Ajandaha cadowtinnimada ee Itoobiya waxaa ku jira gacmo shisheeye – Eritrea

Xarunta dawladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea, oo lagu qurxiyey midab casaan iyo caddaan ah uuna calan ka taagan yahay. Geed dheer oo timir ah ayaa hortiisa ka muuqda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Xukuumadda Asmara ayaa ku eedaysay Addis Ababa inuu saaran yahay cadaadis shisheeye oo ku aaddan "ajandaheeda cadowtinnimada ah" ee ka dhanka ah Eritrea.

War cusub oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa waxay xukuumadda Itoobiya ku eedaysay in ay waddo qorshe khatar ah oo colaadeed oo ka dhan ah Eritrea iyo gobolka.

"Ajandahan cadowtinnimada ah ee aan qarsoonayn [dhinaca Eritrea] waxaa lagu tilmaamay arrin ku saabsan "jiritaanka" iyo " luqadda caadiga ah ee taliska ee la buunbuuniyay, eelagu sheegay 'muhiimadda ay leedahay deked madax-bannaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaankan oo ay soo saartay waaxda cilmi baarista iyo dukumentiga ee wasaaraddaasi ayaa lagu diiday sheegashada Itoobiya ee ah lahaanshaha iyo xuquuqaha ay ku leedahay dekedda Badda Cas, waxaanay sheegtay in hadallada ka soo yeeray madaxda sare ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada iyo warbaahinta dalkaasi ay meel ka dhac ku yihiin madax bannaanida Ereteriya.

"Itoobiya maxbuus uma sii ahaan doonto juquraafiga," ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy, isagoo ku dooday in dalkiisa uusan hantineyn dekedda oo keliya, balse sidoo kale uu noqonayo waddanka ugu dadka badan gobolka uguna dhaqaalaha badan.

Madaxda Itoobiya ayaa xitaa su'aal ka keenay ku dhawaaqistii 1993 ee madax-bannaanida Eritrea.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea Khamiistii ayaa sidoo kale looga hadlay doorka ciidamada shisheeye.

"Waxaa sidoo kale jira caddeymo la taaban karo oo ah in ajandaha ay wadaan qaab-dhismeedyo shisheeye kuwaas oo wax u dhimaya xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika," ayay tiri wasaaradda.

Inkastoo aysan carrabaabin cidda ay yihiin dowladaha shisheeye, haddana madaxda Eritrea ayaa si weyn u dhaliilay "faragelinta xun" ee Imaaraadka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wareysi uu bixiyay horraantii sanadkan ayuu Madaxweyne Isaiah Afewerki ku saadaaliyay in Imaaraadka uu faragelin ku hayo dagaalka sokeeye ee Suudaan, islamarkaana uu carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida.

"Dagaal baa la iclaamiyay, diyaarado ayaa soo socda, yaa keenaya, yaa soo dejinaya hubkan oo dhan, yaa maalgelinaya dhammaan qorsheyaashan, xagee lacagtu ka timi," ayuu yiri madaxweynaha.

Itoobiya ayaa sheegtay inay xiriir "istaraatiji ah" la sameysay Imaaraadka.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay madaxda dalkaas ayaa maalmihii u dambeeyay booqasho ku tagay dalka Khaliijka si uu saaxiibtinnimo ugu muujiyo.

Xiisadaha sii xumaanaya ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara sannadihii u dambeeyay ayaa khatar weyn ku ah shucuubta dalalka iyo gobolka oo horseedi karta dagaal kale oo dhiig badan ku daato.

"Inkasta oo Eritrea ay ka go'an tahay ka qaybgalka gobolka iyo iskaashiga nabadeed, waxay si adag u diidaysaa ku xadgudubka madax-bannaanideeda iyo madax-bannaanideeda dhuleed taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

"Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa marar kala duwan lagu nuux-nuuxsaday in dowladda Eritrea aysan dooneyn inay gasho colaad iyo fowdo."

Dhinaca kale, Addis Ababa ayaa ku eedaysay xukuumadda Eritrea inay doonayso inay farageliso arrimaha gudaha ee Itoobiya, iyadoo taageerta mucaaradka hubeysan.

Waxa ay sidoo kale eedeymahan si rasmi ah ugu gudbisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Jawaabta Asmara inta badan waa faallo aan toos ahayn oo uu Wasiirka Warfaafinta ka soo saaro baraha bulshada ama warbixin xuquuqeed oo lagu soo saaro magaca Wasaaradda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan "Waaxda Cilmi-baarista iyo Dukumentiga".