Waa kuma Pete Hegseth? Wariye ilaa xoghaye difaac

Pete Hegseth

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Barnaamij-soo-saarihii hore ee TV-ga Fox News ayaa u muuqda in uu qaab dagaal-yannimo ah u soo bandhigay doorkiisa xilligan uu ku jiro bartamaha dareenka dadweynaha, isagoo ah af-hayeenka rasmiga ah ee dagaalka ka dhanka ah Iiraan.

Waxaa laga joogaa in ka badan laba toddobaad tan iyo markii Mareykanku uu bilaabay hawlgalka "Operation Epic Fury" -oo ah olole weyn oo Iiraan lagaga sifeynayo gantaallaha balastikada ah iyo hammigeeda ay ku horumarinayso hubka nukliyeerka. Waxaa xuddunta arrimahan ku jira Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo sheegay in hawlgalku uu "burburinayo cadowga," oo uu ku sifeeyay "fulayaal argagixiso ah."

Isaga oo jira 45 sano, Hegseth waa xoghayihii labaad ee ugu da'da yaraa taariikhda difaaca Mareykanka. Waxa uu la soo kulmay muranno badan, oo ay ku jiraan in uu si aan ku talagal ahayn ugu dusiyay faahfaahinta weerarada cirka ee Yemen wariye ku jiray barnaamijka wada sheekaysiga ee Signal, iyo eedaymo la xidhiidha hab-dhaqan xumo oo soo baxay xilligii ansixintiisa ee aqalka sare.

Haddaba, waa kuma Pete Hegseth, sidee se ninkii hore uga shaqayn jiray Fox News uu ku noqday Xoghayaha Difaaca Mareykanka?

Af-tahan da' yar

Pete Hegseth

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wuxuu dhashay Juun 1980. Isaga oo ku dhashay gobolka Minnesota, waana curadka saddex carruur ah oo ay walaalo yihiin. Aabihii Brian wuxuu ahaa tababare kubbadda koleyga ee dugsi sare, halka hooyadiis Penelope "Penny" Hegseth ay ahayd la-taliye xirfadeed oo ka soo jeedda qoys masiixi ah oo dhaqanka oo asal-raac ah.

Jaamacadda Princeton ayuu ka bartay cilmiga siyaasadda, isagoo wax u qori jiray majalladda muxaafidka ah ee jaamacadda. Waxa uu markaasba ahaa nin u janjeedha xisbiga Jamhuuriga. Hegseth waxa uu la doodi jiray kooxaha u dooda xuquuqda haweenka iyo LGBTQ, isagoo si adag uga soo horjeeday ilmo-iska-soo-ridka iyo barnaamijyada kala duwanaanshaha bulshada.

Xilligii jaamacadda, Hegseth wuxuu u muuqday mid doorbida jimicsiga iyo layliga ciidanka. Wuxuu isku diiwaangeliyay in uu noqdo arday ciidan ah, isagoo ku biiray ROTC taas oo noqotay go'aan qeexay mustaqbalkiisa. Ka dib markii uu qalin jabiyay 2003-dii oo uu xilligaasi taageere weyn u ahaa dagaalkii Madaxweyne George W. Bush, wuxuu noqday sarkaal ciidanka lugta ah, wuxuuna ka soo shaqeeyay Guantanamo Bay iyo Ciraaq. Ka dib waxaa loo daabulay Afgaanistaan isagoo macallin ka ahaa xarunta ka hortagga kacdoonnada ee Kabul.

Wariye caan ah oo muran badan dhaliyay

Badhtamihii 2010-kii, timaha Pete Hegseth ee dib loo shanleeyay iyo suudhadhkiisa qurxoon waxay noqdeen muuqaal joogto ah oo laga arko Fox News. Wuxuu shaqada ka bilaabay shabakadda 2014-kii, isagoo markii hore ahaa gacan-yare kaddibna noqday soo-jeediye, halkaas oo uu inta badan u isticmaali jiray madasha si uu u muujiyo arrimaha ciidanka iyo askartii hore, isagoo mararka qaarkood taageero u muujin jiray askar lagu xukumay dambiyo dagaal.

Hegseth waxa uu guursaday saddex jeer

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Hegseth waxa uu guursaday saddex jeer

Hegseth wuxuu guursaday saddex jeer ka hor intii aanu gaadhin da'da 40-ka. Sannadkii 2019, Hegseth wuxuu guursaday Jennifer Rauchet oo ahayd soo-saare ka tirsan barnaamijka "Fox and Friends," taasoo noqotay xaaskiisii saddexaad. Wuxuu horay u soo guursaday laba jeer; guurkiisii koowaad wuxuu ku dhammaaday 2009 ka dib markii uu qirtay xidhiidho kale oo qarsoodi ah.

Safarkiisii Pentagon-ka

Siddeed sano oo uu ahaa daadihiyaha barnaamijka ka bixi jitay Fox, ayuu ku soo jiiday indhaha daawade si joogto ah u daawan jiray: Donald Trump. Ka dib markii mar labaad loo doortay madaxweyne, Trump wuxuu Hegseth ka soo saaray TV-ga, wuxuuna u magacaabay Pentagon-ka - go'aankaas oo dad badan yaab ku noqday.

Bishii Januray 2025, Hegseth waxaa xilka u ansixiyay Aqalka Sare, cod aad u yar. Dhegeysiga ansixintiisa waxaa hadheeyay eedaymo la xidhiidha faraxumayn iyo khamri cabid xad-dhaaf ah, kuwaas oo uu labadaba iska fogeeyay. Sidoo kale, aragtidiisa diineed ayaa baaritaan lagu sameeyay, iyadoo dadka qaar ay la xidhiidhinayeen farshaxannada uu jidhkiisa ku xardhay. Dadka qaar ayaa sidoo kale is-weydiiyay inuu leeyahay khibrad uu ku maamulo wasaarad leh miisaaniyad ku dhow $1tn iyo saddex milyan oo shaqaale ah.

Pete Hegseth , 4 January 2025

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

Hegseth wuxuu wajahay dooddiisii ugu horraysay markii wariye si qalad ah loogu daray koox wadahadal ku yeelanaysay madasha Signal ah, halkaas oo uu Hegseth ku soo qoray faahfaahinta weerar lala beegsanayay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Xubno ka tirsan Congress-ka ayaa dalbaday in xilka laga qaado, iyagoo sheegay inuu khatar geliyay ciidanka.

Si kasta ha ahaatee, wuu ku adkaystay shaqadiisa. Wuxuu xoogga saray oo ku dooday in siyaasadaha kala duwanaanshaha ay hoos u dhigeen awoodda dagaal ee Mareykanka. Wuxuu dib u dhisay saldhigyo ciidan, wuxuuna xidhiidhka u jaray jaamacado ay ku jirto Harvard oo uu hore uga qalin-jabiyay.

Af-hayeenka aan raalligelinta aqoon

Iyada oo colaadda Bariga Dhexe ay sii kordhayso ayaa haddana su'aalo laga keenay ku lug lahaanshaha Mareykanka ee weerar lagu qaaday dugsi ku yaalla Iiraan 12-kii March, kaas oo lagu dilay 168 qof. Hegseth, markii ay BBC-du wax ka weydiisay, wuxuu sheegay in Maraykanku aanu beegsan dadka rayidka ah.

Maaddaama uu yahay wejiga rasmiga ah ee hawlgalkii ugu weynaa ee Madaxweyne Trump, xirfaddiisa warbaahineed ayaa si weyn u soo baxday. Isagoo adeegsanaya luuqad ka duwan kuwii ka horreeyay, Hegseth wuxuu isu soo bandhigayaa sidii nin u taagan awoodda ciidan ee Mareykanka.

"Wuxuu u hadlaa si geesinnimo iyo ragganimo ka muuqato, taasna waa qayb ka mid ah sawirka uu dadka ka rabo in laga rumeysto," ayuu yiri Matthew Walling oo madax ka ah xarun cilmi-baadhiseed, isagoo raaciyay in kalsoonida Hegseth ay soo jiidan karto dadka Maraykanka ee raadinaya xaqiiqada.