Dhamaan xogta iyo macluumaadka aad u baahan tahay in aad ka ogaato koobka kubadda cagta adduunka ee 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo dhamaan kooxaha ka qayb galaya koobka adduunka hadda la og yahay, indhaha ayaa u soo jeestay tartankii ugu weynaa ee Koobka Adduunka ee abid la qabto.
Lixdii kooxood ee ugu dambeeyay ayaa dhawaan u soo baxay Koobka Adduunka 2026, sidaas darteed waxaa dhamaystirmay liiska la balaariyay ee tartanka 48ka kooxood.
Laga soo bilaabo Montevideo ilaa New Jersey, sidee ayay tirada kooxaha Koobka Adduunka uga badan tahay saddex laab?
Xulalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Ciraaq ayaa ahaa labadii xul ee ugu dambeeyay ee xaqiijistay booskooda Koobka Adduunka ee 23-aad, kaasoo lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico 11-ka Juun illaa 19-ka July.
Tani waxay soo gabagabaysay ololihii isreebreebka oo soo billowday Sebtembar 2023, kaasoo ay ku lug lahaayeen lix xiriirrada qaaradaha, ka hor inta aan la soo gabagabeyn ciyaaraha isreebreebka ee muhiimka ah ee ay soo qabanqaabiyeen UEFA iyo FIFA Maarso 31.
48-da kooxood ee tartanka ka qayb galay, saddexda kooxood ee martigelinayay koobka ayaa si toos ah u soo baxay, halka ka qayb galka 43 kooxood lagu go'aamiyay soo bixitaan toos ah oo ka socda xiriirada qaaradaha, iyo laba boos oo loogu soo baxay cayaaraha Play-off-ka qaaradda.
Sidee ayuu u dhici doonaa tartanku?

Xigashada Sawirka, Instagram
Koobka Adduunka ee 2026-ka ayaa waxaa ka qeyb galaya 48-kooxood markii ugu horreysay, halka Qatar ay afar sano ka hor ka ahaayeen 32-kooxood, taasoo ka dhigaysa koobkii ugu ballaarnaa marka loo eego tirada xulalka ka qeyb galaya, iyadoo 104-kulan lagu qaban doono saddex waddan markii ugu horreysay.
Tartankan waxa lagu qaban doonaa 16 magaalo – 11 Maraykan ah, saddex Mexico ah iyo 2 Canada ku yaalla inta u dhaxaysa Juun 11 – Luulyo 19.
Tartankan ayaa sidoo kale socon doona muddo 39 maalmood ah taasoo ka badan 29 maalmood oo Qatar ah iyo 32 maalmood oo ah ciyaaraha adduunka ee 2014 iyo 2018, waxaana la qaadan doonaa nidaam cusub oo ay ku jiraan 12 guruub oo koox kasta ay ka kooban tahay afar kooxood.
Mexico waxay wajihi doontaa South Africa garoonka Azteca Stadium ee Mexico City Cayaarta furitaanka ee maalinta Khamiista ee Juun 11, waxayna ku beegan tahay 18 maalmood ka dib dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League ee England.
Xulalka kowaad iyo labaad ee min laba iyo tobanka guruub iyo waliba siddeeda kooxood ee ugu fiican kaalinta saddexaad ayaa u soo bixi doona wareega kala baxa.
Horyaalka cusub ee adduunka ayaa lagu caleemo saari doonaa garoonka MetLife ee New Jersey 19ka Luulyo.
Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo ciyaaruhu ay ka dhacayaan afar aag oo wakhti ah iyo goobaha oo masaafo ahaan isu jira 4,506.15 kiiloomitir, waxa jiri doona 13 wakhti oo kala duwan oo la ciyaari doono.
Tusaale ahaan, dhammaan shanta kulan ee heerka guruubyada waxa lagu ciyaari doonaa Magaalada Kansas ka hor saqda dhexe ee GMT. Ciyaarta ugu horreysa waxay soo gali doontaa 23:00 GMT maalinta jimcaha ah ee Juun 26, waxayna dhexmari doontaa Tunisia iyo Netherland, halka ciyaarta ugu danbeysa ay soo gali doonto 02:00 GMT maalinta Axada ah ee Juun 28, waxayna dhexmari doontaa Algeria iyo Austria.
Aagga Gacanka San Francisco waxa uu martigelin doonaa laba ciyaarood oo bilaabmaya 04:00 GMT – Austria vs. Jordan Talaadada, Juun 16, iyo Turkiga vs Paraguay Jimcaha, Juun 19.
Ciyaaruhu waxay sidoo kale dhici doonaan 4:00 AM GMT ee Vancouver - Australia vs. Turkey Sabtida, Juun 13 - iyo Guadalupe, Mexico, Tunisia waxay la kulmi doonaan Japan Sabtida, Juun 20.
Wadar ahaan, 35 kulan oo heerka guruub-yada ah ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 23:00 iyo 4:00 GMT, taas oo ah ku dhawaad kala bar 72 kulan ee wareegan.
Si kastaba ha ahaatee, 19:00 GMT waa wakhtiga ugu badan, iyadoo 12 kulan heerka guruubyada ay dhacayaan wakhtigan.
Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada England iyo Scotland?
England – Guruub 12
Arbacada, Juun 17-keeda oo ay ku wajahayaan Croatia gudaha Dallas, 8:00 PM.
Talaado, Juun 23-keeda oo ay fooda is-dari doonaan Ghana ee Boston, saacadu markay tahay 8:00 PM.
Sabti, Juun 27, oo ka dhan ah Panama ee New Jersey, 9:00 PM.
Scotland – Guruub 3
Axad, Juun 14-keeda oo ka dhan ah Haiti ee Boston, saacada 1:00 subaxnimo.
Jimco, Juun 19-keeda waxa ay kula ciyaari doonaan Morocco 22:00 magaalada Boston.
Arbacada, Juun 24-keeda waxa ay kula ciyaari doonaan Brazil Miami saacadu markay tahay 22:00.
(Waqtiyada ciyaaruhu dhici doonaan ee aan halkan ku qornay dhamaantood waa xilliga GMT).
Yey u badan tahay inay ku guuleysan doonaan?
Xulka qaranka Spain oo haysta horyaalnimada Yurub ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka, ka dib markii ay si heer sare ah u cayaareen intii lagu jiray isreeb-reebka.
Xulka qaranka Spain waxa ku jira ciyaartoy badan oo tayo leh, oo ay ku jiraan Pedri, Fabian Ruiz, Martin Zubimendi, Rodri (ku guulaystay Ballon d'Or 2024), iyo Lamine Yamal, oo ah mid ka mid ah da'yarta ugu fiican adduunka.
Isbaanishka ka dib, England waxay u taagan tahay inay si xoogan ugu tartamayso horyaalka, iyagoo ku dhameystay kaalinta labaad labadii koob ee ugu danbeysay ee Yurub.
Xulkan oo uu tababare u yahay Thomas Tuchel ayaa u soo baxay koobka adduunka isaga oo rekoor sax ah haysta, iyagoo badiyay dhammaan kulamadii ay ciyaartay iyada oo aan wax gool ah laga dhalin.
Xulka England waxaa ku jira magacyo waa weyn sida Jude Bellingham iyo Harry Kane.
Xulka qaranka Faransiiska ayaa sidoo kale loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee ku guuleysan kara.
Kooxda oo uu tababare u yahay Didier Deschamps ayaa leh weerar xoogan, waxaana kamid ah Ousmane Dembele, Bradley Barcola, Michael Olise, iyo Kylian Mbappe.
Xulka qaranka Faransiiska oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka qaramada Yurub ee 2022 ayaa gaadhay rekoor guuldaro la'aan ah isreeb reebka Yurub.
Xulka qaranka Argentina oo difaacanaya koobka adduunka ayaa ku soo baxay kaalinta kowaad ee isreeb reebka koobka aduunka ee koonfurta America, waxana ay 9 dhibcood ka sareeyaan xulka Ecuador oo kaalinta labaad ku jira.
Laba koob oo ay ku guuleysteen Copa America iyo koobkii adduunka ee ugu dambeeyay, Argentina ayaa u muuqata mid ku jirta meeshii ugu sareysay ee awoodeeda.
Inkasta oo xulka qaranka Brazil uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan fiicneen isreeb-reebka, isagoo ku dhameystay kaalinta shanaad ee isreebreebka isreebreebka koofurta America ka dib markii laga badiyay lix ka mid ah 18 kulan, haddana kooxdan oo lagu neynaayso Seleção ayaa u muuqata inay ku guuleysatay shantii koob ee ugu dambeysay ee Koobka Adduunka ee 2002dii.
Waa kuwee tartamayaasha kale?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Norway ayaan ka qeyb galin koobka aduunka tan iyo 1998-dii, waligoodna kama gudbin wareega 16-ka, laakiin iyadoo Manchester City Erling Haaland uu dhaliyay 16 gool isreebreebka, kooxda Scandinavian-ka ayaa noqon karta yaabka xagaagan.
Norway ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed heersare ah isreebreebka, iyagoo badiyay dhammaan kulamadii ay ciyaareen, oo ay ku jiraan guulo ay ku gaareen gurigooda iyo garoomada ay martida ku yihiin ee xulka afarta jeer ku guuleystay koobkan oo ah horyaalka Talyaaniga.
Morocco ayaa sidoo kale badisay dhamaan kulamadi ay ciyaartay isreebreebka waxayna ku jirtaa kaalinta sideedaad ee aduunka .
Xulka qaranka Morocco ayaa sanadkan gaaray finalka koobka qaramada Afrika, inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen Senegal, haddana waxaa lagu abaalmariyay daruufo muran badan dhaliyay.
Morocco ayay u badan tahay inay kalsooni ku qabto inay ka soo baxdo Guruub ay ku jiraan Brazil, Scotland iyo Haiti.
Masar oo uu hogaaminayo Mohamed Salah, ayaa la filayaa inay ka soo baxaan Guruub-kooda, oo ay ku jiraan Belgium, New Zealand iyo Iran, una soo gudbaan wareega xiga.
Xulka qaranka Japan ayaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu awooda badan xulalka Asia, wuxuuna si fudud uga soo baxay isreebreebka, waxaana kaliya laga dhaliyay seddex gool 16 kulan oo uu ciyaaray.
Kooxda "Samurai" ayaa guusheedii ugu horaysay ka gaartay England kadib markii ay 1-0 ku garaacday ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Wembley dhamaadkii bishii Maarso, waxayna koobka adduunka la ciyaari doonaan xulalka Netherlands, Tunisia iyo Sweden.
Colombia ayaa kalsooni weyn ku qabta inay soo bandhigto qaab ciyaareed xoogan ka dib markii ay guulo ka gaareen isreebreebka South America oo ay ku garaaceen Brazil iyo Argentina, iyagoo ku dhameystay kaalinta seddexaad ee kala sarreynta guud ahaan.
Ka warran waddamada martida loo yahay? Canada oo markii saddexaad ka soo muuqanaysa Koobka Adduunka ayaa noqon karta wax lala yaabo, iyadoo laga badiyay dhammaan lixdii ciyaarood ee hore ee Koobka Adduunka, balse barbaraha ayaa ka dhigay inay Guruub-ka la galaan Qatar, Switzerland iyo Bosnia and Herzegovina.
Waa kuwee dalalka ay markan ugu horreyso ka qayb galka koobka adduunka?

Xigashada Sawirka, X
Afar wadan ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka koobka aduunka markii ugu horreysay xagaagan.
Jasiiradda yar ee Caribbean-ka ee Curaçao ayaa noqon doonta dalka ugu yar ee ka qayb galaya Koobka Adduunka marka ay wajahaan Germany, Ivory Coast iyo Ecuador oo ku wada jira Guruub E.
Curaçao waxay ku taal meel 59.55 kiiloomitir u jirta xeebta Venezuela, waxa ku nool in ka badan 150,000, waana aag dhan 443 kiiloomitir laba jibaaran. Curacao ayaa ku biirtay Boqortooyada Nederland sanadkii 2010.
Dhanka Cape Verde, waa dalka saddexaad ee ugu yar ka dib Curacao iyo Iceland si uu u gaaro Koobka Adduunka.
Kooxda "Blue Sharks" ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruubkooda isreebreebka, iyagoo ka sarreeya Cameroon oo ka mid ah xulalka Afrika ugu xoogan.
Cape Verde waa jasiirad ka kooban toban jasiiradood oo ku yaalla badweynta Atlaantigga, waxa ku nool dad ka yar 525,000. Waxa ay xornimada ka qaadatay Portugal 1975kii, waxayna markii ugu horreysay isku dayday inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii tartanka lagu qabtay Japan iyo South Korea 2002dii.
Xulka Cape Verde waxa ay isreeb-reebka Guruub H ku wajihi doonaan Spain, Sacuudiga iyo Uruguay.
Laba kooxood oo Asia ka socda, Uzbekistan iyo Urdun, ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya isreebreebka. Xulka Uzbekistan ayaa gaaray semi-finalka koobka Asia 2011-kii.
Waxaa hadda tababare u ah Fabio Cannavaro oo ahaa kabtankii xulka qaranka Talyaaniga ee ku guuleystay koobkii adduunka ee 2006dii.
Xulka qaranka Uzbekistan ayaa waxaa ku jira ciyaaryahano caan ah sida daafaca Manchester City Abdulkadir Khusanov iyo weeraryahankii hore ee Roma Eldor Shomurodov.
Uzbekistan waxa ay rajaynaysaa in ay guulo ka gaarto Guruub ay ku jiraan Portugal, Colombia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Dhanka Urdun, waxay ku dhameysatay kaalinta labaad ee guruubkeeda iyadoo afar guul iyo afar barbaro gashay tobankii kulan ee ay ciyaareen wareega seddexaad ee isreebreebka Asia.
Xulka qaranka Urdun ayaa ku jira kaalinta 63-aad ee caalamka, waxaana ay sameeyeen horumar joogto ah, kadib markii ay gaareen finalka koobka Asia 2023, ka hor inta aysan guuldaro kala kulmin Qatar oo martigelineysa.
Xulka Urdun ayaa ku wada jira Guruub-ka 10-aad oo ay ku jiraan xulalka Argentina, Algeria iyo Austria.











