You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khatar hor leh oo dunida soo food saaray ka dib tallaabada kooxdan ay qaadeen
Xuutiyiintu waxay joojiyeen weerarradooda afartii toddobaad ee ugu horreysay ee dagaalka, inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin oo ay taageero ka helaan Iiraan.
Hadda, dhaqdhaqaaqa weli gacanta ku haya caasimadda Yemen ee Sanca, waqooyiga iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, iyagoo gantaallo ku ganey dhanka Israa'iil.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay beegsanayeen "goobo milatari oo Israa'iil leedahay oo xasaasi ah".
Waa run in khatarta ay Xuutiyiintu u keenaan Israa'iil iyagoo adeegsanaya gantaallo ay aad uga yar tahay tan Iiraan.
Kooxdu waxay marar badan gantaallo u dirtay Israa'iil si ay u taageeraan Xamaas kadib markii dagaal ka qarxay Qasa, kaasoo ka dambeeyay weerarradii ay hoggaaminaysay Xamaas ee Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023.
Laakiin weerarradaas oo dhammaaday bilo badan ka hor waxyeello weyn oo dhab ah kama geysan Israa'iil.
Meesha ay Xuutiyiintu khatar aad uga weyn ku yihiin waa xeebaha Yemen ka baxsan.
Iyadoo qayb ka ah taageerada ay u fidinayaan Xamaas, kooxdu waxay beegsatay maraakiibta maraysa marin-biyoodka Baabul-mandab oo ku yaalla dhamaadka koonfureed ee Badda Cas, inta u dhaxaysa Yemen iyo Geeska Afrika.
Ficilkoodaas ayaa khatar geliyay jidkaas muhiimka ah ee ganacsiga badda. Haddii ay mar kale sidaas sameeyaan, waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa dhaqaalaha adduunka.
Haddii ay taasi ku soo beeganto xilli Iiraan ay ku dhowdahay inay xirto marin-biyoodka Hormuz, laba ka mid ah waddooyinka istiraatiijiga ah ee ugu waaweyn dunida ee ganacsiga iyo sahayda tamarta ayaa suurtagal ah inay gabi ahaanba xirmaan.
Xuutiyiintu waxay sidoo kale beegsan karaan kaabayaasha tamarta iyo kuwa milatariga ee dariskooda Carabta ee Gacanka, sida Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta—sida ay horayba u sameeyeen.
Markii ay Xuutiyiintu ficilladaas oo kale horay u sameeyeen, waxay la kulmeen duqeymo dhanka cirka ah oo xooggan oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa'iil, kuwaas oo lala beegsaday hoggaankooda iyo awooddooda milatary. balse, waxay u muuqataa in Xuutiyiintu ay u dhabar-adaygeen weeraradaas. Su'aasha hadda taagani waxay tahay inta ay le'eg tahay masafada uu dhaqdhaqaaqu u diyaarsan yahay inuu gaaro.
Markii ay fuliyeen weerarada ay ku taageerayeen Xamaas iyo Falastiiniyiinta, waxay heleen xoogaa taageero iyo bogaadin ah oo gudaha iyo gobolka ah. Hase yeeshee, in ay sidaas oo kale u sameeyaan Iiraan darteed waxay noqon kartaa arrin ka duwan.
Waxaa sidoo kale jirta arrinta dalka Yemen laftiisa, kaas oo ku sugnaa xaalad deganaan ah muddo dhow ka dib sannado badan oo qalalaaso iyo dagaallo ah. In Xuutiyiintu ay si qoto dheer ugu lug yeeshaan dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan waxay kicin kartaa dagaal hor leh oo dhex mara kooxaha gudaha Yemen.
Shaki kuma jiro, haddii Xuutiyiintu ay sii wadaan oo ay sii xoojiyaan weerarradooda inay calaamad u noqon doonto kacsanaan cusub iyo ballaarashada dagaalka.
Maxay yihiin Xuutiyiinta?
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.
Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .
Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.
Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.
Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.
Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.
Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".
Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.
Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.
Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.
Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.