Iyadoo Islaam nacaybku sii kordhayo, Muslimiinta Australia ayaa u dabaal-degay Ciidda

Hablo muslimiin ah

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Katy Watson
    • Role, Australia correspondent
    • Reporting from, Sydney
  • Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Markii qorraxdu sii dhacaysay toddobaadkii hore degmada Lakemba oo dhacda dhanka koonfur-galbeed ee magaalada Sydney, jidka bannaanka ka ah Masjidka Imaam Cali bin Abi Daalib waxaa soo buuxiyey kumanaan dad ah, kuwaas oo u badnaa dad fariistay miisas dhaadheer oo lagu daboolay maro cad.

Masjidka ayaa martigelinayay Afur wadareed: kaas oo ah cuntada fiidkii ee calaamada u ah dhammaadka soomka maalinlaha ah ee bisha Ramadaan.

Miisaska ayaa loo qaybiyay qaybo, waxaana lagu calaamadiyay goobo raashinka laga qaato oo ay ku qoran tahay 'haween' iyo 'rag'. Markii ay qorraxdu dhacdayna, qoysasku waxay soo saareen sanduuqyo timir ah si ay ugu afuraan, iyagoo u qaybinaya deriska iyo martida kale.

Hase yeeshee, inkasta oo ay goobtu u dhowaatay jawi qoys, haddana gaadhi booliis oo ah nooca ilaalada oo waddada yaalla kuna ku qalabaysan kamarado 360-xagal ah ah oo ku xidhan birro dhaadheer ayaa ka turjumayay cabsida ka dhex jirta bulshada.

Ka dib markii ay la kulmeen hanjabaado dhowr ah, hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa codsaday joogitaanka booliis dheeraad ah bisha Ramadaan oo dhan. Waxay sidoo kale kireysteen ilaalada gaarka ah.

"Waxaan hadda mareynaa waqtiyo aad u adag oo ay wajahayaan bulshada Muslimka ah iyo guud ahaan Australia," ayuu yiri Gamel Kheir, oo ah xoghayaha Ururka Muslimiinta Lubnaan, kaas oo soo qabanqaabiyay Afurka.

"Haddii ay jirto waqti ay bulshooyinku u baahan yihiin inay isu yimaadaan oo ay waxx wada cunaan, waxaan odhan lahaa sanadkan ayaa ka muhiimsan xili walba"

Islaam nacaybka ayaa ku sii kordhaya Australia. Hanjabaadaha loo geysto Muslimiinta waxay ahaan jireen qiyaastii 2.5 xaaladood toddobaadkii, sida lagu sheegay Diiwaanka Islaam nacaybka ee Australia (Islamophobia Register Australia). Laakiin tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023, falalka la soo sheegay ayaa kordhay 636%.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kalena, Golaha Sare ee Yuhuudda Australia ayaa xusay in falalka ka dhanka ah Yuhuudda ay ku dhow yihiin shan laab ka badan intii ay ahaan jireen ka hor weerarradii 7-dii Oktoobar.

Xasuuqii sanadkii hore ka dhacay xeebta Bondi Beach ayaa sii xumeeyay cabsida iyo nacaybka labadaba. Weerarkaas, oo ay fuliyeen laba nin oo hubeysan oo geystay toogashadii ugu xumayd ee Australia muddo tobanaan sano ah intii lagu guda jiray dabbaaldegga Hanukkah ee bishii Diseembar, ayaa argagax weyn ku noqday Australia iyo bulshada Yuhuudda.

Dhanka kale, ka dib xasuuqaas oo booliisku sheegeen inay "wadneen fikradaha kooxda IS" falalka Islaam nacaybka ee la soo sheegay ayaa kordhay 201%. Hadda, Diiwaanka Islaam nacaybka ee Australia wuxuu sheegayaa inay jiraan celcelis ahaan 18 xaaladood toddobaadkii.

"Waa inaynu feejignaan iyo walaac weyn muujinnaa - tani dhab ahaantii waa darafka sare ee xaalad weyn oo dahsoon," ayay tidhi Nora Amath, oo ah agaasimaha fulinta ee diiwaanka. Waxaa sidaas yiri Nora Amath, oo ah agaasimaha fulinta ee Islamophobia Register Australia.

"Tiradan waa mid aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah waxaa jira dad badan oo aan soo sheegin sababo kala duwan awgood." Dareenka caro iyo in laga tagay ee ka dhex jira bulshada Muslimiinta ee Australia ayaa si cad u muuqday Jimcihii, markii Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Tony Burke ay yimaadeen masaajidka Lakemba Mosque si ay u xusaan dhammaadka Ramadan.

Qaar ka mid ah dadkii cibaadeysanayay ayaa siyaasiyiinta ku qayliyay, ku foodhiyay, isla markaana ku eedeeyay inay taageerayaan xasuuq, xilli uu akhriyey bayaan ku saabsan ku lug lahaanshaha Australia ee dagaalka Bariga Dhexe iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada Muslimiinta.

Wadnaha Islaamka ee Sydney

Qof kasta oo BBC-du kula hadashay Lakemba wuxuu lahaa sheeko u gaar ah oo ku saabsan hanjabaad ama weerar ka dhan ah Islaamka oo uu wajahay. Tani waa xaafadda loogu aqoonsiga badan yahay Muslimiinta Sydney. Qiyaastii 61% dadka deegaanka waa Muslimiin, sida ku cad tirakoobkii 2021, masjidkeeduna waa mid ka mid ah kuwa ugu weyn Australia.

Waa socdaalkii dadka Lubnaan ee 1960-meeyadii kii gacan ka geystay in Lakemba ay noqoto xarunta dhaqanka Muslimiinta ee Sydney laakiin bulshadu tan iyo markaas way sii ballaadhatay si ay ugu soo biiraan Muslimiin ka yimid qaybo badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan Koonfurta Aasiya.

Lakemba, Sydney - Afur wadareed
Qoraalka sawirka, Lakemba, Sydney - Afur wadareed

Dr Moshiuzzaman Shakil waa mid ka mid ah. Dhakhtarkan u dhashay Bangladesh wuxuu aaggaas la deggan yahay xaaskiisa, wuxuuna hadda u diyaarinayaa shahaadada Master-ka ee caafimaadka dadweynaha, isagoo isla markaana u shaqeeya sidii shaqaale caawiye u ah macaamiisha naafada ah.

Laakiin ka dib xasuuqii Bondi, wuxuu sheegay in mid ka mid ah macaamiishii uu u adeegi jiray uu eryay.

"Waxay i weydiiyeen: 'Ma Muslim baad tahay?' Haa, waxaan ahay Muslim," ayuu xasuustay. "Weerarkii Bondi ka dib, dadka qaar waxay u maleeyeen in Muslimiintu yihiin argagixiso."

Si kastaba ha ahaatee, gudaha Lakemba, Shakil wuxuu dareemayaa ammaan. Iyadoo suuqyadu ay iibinayaan cuntooyinka Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya, maqaayadahana ay bixinayaan cuntooyinka sida digaagga Mandiga ah oo ah cunto caan ka ah Yemen, dad badan oo u soo guuray Australia ayaa halkan ku dareema inay joogaan gurigoodii.

Sidoo kale waa goob ammaan u ah Muslimiinta Australia, kuwaas oo ka walwala waxa dhaca marka ay ka baxaan waxa ay ugu yeeraan 'comfort zones' ama meelaha ay ku kalsoon yihiin - kuwaas oo ah xaafadaha ku hareeraysan Lakemba.

Xiisadaha ka dhashay dhaqamada badan

Si rasmi ah, Australia waxay jeceshahay inay isku tilmaamto waddan dadka soo galootiga ah u furan, iyadoo mareegta dawladdu ay ku sheegtay inay tahay "mid ka mid ah bulshooyinka dhaqamada badan ee ugu guulaha badan caalamka". Laakiin dalku wuxuu inta badan lahaa taariikh adag oo ku saabsan soo galootiga.

Ilaa 1973, socdaalka waxaa saameyn ku lahaa siyaasaddii caanka ahayd ee "White Australia policy," taas oo si firfircoon u xaddidi jirtay tirada dadka aan caddaanka ahayn ee soo galaya Australia si loo door bido kuwa ka yimid waddamada Yurub. Xataa tan iyo markii ay siyaasaddaas dhammaatay, haddana arrimaha socdaalka, gaar ahaan kuwa khuseeya dadka magangalyo doonka ah, waxay ahaayeen kuwo bulshada qaybiya.

Weerarradii 7-dii Oktoobar waxay muujiyeen dildilaacyo waaweyn oo ku yimid himilooyinkii dhaqamada badnaa ee Australia. Dibadbax looga soo horjeeday Israa'iil oo ka dhacay bannaanka Sydney Opera House 8-dii Oktoobar, halkaas oo la soo sheegay in dadku ay ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan ah Yuhuudda, ayuu ra'iisul wasaruhu cambaareeyay, waxaana badanaa soo xigta bulshada Yuhuudda iyagoo u arka maalin madow oo Australia soo martay.

Dibadbax ka dhacay buundada Sydney Harbour Bridge sannadkii hore ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u tiro badan oo taageerayay Falastiiniyiinta iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Iyadoo xoogga hadda la saarayo Islaam nacaybka iyo Yuhuud nacaybka ay ku xidhan tahay dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar, 2023 iyo dhawaanahan dhacdadii Bondi taariikh kale ayaa inta badan looga hadlaa inay tahay meeshii laga leexday xiriirka jinsiyadaha ee Australia: waana rabshadihii Cronulla ee 2005.

Toddobaad ka hor inta aysan rabshaduhu bilaaban bishii Diseembar 2005, laba badbaadiyayaal ah ayaa lagu weeraray waxa la sheegay inuu ahaa weerar aan laga soo shaqayn oo ay geysteen koox badan oo rag ah oo leh "muuqaal Bariga Dhexe ah".

Farriimo ayaa wareegay oo baaqayay dagaal aargoosi ah, waxaana xeebta ku soo ururay qiyaastii 5,000 oo qof ka hor intaysan weerarin laba dhalinyaro ah oo ay rumeysnaayeen inay ka soo jeedaan Bariga Dhexe. Kuwo badan ayaa markaas u orday saldhigga tareenka ee u dhow ka dib markii ay maqleen in rakaab Lubnaaniyiin ah ay soo socdaan.

"Waxaan u malaynayaa in bulshadan ay ku jirtay naxdin tan iyo rabshadihii Cronulla," ayuu yiri Kheir. "Mar kasta oo qayb cusub ay dhacdo hadda, dib ayaan u fariisannaa oo isu soo ururinaa annagoo fekerayna, 'Ilaahow, fadlan yaan qofka dambigaas geystay noqon qof Muslim ah'."

Midab-takoorka oo "caadi noqday"

Dhacdooyinkii saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa sii huriyey dareenka ka dhanka ah Islaamka. Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Ergayga Gaarka ah ee ka hortagga Islaam nacaybka, Aftab Malik, ayaa soo saaray warbixin ku saabsan arrintan, isagoo ku baaqay tallaabo degdeg ah.

"In la beegsado dadka reer Australia iyadoo lagu salaynayo aaminsanaantooda diimeed ma aha oo kaliya weerar iyaga lagu qaaday, laakiin waa weerar lagu qaaday qiyamkayaga aasaasiga ah," ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Albanese isagoo ka jawaabayay. "Waa inaan ciribtirnaa nacaybka, cabsida iyo nacaybka horseeda Islaam nacaybka iyo qaybsanaanta bulshadeenna."

Kadib, saddex bilood ka dib, dad Yuhuud ah ayaa lagu weeraray Bondi ra'iisul wasarahana waxaa lagu dhaleeceeyay inuusan wax ku filan ka qaban Yuhuud nacaybka sidoo kale.

Dhanka kale, iyadoo taageerada xisbiga caanka ah ee ka soo horjeeda socdaalka ee One Nation ay kor u kacayso, Albanese iyo xisbiga Shaqaalahu waxay dhexda u galeen xaalad adag.

Bishii Noofambar ee sanadkii hore, Pauline Hanson, oo ah senatar u dhalatay Australia ahna hoggaamiyaha xisbiga One Nation, ayaa baarlamaanka la soo gashay indhashareer (burqa) si ay u cadaadiso mamnuucidda dharka Muslimiinta. Waxaa laga joojiyay shaqada muddo toddobaad ah. Kadib, horraantii bishan, waxaa mar kale canaanay Aqalka Sare ee Federaalka ka dib markii ay samaysay hadallo su'aal gelinaya inay jiraan Muslimiin 'wanaagsan'.

Masaajidka Imam Ali bin Abi Taleb ee magaalada Sydney
Qoraalka sawirka, Masaajidka Imam Ali bin Abi Taleb ee magaalada Sydney

Hoggaamiyeyaasha bulshada sida Kheir ayaa sheegaya in siyaasiyiinta sida Hanson ay xalaaleeyeen midab-takoorka taasna ay caddayn u tahay tirada hanjabaadaha uu wajahayo masjidkiisa iyo bulshadiisuba.

"Waxaan ka hadlaynaa tirooyin aad u sarreeya," ayuu yidhi. "Waxaan ka hadlaynaa haween waddada lagu candhuufayo. Waxaan ka hadlaynaa haween xijaabkii laga jiiday."

"Boggayaga Facebook wuxuu ahaan jiray mid leh shan ilaa toban faallo. [Hadda] waxaan helnaa kun iyo ka badan oo faallooyin ah oo ah kuwa ugu xun, uguna midab-takoorka badan. Dadku waxay dareemayaan inay awood leeyihiin sababtoo ah siyaasiyiinta sida Pauline Hanson ayaa suurageliyay in midab-takoorka noocan ahi uu baahdo oo uu caadi noqdo."

Khubaradu waxay sheegayaan in aan arrinta si dhab ah loola macaamilin.

"Bal qiyaas [haddii Hanson] ay isla waxaas ku dhihi lahayd Yuhuudda Australia in aysan jirin Yuhuud wanaagsan oo ku sugan Australia," ayuu yidhi Dr Zouhir Gabsi, oo ah bare sare oo ku takhasusay barashada Carabiga iyo Islaamka ee jaamacadda Deakin. "Waxaa jiri lahaa falcelin aad u weyn."

Kheir wuxuu ku raacsan yahay in aan wax ku filan la qaban si loo xakameeyo midab-takoorka.

"Cabsida aan qabo ayaa ah in Pauline Hanson iyo hadaladeeda kicinta ahay saameyn weyn ku leeyihiin xisbiyada Labor-ka iyo Liberal-ka, taas oo ka dhigaysa inay aad uga cabsadaan inay difaacaan bulshada Muslimka ah, sababtoo ah waa is-dil siyaasadeed iyaga u gaar ah," ayuu yidhi. "Markaa waxaa naloo daayay inaan nafteena difaacno."

Saameyn isbiirsatay

Horraantii bishan magaalada Ballarat ee dalka Australia, nin isku sheegay inuu yahay "midigta-fog" ayaa la sheegay inuu u hanjabay carruur ku sugnaa bannaanka hoolka bulshada halkaas oo Muslimiintu ku afurayeen. Ninkii ayaa u soo gudbay gudaha hoolka isagoo ku qaylinayay hadallo midab-takoork ah laakiin, si muran dhalisay, markiiba lama xirin loomana dacwayn.

Maalmo ka dib, isla magaaladaas, nin ayaa si midab-takoor ah u caayay shaqaale farmashiye, isagoo ku qaylinayay hadallo Islaam nacayb iyo midab-takoor ah oo ay ka mid ahaayeen "ku noqo meeshii aad ka timid".

Sida uu sheegay Malik, oo ah Ergayga Gaarka ah ee ka hortagga Islaam nacaybka, weerarradan dhammaantood waxay leeyihiin saameyn isbiirsatay.

"Saameyn kasta waxay xoojinaysaa dareenka ah in aqoonsiga Muslimka aan la soo dhoweyneyn, uuna qayb ka ahayn nolosha bulshada Australia," ayuu yiri toddobaadkii hore. "Tani waxay leedahay khatar weyn oo ah inay wiiqdo sharcinimada hay'adaha iyo isku duubnida bulshada."

Gamel Kheir,
Qoraalka sawirka, Gamel Kheir,

Isagoo dib ugu soo laabtay waddooyinka Lakemba toddobaadkii hore, Kheir wuxuu si deggan u agaasimayay afurka ballaaran. Markii qorraxdu dhacday oo la addimay, safafkii ayaa batay - cuntadiina si degdeg ah ayay u dhammaatay.

Intii lagu jiray fiidkaas, Kheir wuxuu ahaa mid aan ka gaban shaqada weyn ee uu gacanta ku hayay. Mana uusan ka quusan Australia sidoo kale.

"'Caddaalad u siman dhammaan' (The fair go for all) waxay ahayd hal-ku-dheggii Australia," ayuu yidhi. "Nasiib darro, waxaan rumeysanahay in Australia ay qaaday dhabihii waddamada badankood ee Reer Galbeedka halkaas oo aad ku arkayso qalalaasaha aqoonsiga; halkaas oo tartankii u badnaa 50, 60 ama 100 sano ka hor uu isku dayayo inuu mar kale is-muujiyo isagoo dhib u geysanaya dadka laga tirada badan yahay."

Sida ku saabsan himilada kala duwanaanshaha Australia? Waa fikrad ka luntay dad badan oo ka tirsan bulshada Muslimka ah.

"Dhaqamada badan (Multiculturalism) waa erey siyaasiyadeed," ayuu yiri Dr Zouhir Gabsi.

"Dhaqamada badan ee Australia waa ku fiican yihiin markaad wadaageysaan cunto, laakiin markaad shaqo codsanayso, waxaad had iyo jeer u muuqanaysaa qof soo galooti ah."