iyo Seoul waxay sheegeen in gantaalladu loogu talagalay inay ka hortagaan weerarro ka imanaya Waqooyiga Kuuriya, balse Shiinaha wuxuu ku dooday in raadaarkoodu aad u awood badan yahay oo uu gudaha dhulka Shiinaha si qoto dheer u arki karo. Sidaas awgeed waxaa loo adeegsan karaa in lagu ogaado marka Shiinuhu gantaal rido, taas oo dhaawici karta awoodda ka hortagga ee Beijing.

Shiinaha ayaa kaga jawaabay tallaabooyin aan rasmi ahayn sida inuu qaadacay badeecooyinka Kuuriyada, joojiyay safarrada kooxeed ee dalxiiska ee loo aado Kuuriyada Koonfureed muddo lix sano ah, xitaa wuxuu baajiyay riwaayadaha K-pop ah.

The Thaad system at a U.S. military base in Seongju, North Gyeongsang Province, South Korea,

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, The Thaad system seen at a US military base in Seongju in March

Inkasta oo Beijing laga yaabo inay ku faraxdo haddii nidaamka Thaad la raro, haddana looma arki doono guul dhab ah ilaa uu noqdo "ka saarid rasmi ah", sida uu sheegay Professor Ian Chong oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore.

Dhanka kale, Beijing waxay u arki kartaa dagaalka Bariga Dhexe mid "ka mashquulinaya Maraykanka isu diyaarintiisa gobolka Indo-Pacific", sida uu sheegay Nilsson-Wright.

Kuuriyada Waqooyi weli si rasmi ah ugama hadlin arrintan. Nilsson-Wright wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Kim Jong Un uusan u badnayn inuu "ka faa'iidaysto isbeddelladan", balse falanqeeyayaal kale waxay aaminsan yihiin inay weli jirto halis ah inuu ku tijaabiyo Kuuriyada Koonfureed kicitaanno yar yar.

Taasi waxay keentaa su'aasha ugu weyn, sida uu Chong sheegay: in dagaal dheer oo lala galo Iiraan uu ka dhigi karo kaydka gantaallada Maraykanka mid yaraada ilaa heer ay ku adkaan karto inuu ka jawaabo dhibaatooyin kale oo meelo kale ka dhaca.