Sidee sirdoonka Mossad ku ogaadeen halka uu ku suganaa hogaamiyahii Iiraan Khamenei?

Cali Khamenei

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

In ka badan toddobaad ka dib dilkii Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo lagu dilay weerar wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa'iil, weli waxaa jira su'aalo muhiim ah oo ku saabsan sida loo ogaaday goobta uu ku sugnaa, iyo sidoo kale ujeeddooyinka dagaalkan.

Rami Igra, oo hore uga tirsanaa saraakiisha sare ee Mossad, ayaa u sheegay BBC in teknoolojiyadda internet-ka iyo qalabka dijitaalka ah ay door weyn ka ciyaaraan howlaha sirdoonka.

Dagaalka bilaabmay kadib dilkii Ayatollah Ali Khamenei ee howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen Mareykanka iyo Israa'iil Sabtidii hore ayaa weli sii fidaya, wuxuuna maalin kasta yeelanayaa wejiyo iyo dhinacyo cusub. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahin badan oo ku saabsan howlgalkaas weli ma cadda.

Waxaa ka mid ah sida Mareykanka iyo Israa'iil ku ogaadeen goobta uu ku sugnaa Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo sidoo kale ujeeddooyinka ay Israa'iil ka leedahay dagaalkan iyo ilaa heerka ay suuragal tahay in la gaaro ujeeddooyinkaas.

Kasra Naji oo ka tirsan BBC kuna sugan Tel Aviv ayaa su'aalahan u gudbiyay Rami Igra, oo hore uga tirsanaa saraakiisha sare ee Mossad, hay'adda sirdoonka iyo basaasnimada ee Israa'iil.

Doorka tignoolajiyada ee ururinta macluumaadka

Mr. Igra wuxuu sheegay in dunida maanta tiknoolojiyadaha horumarsan ay u suurtageliyeen hay'adaha sirdoonka inay ururiyaan xog aad u badan, xitaa xog ay dadka u arkaan mid gebi ahaanba gaar ah.

"Maanta qofna uma baahna inuu gujiyo link ama uu sameeyo wax ficil ah," ayuu yiri. "Hay'adaha sirdoonka waxay jabsan karaan taleefannada gacanta, waxay dhageysan karaan codadka meelo kala duwan, marar badanna xitaa way qaadi karaan sawirro. Ururinta xogta sirdoonka hadda waxay si weyn ugu tiirsan tahay qalabka internet-ka iyo tiknoolojiyadaha horumarsan."

Sida uu sheegay, gelitaanka shabakad ka kooban kamarado iyo qalab Dijitaal ah oo ku yaal magaalo sida Tehran ma aha hawl farsamo oo aan caadi ahayn oo waa mid sahlan.

Madmadow iyo shaki ku xeeran sida loo duubay sawirka meydka

Rami Igra ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la caddayn sida loo helay sawirka meydka Ayatollah Khamenei ee Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil uu sheegay inuu arkay.

"Waxaa suurtagal ah in sawirkan lagu helay hawlgal dhanka tiknoolajiyadda Internet-ka ah ama in qof bini'aadam ah oo xog-ogaal ah uu goobta joogay oo uu sawirka qaaday," ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan caddayn sababta hoggaamiyaha Iran uu gurigiisa u joogay waqtiga weerarku dhacay. Wuxuu sheegay in Mr. Khamenei laga yaabo inuu dareemay ammaan oo uu u malaynayay inuusan noqon doonin bartilmaameedka weerar noocaas ah.

Maxay noqon karaan yoolalka dagaalka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Rami Igra ayaa sii waday hadalkiisa isagoo ka hadlay ujeeddooyinka dagaalkan, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in isbeddel nidaam (regime change) oo ka dhaca Iran uu suuragal yahay oo keliya haddii ay jiraan shuruudo gaar ah.

Wuxuu sheegay in si kacaan u dhaco ay lagama maarmaan yihiin saddex arrimood: dhaqdhaqaaq ballaaran oo dadweyne, awood lagu wajaho dowladda iyadoo hub la adeegsanayo, iyo jiritaanka hoggaan cad. Sida uu sheegay, saddexdan arrimood hadda kama muuqdaan Iran.

Sida uu sheegay sarkaalkan hore ee Mossad, haddii isbeddel siyaasadeed ka dhaco Iran, waxay u badan tahay inuu noqdo geeddi-socod dheer oo tartiib tartiib u socda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeddooyinka dagaalkan ay u badan tahay inay noqdaan kuwo xaddidan, su'aasha muhiimka ahna ay tahay goorta dowladda Mareykanku ku dhawaaqi doonto inay gaartay ujeeddooyinkeeda.

Rami Igra wuxuu kaloo sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil uu filayo in horumarrada gudaha Iran ay dedejiyaan arrimaha, balse hirgelinta xaalad noocaas ah ay ku xiran tahay dhowr arrimood.

Wuxuu intaas ku daray in haddii khasaaraha ciidamada Mareykanka ee dagaalkan kordho, cadaadiska gudaha ee ka jira Mareykanka ee lagu doonayo in la soo afjaro dagaalkan uu sii kordhi karo.