You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma ninka lagu beddalay Cali Larjani oo dhawaan Israa'iil ay dishay?
Iiraan ayaa shalay magacawday taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda siyaasadda adag si uu u beddelo madaxii awoodda badana ee Golaha Amniga Qaranka, Cali Larijani, oo lagu dilay weerarro ay geysteen Mareykanka iyo Israa'iil toddobaadkii hore.
Maxamed Baqer Zolqadr ayaa loo magacaabay booskii Larijani isagoo ah xoghayaha SNSC, iyo ku xigeenka isgaarsiinta ee madaxweynaha Iiraan sida lau daabacay barta X.
SNSC waa Golaha Sare ee Amniga Qaranak Iiiraan, waxaana si rasmi ah u hoggaamiya madaxweynaha la doortay, Masoud Pezeshkian, ayaa isku dubariday amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda, waxaana ku jira saraakiisha ugu sarreeya militariga, sirdoonka iyo dowladda iyo sidoo kale wakiillada hoggaamiyaha ugu sarreeya ee leh go'aanka kama dambaysta ah ee dhammaan arrimaha dawladda.
Zolqadr waa taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka kaasoo hore u soo qabtay jagooyin sare-sare oo amniga ku saabsan sida ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ku xigeenka shaqaalaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo lataliyaha madaxa garsoorka ee ka hortagga dambiyada.
Wuxuu madax ka ahaa xarunta doorashada ee kooxda siyaasadeed ee mayalka adag, kooxda Caanka ah ee Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah.
Tan iyo 2022 wuxuu ahaa xoghaye Golaha Fahamka Dakhliga, oo ah gole xalliya khilaafaadka u dhexeeya baarlamaanka iyo Golaha Ilaalada ee culimada Shiicada iyo sharci yaqaannada kuwaas oo diidi kara sharci dejinta isla markaana kormeeri kara doorashooyinka.
Israa'iil ayaa dishay Cali Larajani oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Iiraan ka dib markii ay duqaymo ku qaadeen meel uu ku sugnaa. Cali Larijani, oo ahaa xoghayihii guud ee golaha ammaanka qaranka Iiraan, ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay, xilli horey loo dilay saraakil badan oo ammaanka Iiiraan muhiim u ahayd.
Larijani, oo horay u soo noqday afhayeenka baarlamaanka Iiraan 12 sano, ayaa la sheegay in lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay ku dhuumaalaysanayaan isaga iyo wiilkiisa.
Gholamreza Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka ee Basij, ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay isku maalin. Iiraan ayaa wacad ku martay in ay u aargudi doonto dilka hogaamiyayaasheeda ammaanka iyo militariga.
Kumuu ahaa Cali Larijani?
Magaca Cali Laarijaani iyo xubnaha kale ee qoyskiisa ayaa muddo dheer laga dhex maqlayay saaxada go'aan qaadashada taliska Iiraan, iyagoo soo qabtay xilal muhiim ah oo xasaasi ah. Laarijaani wuxuu ka dhashay qoys saameyn xooggan ku leh siyaasadda Iiraan, kuwaas oo warbaahinta Reer Galbeedku ay ku mataleen qoyska Kennedy-ga Mareykanka marka laga hadlayo mucaaradkii madaxweynihii hore Maxamuud Axmadinejaad.
Cali Laarijaani wuxuu qoraalka musharaxnimadiisa madaxtinimada gudbiyay saddex jeer. Markii u dambeysay waxay ahayd geeridii Madaxweyne Ibraahim Raisi ka dib kaas oo ku dhintay shil diyaarad helicopter ah sanadkii 2024, balse guddiga u xilsaaran dib u eegista musharaxiinta ayaa diiday codsigiisa. Laarijaani wuxuu soo noqday xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, waxaana la aaminsan yahay inuu ka mid yahay dadka go'aan qaadashada leh xilliga kala guurka ee ka dambeeya Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei.
Wargeyska New York Times ayaa daabacay warbixin maalmo ka hor bilowgii weerarada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iiraan, isagoo sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah, Cali Khamenei, uu Cali Laarijaani u xilsaaray maamulidda arrimaha dalka iyo hubinta badbaadadiisa haddii uu dagaal la galo Mareykanka. Sidoo kale, wargeyska Le Figaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa baahiyay in Laarijaani uu fashiliyay isku day gudaha ah oo la doonayay in xilka looga tuuro Khamenei, loogana saaro go'aannada muhiimka ah ee siyaasadda iyo amniga, xilligii ay bilowdeen dibadbaxyadii dadweyne ee dhowaan dhacay. Ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Iiraan oo ku saabsan waxyaabaha ay qoreen wargeysyada Mareykanka iyo Faransiiska. Laarijaani ayaa dhowaanahan lagu arkayay socdaallo iyo bayaanno muujinaya inuu ku lug leeyahay go'aanada la xiriira wadahadallada dhanka Mareykanka ee ku saabsan kobcinta yuraaniyamta.
Cali Laarijaani wuxuu sanadkii 1957 ku dhashay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, halkaas oo aabihiis uu u hijrooday horraantii 1930-yadii, wuxuuna qoyskiisa Iiraan dib ugu soo laabtay sanadkii 1961. Wuxuu bartay cilmiga xisaabta, isagoo shahaadada Master-ka iyo PhD-da ku qaatay falsafadda Reer Galbeedka kana baxay Jaamacadda Teheran. Aabbihiis, Mirsa Haashimi Amoli, waa aqoonyahán diimeed oo ka tirsan madaariska magaalada Qom.