Laba shil diyaaradeed ayaa dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Diyaarad militari oo C-130 Hercules oo sidday 125 qof ayaa ku burburtay Colombia, waxaana ku dhintay 34 qof. Magaalada New York ee dalka Mareykanka, Diyaaradda Air Canada ee AC8646 ayaa habeennimadii Axadda ku dhacday garoonka diyaaradaha ee LaGuardia, waxaana ku dhintay labo duuliye, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Tani waa shil diyaaradeed kii ugu dambeeyay ee isdaba jooga ah oo dhimasho keenay. Baroor diiq ayaa ku baahday dalka Hindiya oo dhan ka dib shilkii dhimashada badnaa ee ka dhashay diyaaraddii Air India ee ku sii jeedday London oo ay saarnaayeen 242 qof. Diyaaradda ayaa burburtay maalintii Khamiista, June 12, 2025, wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad ee galbeedka Hindiya.
Masiibadan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in 204 meyd ah la soo saaray. Ilaa iyo hadda lama oga tirada dadka nool iyo kuwii goobta ku sugnaa ee shilku ka dhacay, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo inta uu la egyahay khasaaraha. Diyaaradda ayaa ku burburtay dhismo loo isticmaali jiray guri iyo isbitaal, iyadoo dadkii ka badbaaday diyaaradda ay ku tilmaameen qaar ka mid ah dadkii badbaaday inay ka boodeen daaqadaha dabaqa labaad.
Rakaabka waxaa ka mid ahaa 169 Hindi ah, 53 British ah, 7 Boortaqiis ah, iyo 1 Canadian ah. Shilalkan ugu dambeeyay waxay kordhinayaan liiska dheer ee dhacdooyinka naxdinta leh ee taariikhda duulista, iyagoo xusuusinaya adduunka khatarta weli jirta inkastoo la gaaray horumarka weyn ee warshadaha.
Marka laga soo tago shilalkan, kuwani waxay ka mid yihiin shanta shil ee diyaaradeed ee ugu xun caalamka, sida laga soo xigtay mareegaha kala duwan ee Cartoskills iyo PTC News.