Mareykanka oo dalalka qaar waajib uga dhigaya inay fiisaha ku bixiyaan dammaanad $15,000 ah

Xigashada Sawirka, REUTERS/Dado Ruvic
Muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump u uku waajibinayaa inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.
Sarkaalka diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 12 dal lagu darayo liis horey uga koobnaa 38 dal oo kale, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.
Barnaamijka dammaanadda fiisaha ee la ballaariyay ayaa ku khasbaya ajaanibta inay bixiyaan $15,000 si ay u helaan fiisaha nooca B1 ama B2 oo kala ah (ganacsiga iyo dalxiiska), ayaa dhaqan galaya 2-da Abriil. Ujeeddadu waa in laga hortago in dadka booqanaya dalkaasi ay ka badsadaan joogitaanka muddada fiisahooda, ayuu yiri sarkaalka.
Dalalka cusub ee lagu daray barnaamijka dammaanadda fiisaha waa: Cambodia, Itoobiya, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles, iyo Tunisia.
Sarkaalka ayaa sheegay in lacagta dammaanadda dib loogu celin doono dadka fiisaha hela haddii ay si waafaqsan shuruudaha fiisaha u raacaan oo ugu laabtaan dalkooda, ama haddii aysan marka horeba safrin.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa hirgeliyay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah, oo ay ka mid yihiin masaafurin balaaran, baabi'inta fiisooyinka iyo kaararka cagaaran, iyo baaritaanka qoraallada baraha bulshada iyo hadaladii ay horay u jeediyeen muhaajiriinta.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay siyaasadaha socdaalka iyo safarka ee Trump, iyaga oo sheegay inay xaddidayaan dammaanadaha cadaaladda iyo xorriyadda hadalka. Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in siyaasadahaasi ay hagaajinayaan amniga gudaha Maraykanka.
Bishii Juun ee la soo dhaafay, wuxuu soo saaray xayiraad safar oo si buuxda ama qayb ahaan uga mamnuucday muwaadiniinta 19 dal inay galaan Mareykanka sababo la xiriira amniga qaranka.
Sarkaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee diiday magaciisa la xuso ayaa sheegay in barnaamijka dammaanadda fiisaha uu hoos u dhigay tirada dadka ka badsada joogitaankooda Maraykanka muddada fiisahooda.
Dalalkii hore marka laga reebo kuwa cusub ayaa gaarayay 38-da dal iyada oo magacyada liiskooda ay kamid ahaayeen dalalka Algeria, Angola, Antigua iyo Barbuda, Bangladesh, Benin, Bhutan, Botswana, Burundi, Cabo Verde, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Côte d'Ivoire, Cuba, Djibouti, Dominica, Fiji, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Kyrgyzstan, Malawi, Mauritania, Namibia, Nepal, Nigeria, Sao Tome iyo Principe, Senegal, Tajikistan, Tanzania, Togo, Tonga, Turkmenistan, Tuvalu, Uganda, Vanuatu, Venezuela, Zambia, iyo Zimbabwe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bartamihii sannadkii aynu soo dhaafnay Donald Trump ayaa saxiixay go'aan uu kaga mamnuucayo inay u safraan Maraykanka muwaadiniinta 12 dal, sababo laxiriira khataraha amniga qaranka, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Dalalkaasi ayaa kala ahaa Afghanistan, Myanmar, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.
Isla wakhtigaasi Maamulka Trump ayaa xayiraado qayb ahaana kusoo rogay muwaadiniinta toddoba dal oo kale kuwaas oo kala ah Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.
Waxa uu Maraykanku sheegay wakhtigaasi in dadka u safraya Maraykanka ay la kulmi doonaan baaritaano amnio o adag ama gabi ahaanba loo diido gelitaanka dalkaasi, marka laga reebo xaalado gaar ah oo xaddidan.
Bartamaha sannadkan 2026, Maraykanka waxaa ka furmaya koobka aduunka oo ay muwaadiniinta dalal badan ay kasoo qayb galayaan daawashada ciyaaraha heerka calami, waxaase dad badan ay ka cabsi qabaan mamnuucitaanka, baaritaanada iyo adkaansho ku yimaada dalabka fiisaha ay adkayn doonto in dad badan ay u sahlanaanto galitaanka dalkaasi.













