Suudaanta Koofureed: 'Dab ayaa samada ka yimid kadibna gubay iyaga' - Nolosha qarka u saaran dagaalka sokeeye

Nyawan Koang
    • Author, Kalkidan Yibeltal
    • Role, BBC Africa
    • Reporting from, Jonglei, South Sudan
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Kumannaan qof ayaa ka cararay magaalada Akobo iyo deegaanno ku xeeran gobolka Jonglei, halkaas oo ciidammada dowladdu ay sheegayaan in ay kordhiyeen duqeymaha si ay gacanta ugu soo dhigaan cadowgooda.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa Qaramada Midoobay ay ka digtay in Suudaanta Koonfureed ay mar kale cagaha la gasho dagaal sokeeye oo buuxa, iyadoo ah dalka ugu da'da yar adduunka.

Nyawan Koang oo 30 jir ah iyo shanta carruurta ah ee dhashay laba maalmood ayay socdeen si ay u gaadhaan tuulada boodhka iyo habaaska badan ee Duk, iyaga oo ka cararay degmada fog ee Ayod, halkaas oo dagaallo u dhexeeya ciidammada dawladda iyo mucaaradku ay socdeen tan iyo bilowgii sannadka.

Nyawan ayaa BBC-da u sheegtay in ay "ku dhex socdaaleen labada dhinac ee dagaalamaya: SPLA-IO iyo ciidanka dawladda." Xoogag Riek Machar taageersan oo SPLA-IO ka tirsan ayaa qabsaday magaalooyin badan, halka ay dawladdu si xooggan uga jawaabtay.

Qoyska Nyawan ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah; waalidkeed ayaa gubtay markii guri yar oo saqafkiisu ka samaysnaa caws la garaacay. Iyaga iyo qoysaskooda ayaa ka mid ah in ka badan 280,000 qof oo ka barakacay dagaallada ugu dambeeyey. Kumannaan ayaa ku sugan Duk, halkaas oo hay'adaha gargaarku ay siinayaan cunto, daawo iyo gargaar kale oo aasaasi ah.

Haddii aan isbeddel siyaasadeed la samayn, nolosha dadka badan ayaa khatar geli doonta ama gabi ahaanba burburi karta.

Khariirad muujinaysa caasiamdda Juba iyo gobolka Jonglei

Dagaal u dhexeeya ciidammada taageersan Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa markii hore bilowday 2013-kii, labo sano uun ka dib madax-bannaanidii dalka. Heshiis nabadeed oo la galay 2018-kii ayaa dhammeeyey dagaalkii sokeeye ee dilay ku dhawaad 400,000 qof, balse weli si buuxda looma hirgelin, xidhiidhkooda wuu sii adkaaday iyada oo ay jiraan xiisado qowmiyadeed iyo rabshado kala duwan.

Tirada rasmiga ah ee dadka rayidka ah iyo dagaalyahanada ku dhintay colaadda cusub lama oga, balse Qaramada Midoobay ayaa bishii Janaayo oo kaliya diiwaangelisay 189 dhimasho rayid ah. Volker Türk, madaxda Qaramada Midoobay xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in rayidka ay la kulmayaan "weeraro aan kala sooc lahayn oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah, dilal ula kac ah, afduub, iyo tacaddiyo galmo oo la xiriira colaadda."

Qaar ka mid ah weerarada rayidka ayaa u muuqda kuwo ula kac ah. Dowladda ayaa qiratay in toddobaadkii ugu dambeeyey Febraayo in ka badan 20 rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo waayeel lagu dilay Ismaaulka Ayod markii ciidammada dowladdu ay qabsadeen magaalada. Saraakiisha ciidammada ayaa la geyn doonaa maxkamad ciidan.

Xilligan, xidhiidhka Kiir iyo Machar wuu sii xumaaday; Machar waa la eryey, xaaskiisii iyo wasiiradda arrimaha gudaha Angelina Teny ayaa sidoo kale xilka laga qaaday, taasi oo taageerayaashuna u arkaan mid siyaasadeed islamarkaana ka hor imaanaysa heshiiskii awood qaybsi ee Suudaanta Koonfureed.

'Dhibaato xoog leh ayaa na gaadhay'

Sida dad badan oo magangelyo iyo caawimaad u soo raadsaday tuulada Duk, Hoth Wan Kornyom, oo ah hoggaamiye bulsho iyo aabbe toddoba caruur ah dhalay, ayaa ehelkiisa ku waayay rabshadaha.

Walaalkiis ayaa lagu dilay rasaas, gurigiisina waa la gubay. Intii dadka deegaanka ee degmada Uror ka cararayeen colaadda, wuxuu xusuustaa in qaar ka mid ah waalidiinta ay kala tageen caruurtooda, welina lama oga haddii la isku soo celiyey.

Hoth Wan Kornyom
Qoraalka sawirka, Hoth Wan Kornyom says parents and children were split apart in the chaos
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Neyasebit oo 27 sano jir ah kana tagtay Uror una soo gudubtay Duk, ayaa sheegtay in labo adeeradeec ah iyo walaalkeed iyada ka yaraa lagu dilay duqeymo cirka ah. Waxay tilmaantay in ay "guriga joogeen" oo aanay dagaalyahanno ahayn.

Waxay BBC u sheegtay, "Wax badan ayaan la kulannay. Taasi waa sababta aan uga cararnay," waxaana ay ku doooday in labada dhinacba ay geysteen weerarrada noocan ah oo kale ah.

Soo noqoshada rabshadaha ee Jonglei waxay sii xumaysay baahiyaha bini'aadantinimo ee gobolka. Sida ay sheegtay WFP, 60% dadka ku nool Jonglei, oo gaadhaya laba milyan, ayaa la halgamaya gaajo. Guud ahaan Suudaanta Koonfureed, 10 milyan oo qof oo ka mid ah 14 milyan ayaa u baahan gargaar cunto.

Adham Affandy, agaasimaha ku meel gaarka ah ee WFP South Sudan, ayaa BBC u sheegay in dalka uu yahay "mid ka mid ah meelaha ugu adag adduunka ee lagu bixiyo gargaar bini'aadantinimo," isagoo xusay i ay ugu wacan tahay colaadaha, masiibooyinka dabiiciga, rabshadaha, xasillooni-darrada dhaqaale iyo caqabadaha gaadiidka.

Laakiin dhibka ugu weyn waa amni-darrada. Markii rabshadahu bilowdeen Janaayo, hay'adaha badankood ayaa ka baxday goobaha dagaalka, kaddibna ku soo laabtay markii xaaladdu degtay. Bishaan, ciidammada ayaa hay'adaha gargaarka iyo qiyaastii 50,000 rayid ah ka eryay degmada Akobo, oo ah saldhigga xoogagga SPLA-IO, iyagoo qorsheynayay weerar "heer labaad ah".

Tan iyo markii Koonfurta Suudaan xornimada qaadatay 2011-kii, dalka ayaa la tacaalay dagaallo isdaba joog ah, sidoo kale waxa uu saameyn ku yeeshay xasilooni-darrada gobolka. Saddexdii sano ee la soo dhaafay, in ka badan hal milyan oo qof ayaa ka soo tallaabay xuduudaha dalka dariska ah ee Suudaan, halkaas oo dagaal sokeeye oo ba'an uu ka socdo.

Dadka qaar ayaa cabsi ka qaba in heshiiskii awood-qaybsiga 2018-kii oo keenay xasilooni kopban uu burburi karo. Affandy ayaa sheegay, "Dadka Suudaanta Koonfureed ay daallan yihiin. Waxay doonayaan nabad."