Waa kee dalka dhexdhexaadin doona Iiraan iyo Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa hadallo is khilaafsan ka soo saaray suurtagalnimada in labada dal ay ka wada hadlaan dagaalka socda.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu dib u dhigay hanjabaaddii uu ku doonayay in uu weeraro xarumaha tamarta ee Iran ka dib waxa uu sheegay in "wadahadal macno leh oo uu la yeeshay Tehran."
Balse afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa beeniyay in wadahadal uu dhacay, isagoo ku tilmaamay hadalka Trump "war been abuur ah".
Akoon barta X ah oo loo nisbeeyey Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa lagu daabacay in aan wax wada xaajood ah lala gelin Mareykanka.
Waxa ay intaa ku dartay in "warar been abuur ah" loo adeegsaday in lagu "maareeyo" suuqyada shidaalka, iyo in dadka Iran "ay dalbanayaan ciqaab dhammaystiran oo ka qoomameeyaan kuwa wada gardarrada".
Trump ayaa sidoo kale ku andacoodey in qiimaha shidaalka uu " hoos ugu dhici doono sida dhagaxa oo kale" haddii heshiis lagu soo afjaro dagaalka Iran.
Qiimaha shidaalka ayaa si weyn kor ugu kacay tan iyo markii uu dagaalku bilowday, iyadoo Iran ay u hanjabtay maraakiibta mara marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Waxa uu u sheegay suxufiyiinta "waxaan haysannaa fursad aad u halis ah oo heshiis ah" laakiin wuxuu ku daray "taasi ma dammaanad qaadayso, anigu ma dammaanad qaadayo waxba".
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale ku andacoonaya in labada dal ay ka wadahadli doonaan 15 qodob si dagaalka loo soo afjaro, iyadoo Iran oo ka tanaasuasha hubka Nukliyeerka ah tahay "Lambarka Koowaad, Laba iyo Saddex".
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in ficillada Trump ee maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo aan is waafaqsanayn.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu "wadahadal macno leh" la yeeshay mas'uuliyiinta Iran, tallaabada Tehraan ay ku sheegtay in ay tahay qorshe kor loogu qaadayo qiimaha suuqa tamarta, gaar ahaan ka hor inta aan la gaarin xilliga kama dambaysta ah ee furitaanka marin biyoodka Hormuz ama la burburiyo warshaddeeda ugu weyn.
Tallaabada Trump ayaa hoos u dhigtay qiimaha shidaalka ceyriinka ah ka hor inta uusan dib ugu laaban halkiisii hore ka dib markii Iran ay beenisay inay wadahadal la gashay Mareykanka.
Magaca Pakistan oo la isla dhex marayo

Xigashada Sawirka, PMO
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Pakistan ay hoggaamin doonto wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo Mareykan ah oo ay ku jiraan ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Trump Steve Witkoff iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance ay la kulmi doonaan wakiillada Iran ee Pakistan.
Aqalka Cad ma beenin wararkaas, waxaana ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif uu sheegay inuu madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian kala hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee Khaliijka, wuxuuna muujiyay sida Pakistan ay u daneyneyso inay door ka qaadato xaqiijinta nabadda.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Iran, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ay sheegtay inay heshay farriimo ka yimid qaar ka mid ah xulafadeeda oo muujinaya in Maraykanku uu dalbaday xabbad joojin si loo joojiyo dagaalka.
Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa xitaa sheegay isagoo soo xiganaya ilo-wareedyo, in Maraykanku uu Iran u diray liis ka kooban 15 qodob oo ay ka filayaan Pakistan, laakiin weli ma cadda in Iran ay ogolaatay mid ka mid ah soo jeedinta.
Telefishanka Maraykanka ee CNN, oo soo xiganaya ilo, ayaa sheegay in madaxa sirdoonka Pakistan, Lieutenant General Asim Malik, uu ka mid yahay saraakiisha xiriirka la leh Wittkoff iyo Kushner.
In kasta oo aanay arrintan si rasmi ah u xaqiijin Maraykanka iyo Iran, haddana doorashada Pakistan kama yaabineyso dad badan oo ku nool Washington.
Pakistan ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh Iran iyo sidoo kale maamulka Trump.
Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan Asim Munir ayaa la kulmay Trump bilihii June iyo September ee sanadkii hore. Intii lagu guda jiray booqashadii Sebtembar, Asim Munir waxaa ku wehlinayay ra'iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif.
Bishii Juun iyo Oktoobar, Pakistan waxay sidoo kale Trump ugu magacawday abaalmarinta Nabadda ee Nobel dadaalkiisii dhexdhexaadinta intii uu socday muranka Hindiya. Tallaabadan ayay u riyaaqeen xubno badan oo ka tirsan maamulka Trump.
"Ma ahan wax aan caadi ahayn in Pakistan ay noqoto dhexdhexaadiye u dhexeeya Maraykanka iyo Iran," ayuu barta X qoray khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka laguna magacaabo Michael Kugelman.













