Maxay Iiraaniyiintu ka aaminsan yihiin suurtagalnimada wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka?

Xigashada Sawirka, EPA
Donald Trump ayaa Iiraan u soo jeediyay digniin ah inay dib u furto Marinka Hormuz - marinka ciriiriga ah ee xiritaankiisu sababay in qiimaha saliiddu uu kor u kaco adduunka oo dhan, ama ay wajahdo carada Mareykanka oo noqoneysa weerar lagu qaado warshadaheeda korontada.
Saacado ka hor intii aan la gaarin waqtigii hanjabaadaas, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in weerarrada hanjabaadda ah la hakiyay shan maalmood iyadoo Tehran iyo Washington ay sameynayaan horumar "weyn" oo ku aaddan heshiis lagu soo afjarayo in ka badan saddex toddobaad oo duqeymo cirka ah oo Mareykanka iyo Israa'iil ay ku wadaan dalkaas iyo weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan.
Saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah, sida afhayeenka baarlamaanka Iiraan Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay inaysan jirin wax wadahadallo ah, dhammaantood waxay ahaayeen "warar been abuur ah". Si kastaba ha ahaatee, maalin ka dib, Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu la hadlayo "dadka saxda ah" ee Iiraan.
BBC-da ayaa qoraalkaan ku soo gudbinaysa aragtida dadka Iiraaniyiinta ah, kuwaasoo inta badan ka go'an adduunka sababa la xiriira Internedka oo dowladdu ay goysay.
Inkastoo Internedku go'nyahay, haddana dadku habeen walba waxey sameyaan isu soo bax lagu taageerayo dwoladda tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay duqeymaha bilaabeen. Warbaahinta dowladdu waxay xoojineysaa taageeradan oo muujineysa taageerayaal daacad ah, waxeyna ku celcelinayaan aragtida mas'uuliyiinta ee ku saabsan wadahadallada lala galayo Mareykanka, waana kuwo aad u mideysan.
Laakiin waxaa sidoo kale jira kuwa doonaya inay arkaan dhammaadka dowladda Islaamiga ah ee Iiraan. Way kala qaybsan yihiin. In kasta oo intooda badan ay soo dhaweynayaan in dagaalka la soo afjaro, haddana qaar badan ayaa ka walaacsan wadahadallada keeni kara heshiis lagu sii hayo hoggaanka hadda jira.
Fiiro gaar ah: Dhammaan magacyada waa la beddelay si loo ilaaliyo xogta dadka aan wareysannay.
Kiana, oo ah haweeney 20 jir ah, waxay ku nooshahay caasimadda Tehran. Laga bilaabo maalintii ugu horreysay ee dagaalka, waxay si isdaba joog ah u sheegeysay inay rabto in dagaalku dhammaado, laakiin hadda oo suurtagalnimada xabbad joojin la hadal hayo ayna keeni karto in xukunka ay sii joogaan hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxey dareemaysaa jahwareer.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ma aqaan sida aan dareemayo. Haddii dagaalku dhammaado, dhawaqa qaraxyada ayaa joogsan doona xaaladduna way fiicnaan doontaa, laakiin isla waqtigaas waxay noqon doontaa annaga iyo nidaam aad u daciif ah," ayay tiri.
"Laakiin wali waxay awood u leeyihiin dadkooda. Waxayna noqon doonaan kuwo aad u rabshad badan, waxaan u maleynayaa."
"Waxaan rabaa inaan indhaha ka qarsado oo aan dhammeeyo. Xitaa ma doonayo inaan ka fikiro tallaabooyinka xiga," ayay tiri Kiana.
Waxay maskaxda ku haysaa tallaabo aan horay loo arag oo ay dowladdu ku qaadday dibadbaxyadii ka dhacay dalka oo dhan bilihii Diseembar iyo Jannaayo.
Ugu yaraan 7,000 oo qof ayaa la dilay intii lagu jiray mowjaddaas, oo ay ku jiraan 6,508 dibadbaxayaal iyo 226 carruur ah, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee Hrana.
Armin, oo ah qof kale oo deggan Tehran oo 20 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayo in dagaalku "hadda dhammaado".
Si kastaba ha ahaatee, isla mar ahaantaana, wuxuu sheegay inuu "ka soo horjeedo wadahadallo kasta" oo lala galo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
"Laakiin sidoo kale uma maleynayo inaan meelna ku dhammaan doonno dagaalkan hadda socda. Waa inay jiraan taageero loo fidiyo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah nidaamka gudaha dalka," ayuu yiri Armin.a
Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu waxay inta badan sheegaan inay abuurayaan fursado ay Iiraaniyiintu ugu kacaan dowladda oo ay is badel ku keenaan.
Ilaa hadda, ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in farriimahooda la dhegaystay.
Tan iyo markii dagaalku bilowday 28-kii Febraayo, mas'uuliyiinta dowladdu waxay uga digeen Iiraaniyiinta, ha ahaato hadallo ama farriimo qoraal ah, inaysan soo bixin waddooyinka si ay u mudaaharaadaan.
Taliyaha booliiska Iiraan, Brig Gen Ahmadreza Radan, ayaa ka digay in ciidamadiisu ay ula dhaqmi doonaan qof kasta oo waddooyinka u soo baxa sida "cadow".
Xaaladahan oo kale, waxaa jira Iiraaniyiin taageersan sii socoshada dagaalka.
"Waxaan dareemayaa cabsi ku saabsan wadahadallada. Aad ayaan uga walaacsanahay inay sii joogaan," ayuu yiri Parsa, oo ah nin da'diisu tahay 30 sano jir oo ku nool Karaj, oo ah magaalo u dhow Tehran, isagoo ula jeeda hoggaanka hadda ka jira Iiraan.
"Waxay ku jiraan xaalad daciifnimo ah. Haddii ay sii joogaan, waxay xasuuqi doonaan dadka gudaha. Wali aad bay u xoog badan yihiin, waxay u baahan yihiin in la daciifiyo si dadku uga soo horjeestaan."
Dadka qaar ayaa ka guuray Tehran una guuray magaalooyin iyo gobollo kale si ay u helaan meelo ammaan ah.
Sadaf, oo ah haweeney 20 jir ah oo hadda ku sugan gobolka waqooyiga Mazandaran, waa mid ka mid ah dadka ka welwelsan sii joogista hoggaanka hadda.
"Ma doonayo wax wadahadal ah haba yaraatee. Waxaan rabaa in dhammaantood la waayo. Laakiin haa, si cad ayaan uga baqayaa korontada iyo biyaha oo go'a."












