You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Walaac cusub oo soo kordhay iyo suurtagalnimada in gantaallada Iran gaari karaan Yurub?
Gantaallo Tehran ku weerartay saldhigga milateri ee wadajirka ah ee Ingiriiska iyo Mareykanku leeyihiin Diego Garcia, kuna yaalla Badweynta Hindiya ayaa su'aalo ka keenay suurtagalnimada colaadda ka sii daraysa ee Bariga Dhexe.
In kasta oo gantaalladu "aanay gaarin bartilmaameedkoodii," ciidamada Israel ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka in gantaallo noocan oo kale ah la adeegsaday.
Tehran wali si rasmi ah uma xaqiijin bilawga gantaallada, halka warbaahinta Iran ay kaliya sii gudbiyeen warar ka yimid warbaahinta shisheeye.
Khubaradu waxay baarayaan cawaaqibka weerarkan, oo "ku guuldareystay inuu gaaro ujeedadiisa," iyo waxa ay tani ka dhignaan karto marka ay timaaddo fiditaanka colaadda. Xaaladdan, su'aashu waxay tahay in caasimadaha Yurub sida Berlin, Paris, iyo London ay noqon karaan bartilmaameedyo mustaqbalka.
Wasiir ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa sheegay inaysan jirin "qiimeyn taageeraysa" sheegashada ciidamada Israel ee ah in Iran ay leedahay gantaallo fog oo gaari kara London.
Ghoncheh Habibizadeh oo ka tirsan BBC Persian ayaa sheegtay in barnaamijka gantaallada ee Iran uu sanado badan ku jiray kormeer caalami ah, iyada oo tilmaamtay in Tehran ay ku adkaysaneysay in horumarinta gantaalladu tahay ujeeddooyin difaac iyo ka-hortag, halka dhaleeceeyayaashu ay aaminsan yihiin in horumarka gantaallada fog fog uu saameyn ku yeelan karo isu-dheellitirka ammaanka ee gobolka.
Tani waxay imaaneysaa wax ka yar bil ka dib markii wadahadallo laga yeeshay arrintaan si looga hadlo walaacyada la xiriira barnaamijka nukliyeerka ee Iran, iyadoo la filayay wareegyo dheeraad ah, ka hor inta aan Israa'iil iyo Mareykanku aysan bilaabin weerarkoodii ka dhanka ahaa Iiran.
Jasiiradaha Chagos, oo ay ku jirto Diego Garcia halkaas oo saldhigga milatari ee wadajirka ah ee Mareykanka iyo UK uu ku yaallo, ayaa u jirta Iiran 3,800 oo kiiloomitir.
Warbixin ay soo xigteen Wall Street Journal iyo CNN, oo laga soo xuuraansaday saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in la tuuray gantaallo ballistic ah, iyaga oo tilmaamaya in gantaal kastaa aanu gaarin bartilmaameedkiisa. Warbixinnadu waxay sheegeen in mid ka mid ah gantaallada wax ka qaldameen intii uu duulayey, halka kan kale uu ku dhacay maraakiib dagaal oo Mareykan ah. BBC-da ayaa macluumaadkan u fasiratay kuwa sax ah.
Ka dib dhacdadan, ciidamada Israa'iil waxay sheegeen in magaalooyin badan oo ku yaalla Yurub, Aasiya, iyo Afrika ay hadda gaari karaan gantaallada Iran, iyaga oo ku daray in ay sanadkii hore digniin ka bixiyeen in Tehran ay raadinayso horumarinta gantaallo leh awood fog.
Taliyaha Ciidamada Israa'iil Eyal Zamir ayaa sheegay in muuqaal la sii daayay uu muujinayo gantaallada loo tuuray dhanka Jasiiradaha Chagos iyo in Iran ay tuurtay gantaal ballistic laba weji ah oo leh masaafo ku dhow 4,000 oo kiiloomitir, isaga oo intaa ku daray in masaafooyinkan ay muujinayaan caasimadaha Yurub sida Berlin, Paris, iyo Rome taasoo khatar ku ah amniga gudaha.
Dhanka kale, khuburo milatari, ayaa BBC-da u sheegay in horumarkan uu sababay in dib loo qiimeeyo qiyaasaha ku saabsan masaafooyinka gantaallada Iran. Waxey intaa ku dareen, " waxaa horey la aaminsanaa in masaafooyinka gantaallada Iran ay ku dhow yihiin 2,000 kiiloomitir, halka masaafada Diego Garcia ay ku dhowdahay 3,800 oo kiiloomitir."
Ilaa hadda, Iran waxay sheegtay inay xadidday masaafo ahaan barnaamijkeeda gantaallada balistikada, taasoo aan ka badnayn qiyaastii 2,000 oo kiiloomitir. Tani waxay ka dhigan tahay in Israel ay ku jirto masaafo gantaallada Iiraan gaari karaan, halka Yurub ay ka baxsanayd masaafooyinkaas.
Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa 2021 sheegay in go'aankaasi uu ahaa mid siyaasadeed, oo uusan ka dhalan xaddidaad farsamo oo ku saabsan soo saarista gantaallada, isagoo intaa ku daray in go'aankaas la qaatay inkastoo ay ka soo horjeedeen hoggaamiyeyaasha milatariga iyo Ilaalada Kacaanka Iiraan.
Sida lagu soo waramay waqtigaas, ujeeddadu waxay ahayd in la ilaaliyo awooda loogu hanjabi karo Israel, iyadoo aan laga carqaladeyn Yurub, taasoo aan ku jirin goobta bartilmaameedka Iiraan.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, mid ka mid ah mas'uuliyiinta Iiraan ayaa telefishanka dowladda u sheegay in Ilaalada Kacaanka ay si guul leh u sameysay tijaabo gantaal balistik ah oo caalami ah, iyada oo aan la bixin faahfaahin ku saabsan masaafo gantaalka.
Gantaallada Iiraan masaafo intee le'eg ayay gaari karaan?
Waxaa intaa dheer, masuuliyiinta Maraykanka ayaa muddo dheer sheegayay in barnaamijka hawada sare ee Iran uu u suurta gelin karo Tehran inay horumariso tiknoolajiyado loo isticmaali karo soo saarista gantaalaha istaraatiijiga ah sida laga soo xigtay The Times of Israel, iyo in tiknoolajiyadahan la adeegsan karo marka loo baahdo.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa aaminsan qiimeyntan. Dr. Karen von Hippel, agaasimihii hore ee guud ee Royal United Services Institute, ayaa u sheegtay BBC News:
"Haddii aan u qaadanno in gantaalladu gaareen Diego Garcia… markaas Iraniyiintu sidoo kale waxay horumarinayaan gantaalaha intercontinental-ka ah ee leh masaafo gaaraysa qiyaastii 10,000 kiiloomitir, inkastoo weli aanan arag kuwo si dhab ah loo isticmaalay."
Tani waxay ka dhigan tahay in gantaallada ka soo burqanaya Iran ay aragti ahaan gaari karaan dhulka Maraykanka.
Dadka kormeera arrimahaan ayaa rumaysan in weerarka loo qorsheeyay Badweynta Hindiya uu muujinayo in gataallada Iiran gaari karaan meelo badan oo markii hore aan loo maleyneyn.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimahaan ayaa su'aal gelinaya awoodda gantaallada ee gaarista bartilmaameedyadooda, xitaa haddii aan la hakinin.
Wasiirka Guriyaynta ee UK, Steve Reid, ayaa BBC u sheegay in "aysan jirin qiimeyn gaar ah oo muujinaysa in Iran ay bartilmaameedsanayso UK, ama xitaa in ay awoodo haddii ay rabto."
Waxaa la isweydiinayaa haddii Iran ay dhab ahaantii horumarisay tiknoolajiyada hawlgalka ee lagama maarmaanka u ah fulinta weerarro masaafo dheer ah, oo ay ku jirto awoodda hagida iyo xakamaynta gantaallada masaafooyinka fog.
Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in tallaabadani sidoo kale ay leedahay dhinac maskaxeed, maadaama qaar aaminsan yihiin in Tehran aysan ujeeddo ka lahayn in ay garaacdo bartilmaameedyada, balse ay doonayso in ay fariin cad u dirto oo muujiso awooddeeda.
Danny Citrinovitch, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka milatariga Israel isla markaana hadda ah cilmi-baare ka tirsan Machadka for National Security Studies, ayaa yiri:
"Tani macnaheedu maaha in ay qorsheynayaan in ay weeraraan London ama Paris berri, balse tani waa arrin dheeri ah oo ay ku xoojinayaan awoodda ka hortagga."
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya sidoo kale waxay aaminsan yihiin in jawaabta Israel ee wixii ka dhacay Badweynta Hindiya toddobaadkan loo fasiri karo sidii isku day ay ku doonayso taageero ballaaran.
General Sir Richard Shirreff, oo ah ku-xigeenka taliyaha NATO ee Yurub, ayaa BBC u sheegay:
"Waa wax dabiici ah in Israel ay sidaas tiraahdo, sababtoo ah waxay rabtaa in ay ballaariso xuduudaha dagaalka oo ay ku darto dalal kale. Tani waa in laga taxadaraa oo laga hortagaa. Dagaalka hadda socda ma u muuqdo inuu leeyahay dhammaad cad ama istiraatijiyad gaar ah, waxaana jira shaki ku saabsan qaar ka mid ah qiimeyntii hore ee la bixiyay."