Hanjabaaddii Trump oo dadka Iiraaniyiinta ah walaac ku abuurtay

Dadka Iiraaniyiinta ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay hanjabaadda Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iiraan, muwaadiniintu waxay muujiyeen aragtidooda ku saabsan hanjabaadda Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ee ah inuu "baabi'inayo" warshadaha awoodda Iiraan haddii Kanaalka Hormuz uusan furmin muddo 48 saacadood gudahood.

BBC-da laanta Persian-ka ayaa ka warramaysa waayo-aragnimada nolosha xilliga dagaalka, iyadoo lagu salaynayo sheekooyinka dadka ku baraha internedka iyagoo adeegsanaya habab kala duwan.

Sheekooyinkan si toos ah uma matalaan dhammaan qaybaha bulshada Iiraan, waxayna kaliya ka tarjumayaan waayo-aragnimada koox yar oo dad ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay bixiyaan aragti kooban oo ku saabsan xaaladaha nolosha xilligaan dagaalku socdo.

Nin 30-jir ah oo ka soo jeeda Karaj ayaa u sheegay BBC Persian: "Waan la yaabay, maxaa yeelay waxaan filayay inuu Trump kala sooco dowladda iyo dadka, islamarkaana aanu weerarin wixii dadku iska leeyihiin."

Qof kale oo ka soo jeeda Tehran ayaa muujiyey yaab, isagoo sheegay in Maraykanku uusan saadaalin in arrintani dhici doonto: "Dhammaan dadka gudaha Iiraan way ogyihiin in markii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay la kulanto xaaladdan oo kale, ay xirto kanaalka oo ay rasaas ku riddo deriskeeda, oo ay weerarto kaabayaasha ay leeyihiin"

Wuxuu intaa ku daray: "Iiraan ma is dhiibi doonto, balse waxay sii wadi doontaa inay rasaas iyo gantaallo kasta oo ay haysato riddo. Miyaanu Mareykanku ogayn tan mise ma filayn?"

Dad badan ayaa ka welwelsanaa in weerarka Maraykanka ee xarumaha tamarta iyo jawaabta Iiraan ay nolosha ka dhigaan mid aad u adag, gaarahaan dadka dagaalku dhibaatada gaarsiiyay.

Gabar da'deeddu tahay 20-meeyo oo ka soo jeedda caasimadda Iiraan ee Tehran ayaa tiri, "Aad ayaan u welwelsanahay, maxaa yeelay haddii koronto la waayo, Iiraan waa la burburin doonaa, waxayna noqon doontaa riyo xun oo qof walba uu la kulmo."

Haweeney kale ayaa markii ay wararka maqashay ayay aadday musqusha ama suuliga si ay u keydiso biyo.

Welwelka ugu weyn ee ay qabaan ayaa ah in la waayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada sida, biyaha, korontada iyo lacago ay wax ku gataan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Sannadkii hore, intii lagu guda jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday, saddex toddobaad biyo ma haysan. Taasina way igu adkeyd aniga si ka badan dhinacyadii dagaalka," ayay tiri.

"Walaaceyga keliya waa go'itaanka korontada iyo biyaha," ayay ku dartay hadalkeeda.

"Eeg "Waxaan dareemayaa inay Maraykanku aanu weerari doonin. Ma hubo, waxaa laga yaabaa inaan is dejinayo. Laakiin Trump wuu is faaniyaa."

Haweeney da'deeddu tahay 40-meeyo ayaa sidoo kale ka walaacsan hadalka Trump: "Waxaan u maleynayaa inay kaliya tahay hanjabaad, maxaa yeelay haddii uu Trump, weeraro, dhammaan biyaha, korontada, iyo gaaska waa la jari doonaa. Waan welwelsanahay, laakiin maxaa la qaban karaa? Waa inaan si haboon ula tacaalnaa."

Wiil da'diisu tahay 20-meeyo oo ka yimid Tehran ayaa ka welwelsan in nidaamka bangiyada uu wajihi karo xaalad adag haddii koronto la waayo.

"Dadku lacag badan gacanta kuma haystaan, laakiin haddii korontadu go'do waxa kaliya ee ay adeegsan karaan waa lacag caddaan ah, maxaa yeelay ma jiri doono qalabka kaararka ama internet-ka," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Signal-ka internet-ka Starlink waxey u badan tahay inuu lumo, guryuhuna koronto la'aan ayaa ka dhici doonta; guud ahaan, waa nooc burbur ah."

Nin ka soo jeeda Rasht ayaa sidoo kale rumaysan in xitaa haddii Maraykanku weeraro xarumaha tamarta, ay u badan tahay in tallaabadan aysan keeni doonin hoos u dhaca dowladda.