Dagaalka miyaa gilgilay muuqaalkii quruxda badnaa ee Dubai?

Nolosha Dubai

Xigashada Sawirka, AFP

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Stephanie Baker waxay dhalashadeeda kula dabaal-degaysay saaxiibadeed baar ku yaalla jasiiradda macmalka ee Palm Jumeirah ee Dubai.

Markii iyada iyo saaxiibadeed ay ka baxayeen goobta ayey arkeen wax aan caadi ahayn oo cirka ka soo dhacay oo xawaare ku socda.

Daqiiqado yar kaddib, firir ka soo dhacay diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ayaa ku dhacay hoteelka Fairmont. Baker iyo saaxiibadeed waxay taagnaayeen dhanka kale ee wadada oo ku beegan hotelka.

"Dhammaanteen waan cabsanay, in aan aragno wax sidan oo kale ah ma fileyn" ayey tiri Baker.

Haweeney Britain u dhalatay oo ka shaqeysa ganacsiga guryaha oo u soo guurtay magaalada sanad ka hor ayaa sheegtay in ay mar walba u aragtay Dubai in ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan gobolka.

Labo toddobaad kaddib markii Iran ay ku soo weerartay Drones waxay sheegtay in aysan qorshaynayn in ay ka baxdo magaalada.

Dadka ku nool magaalada Dubai

Xigashada Sawirka, Stephanie Baker

Dubia

Xigashada Sawirka, AFP

Dubai waxaa ku nool malaayiin shisheeye ah oo meelo kala duwan ka yimid. Dadkaas waxaa ka mid ah dad lagu qiyaasay ilaa iyo 240,000 oo British ah, halka muwaadiniinta Imaaraadka ay ka yihiin 10% dadka ku nool magaalada.

Tobannaan sano, magaalada Dubai waxay dhisatay sumcad muujinaya xasilooni iyo amni inkasta oo ay ku taal gobol qalalaase badan. Dhismayaasheeda dhaadheer ee muraayadaha ah, mushaarka aan canshuurta lahayn, iyo sumcadda amniga shaqsiga ayaa ka dhigtay xarun ganacsi iyo dalxiis oo weyn oo Bariga Dhexe ah.

Inkastoo khilaafaad badan ay ka jireen gobolka sanadihii u dambeeyay hadana Dubai inta badan waa ay ka badbaadday saameyntooda.

Mas'uuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in tan iyo markii ay bilaabmeen weerarrada Iran in tiro ka badan 90% la qabtay oo la burburiyay.

Mas'uuliyiinta Imaaraadka waxay sheegeen in ilaa iyo hadda ay 6 qof dhinteen halka 141 kalena ay dhaawacmeen.

BBC-du waxay la hadashay in ka badan 20 qof oo deggan Dubai, qaarna halkaas ayay ku noolaayeen tobannaan sano, halka qaar kalena ay dhawaan yimaadeen. Intooda badan waxay sheegeen in ay ka naxeen waxa dhacay maalmahan, laakiin badankood waxay caddeeyeen in aysan doonayn in ay magaalada ka baxaan.

"Waa markii ugu horreysay ee aan aragno wax sidan oo kale ah," ayay tiri Eti Bhasin oo kas oo jeeda Hindiya kana shaqeysa ganacsiga qoyskeedu leeyahay, waxay Dubai ku noolayd nolosheeda oo dhan.

Adam Kalu iyo qoyaskiisa

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxay qaar ka mid ah dadka deggen Dubai u aheyd maalmo walaac leh.

Adam Kalu wuxuu xaaskiisa iyo laba carruur oo yaryar ula soo guuray Dubai sanadkii 2024-kii. UK ayuu ka soo guuray. Sumacadda iyo amniga magaalada ayaan ka mid ahaa sababaha uu u soo guuray.

"Mas'uuliyiintu waxay sameynayaan wax kasta oo aan amman ku dareemeyno," ayuu yiri Kalu.

Garoonka Caalamiga ee Dubai, oo ah kan ugu mashquulka badan dunida marka laga eego rakaabka caalamiga ah, ayaa sanadkii hore waxaa maray ku dhowaad 90 milyan oo rakaab.

Madaarka Dubai

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kumanyaal duulimaad ayaa la baajiyay tan iyo markii dagaalka uu bilowday taas oo curyaamisay mid ka mid ah goobihii ugu mashquulsanaa gobolka.

Arrintan waxay ku soo aaday xilli loo arko mid ka mid ah waqtiyada ugu mashquulka badan dalxiiska, ka hor inta kulaylka xagaaga uusan sii bilaaban.

Duulimaadyo badan iyo hotelo hore loo sii qabsaday ayey dadku ka noqdeen waqtigan. Qolalka hotelada qaaliga ee raaxada ayaa hadda lagu iibinayaa qiimo hooseeya.

Ganacsade maamula hotelo

Xigashada Sawirka, Dr. Naim Maadad

Dr. Naeem Moadad oo ah aasaasaha iyo maamulaha shirkadda Gates Hospitality, oo Dubai ku noolaa in ka badan 20 sano ayaa sheegay in dad badan ay ka noqdeen qolalkii ay hore u qabsadeen.

Wuxuu kaloo sheegay hadii rubaca ugu horeeya sanadkan uu ku bilowdo si aan fiicneyn, waxaad ku jireysaa in aadan gaarin halkii lagaa rabay.

Dalxiisayaal badan ayaa yimaada Dubai, waxaana magaalada loo arkaa meel raaxo ah iyadoo kooxaha baraha bulshada saameynta ku leh ay soo dhigaan muuqaallada meelaha lagu dabaasho iyo gawaari qurux badan.

Wajiga kale ee Dubai

Magaalada waxaa ka jira fursado sinnaan la'aan ah. Inkasta oo sawirka quruxda badan ee Dubai aad looga arko internetka iyo shaqaale badan oo soo-galooti ah oo ka qayb qaata koboca dhaqaalaha magaalada hadana waxaa la qaataa mushahar hoose. Dadka qaar ayaa ku nool guryo wadaag ah oo ku yaalla bannaanka magaalada.

Suuqa shaqada ee Imaaraadka wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay shaqaale ajnabiga ah. Dadka ka yimaada Koonfurta Aasiya oo kaliya ayaa ka badan kala bar dadka magaalada ee si degdeg ah u kordhaya.

Inta badan dadka waxay ka shaqeeyan dhismaha, gaadiidka iyo saadka iyo adeegyada isgaarsiinta.

Jasiirada raaxada ee Dubai

Xigashada Sawirka, Planet Labs PBC via REUTERS

Qof shaqaale ah oo ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha oo codsatay in aan magaceeda la sheegin, ayaa sheegtay in toddobaadkan ay u duushay magaalada Melbourne ee dalka Australia. Waxay sheegtay in ay dib ugu soo laaban doonto Dubai marka ay xaalada degto.

Waqti ay dalal badan oo reer galbeed ah adkeynayaan siyaasadaha socdaalka ayey Dubai qaaday qaab kale. Imaaraadku wuxuu isku dayay in uu noqdo meel soo jiidasho leh oo loogu talagalay xirfadlayaasha caalamiga ah iyo maalqabeenada.

Magaalada Dubai

Xigashada Sawirka, NurPhoto/Getty Images

Baaritaanno ay sameeyeen warbaahin caalami ah iyo hay'adaha fulinta sharciga ayaa hore u muujiyay in Dubai ay joogaan qaar ka mid ah dadka looga shakisan yahay in ay yihiin dambi abaabulan.

Magaalada waxa ugu weyn ee ay indhaha dadka ku soo jiidato ayaa ahaa sawirada quruxda badan. waxaa hadda laysweydiinayaan hadii sawirada dagaalka ay khatar u keenayaan.

Madaxweyna UAE, Sheikh Mohammed bin Zayed, ayaa u xaqiijiyay dadka deggan magaalada in ay ilaalinayaan iyagoo u digay in la beegsanayo kuwa ammaanka halista gelinaya.