Shabakado tahriibiya qudhaanjada oo faro kulul ku haya Kiiniya

Xigashada Sawirka, KWS
Muwaadin u dhashay Shiinaha ayaa lagu xidhay garoonka ugu weyn Kenya, iyadoo lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyo in ka badan 2,000 qudhaanjo ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Zhang Kequn ayaa lagu qabtay intii lagu jiray baadhitaan amni oo ka dhacay Jomo Kenyatta oo ku yaalla caasimadda Nairobi, kaddib markii mas'uuliyiintu ka heleen shandaddiisa tiro badan oo quraanyo nool ah oo loo waday dalka Shiinaha.
Weli kama uusan ka jawaabin eedeymaha loo jeediyay, balse baarayaashu waxay maxkamadda u sheegeen in uu xiriir la lahaa shabakad ka ganacsata quraanyada, taas oo sannadkii hore lagu burburiyay gudaha Kenya.
Noocan qudhaajada ah waxa lagu ilaaliyaa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta kala-duwanaanta noolaha, waxaana ganacsigooda si adag u xakameeya sharciyo gaar ah.
Sannadkii hore, Waaxda Duurjoogta ugu qaybsan Kenya ayaa ka digtay in ay sii kordhayso baahida loo qabo quraanyada noocan ah, kuwaas oo cilmi ahaan loo yaqaan Messor cephalotes, gaar ahaan kuwa laga helo qaaradaha Yurub iyo aasiya, halkaas oo dadka ururiya ay u dhaqdaan sidii xayawaannada dab-joogta ah.
Dacwad-ooge ka tirsan dawladda ayaa Arbacadii maxkamadda u sheegay in Zhang uu quraanyada qaar ku riday tuubooyin tijaabo, halka kuwa kalena lagu qariyey duubabka waraaqaha suulliga loo isticmaalo oo lagu dhex qariyey shandaddiisa.
"Gudaha shandaddiisa gaarka ah waxaa laga helay 1,948 qudhaanjo ah oo lagu xidhxidhay tuubooyin yaryar," ayuu dacwad-oogaha Allen Mulama u sheegay maxkamadda.
"Waxaa kale oo laga helay 300 oo quraanyo nool ah oo lagu qariyey saddex duub oo waraaqo ah oo ku jiray shandadda," ayuu intaas ku daray.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dacwad-ooguhu wuxuu maxkamadda ka codsaday in qalabka elektaroonigga ah ee eedaysanaha oo ay ku jiraan telefoonkiisa iyo laptop-kiisa lagu sameeyo baaritaan farsamo.
Dhanka kale, Duncan Juma, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Duurjoogta Kenya, ayaa u sheegay BBC in xiritaanno kale la filayo, maadaama baarayaashu ay ballaarinayaan baaritaanka ku saabsan magaalooyin kale oo Kenya ku yaalla halkaas oo lagu tuhunsan yahay in weli laga wado ururinta quraanyada.
Bishii May ee sannadkii hore, maxkamad ku taalla Kenya ayaa afar nin ku xukuntay hal sano oo xabsi ah ama ganaax dhan $7,700 (£5,800), kaddib markii lagu qabtay iyaga oo isku dayaya in ay si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyaan kumannaan qudhaanjo ah oo jaadkeedu layaab yahay. Kiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah.
Afarta eedeysane laba u dhashay Belgium, mid u dhashay Vietnam, iyo mid Kenyaan ah ayaa qirtay dambiga kaddib markii la xiray. KWS waxay ku tilmaantay "howlgal isku dubbaridan oo ku saleysan sirdoon."
Labada nin ee u dhashay Belgium ayaa maxkamadda u sheegay in ay quraanyadan aadka loo raadiyo u ururinayeen hiwaayad ahaan, isla markaana aysan ogeyn in ay sharci-darro tahay.
Baarayaasha ayaa hadda sheegay in Zhang Kequn uu ahaa maskaxda ka dambeysay shabakaddan tahriibinta quraanyada, balse la sheegay in uu Kenya ka baxsaday sannadkii hore isagoo isticmaalaya baasaboor kale.
Arbacadii, maxkamaddu waxay oggolaatay in dacwad-oogayaashu xabsiga ku hayaan shan maalmood, si ay baarayaashu u sii wadaan baaritaanno dheeraad ah.
Waaxda Duurjoogta ee Kenya oo inta badan caan ku ah ilaalinta xayawaanka waaweyn sida libaaxa iyo maroodiga ayaa go'aankii maxkamadda ee sannadkii hore ku tilmaantay "kiis taariikhi ah."
Quraanyadii la qabtay sannadkii hore waxay ahaayeen nooc xer-u-dhalad ah oo Afrika laga helo, kuwaas oo KWS sheegtay in ay door muhiim ah ku leeyihiin deegaanka, iyadoo ka digtay in ka saaristooda deegaanka ay dhaawici karto caafimaadka ciidda iyo kala-duwanaanta noolaha.
Waxaa la rumeysan yahay in meelaha loo waday quraanyadan ay ahaayeen suuqyada xayawaanka qalaad ee Yurub iyo Aasiya.










