Waa kee dalka Muslimka ah ee baarlamaanka Israa'iil maanta u codeynayo inuu cadowgooda yahay?

Baarlamaanka Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Golaha Baarlamaanka Israa'iil ee Knesset ayaa maanta, Arbaco ah, u codeyn doona akhrin hordhac ah oo ku saabsan hindise sharciyeed uu soo gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kaas oo cinwaankiisu yahay: "Ku dhawaaqidda Qatar inay tahay dowlad cadow ah."

Qoraalka hindisaha, oo ka kooban hal qodob oo keliya, wuxuu qeexayaa Qatar inay tahay "dowlad cadow ah," wuxuuna dhigaya in dhammaan qodobada sharciga Israa'iil ee khuseeya dowladaha cadowga ah, dhammaan noocyada sharciyada, lagu dabaqi doono.

Xisbiga Yesh Atid ayaa mashruuca ugu yeeraya "Sharciga Urich," iyagoo u bixiyay la-taliyaha Benjamin Netanyahu, waxaana uu ujeedkiisu yahay in la bixiyo qeexitaan dhammaystiran oo ku saabsan erayga "dowlad cadow ah," kaas oo hadda ka maqan sharciga Israa'iil.

Mashruuca waxaa ku jira tixraacyo qoraallo hore sida "Amarka Ganacsiga la leh Cadowga ee 1939" iyo qodobo ka tirsan Xeerka Ciqaabta oo qeexaya cadowga isla markaana dhigaya ciqaabo ku saabsan kaalmaynta ama la shaqaynta cadowga. Sidoo kale, waxa ku jira qodob ka hortagaya musharrixiinta Knesset inay taageeraan dowlad cadow ah ama si sharci-darro ah u joogaan dal noocaas ah toddobadii sano ee ka horreeyay musharraxnimadooda.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Khaliijka oo Qatar ay ka mid tahay ay wajahayaan weerarro uga imaanaya dalka Iiraan oo Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen weerarro dhaliyay khasaare badan oo ilaa iyo hadda socda.

Sababta ugu weyn dalalka Khaliija oo Qatar ay ka mid tahay ay u wajahayaan weerarrada Iiraan ayaa ah in ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka, taasoo Iiraan ay uga aargudanayso.

Qatar ayaa sidoo kale ka mid ahayd dalalkii dhedhexaadinayay Israa'iil iyo Xamaas muddadii ay wadahadalladu u socdeen, iyadoo inta badan mas'uuliyiinta Xamaas ay halkaa ku noolyihiin

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2025-ka uga digay Qatar in ay waajib ku tahay in ay " erido mas'uuliyiinta Xamaas ama ay cadaaladda hor keento".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka ay gabaadka ka dhigtaan argagaxisada: waa in aad ka saartaan ama aad hor keentaan sharciga, haddii kale innagaa sidaa sameyn doonna," ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal laga sii daayay xafiiskiisa.

Dhankiisa ayaa wasiirka gaashaandhigga Israel Katz wuxuu yiri xilligaas, "Siyaasadda amniga Israa'iil waa caddahay: gacanta dheer ee Israa'iil waxay talaabo ka qaadi doontaa cadawgeeda meel kasta, ma jirto meel ay ku dhuuntaan." Waxa uu intaa ku daray in haddii madaxda Xamaas ay aqbali waayaan Shuruudaha Israa'iil ee ku aaddan soo afjaridda dagaalka, oo ay ugu horreeyaan sii deynta dhammaan la haystayaashii iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo, in la baabi'in doono, Gazana waa la burburin doonaa," ayuu yiri.

Dhanka kale Qatar waxey ka mid tahay dalalka saaxiibka dhow la ah Mareykanka, si gaar ah Trump, iyadoo uu mar sii horesana booqasho ku tagay halkaa, waxaana madaxweyne Trump uu sidoo kale saaxiib dhow la yahay Israa'iil.

Hadii ay baarlamaanka Israa'iil u codeyaan arrintaan, dadka qaar ayaa aaminsan in ay saameyn yeelan doonto, iyadoo ay ku soo aadayso xilli xasaasi ah oo xiisadda Bariga Dhexe ay u muuqato hubanti la'aan.