You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraakiib sheegay in 'rasaas ay kusoo rideen' doonyaha hubka ee Iran iyadoo Tehran ay mar kale xirtay marin biyoodka Hormuz

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Iiraan iyo Mareykanka kuwaas oo ku saabsan qodobbada saldhigga u ah gaarista heshiis nabadeed oo ka dhex dhaca labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Kabtanka ku go'doonsan markabka ayaa sheegay in shaqaaluhu ay rajeynayaan 'in ay ku laabtaan guryahoodii'

    Kabtan Raman Kapoor ayaa ku xanniban, isaga iyo 23 xubnood oo ka tirsan shaqaalihiisa, markab shidaal qaada oo ku dhow marinka Hormuz tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

    Wuxuu u sheegay barnaamijka Weekend ee BBC n shaqaalihiisu ay la dareemayaan “dareenno isku dhafan” tan iyo markii dagaalku bilaabmay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay toddobaadyadii u dambeeyay si joogto ah u arkeen gantaallo iyo qarax ka dhacay meel u dhow markabkooda.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray inay si dulqaad leh oo xirfad leh u sugayeen xaaladda.

    “Waxaan rajeynaynaa inaan dib ugu laaban doono guryaheena,” ayuu yiri.

  2. wasiir ka tirsan Iran: Iran diyaar uma aha inay wadahadalo dheeraad ah la yeelato Maraykanka,

    Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in dalkiisu uusan diyaar u ahayn wareeg cusub oo wadaxaajoodyo fool-ka-fool ah oo uu la yeesho Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

    Sababtuna ayuu wasiirka ku sheegay inay tahay in Washington aysan diyaar u ahayn inay ka tanaasusho waxa uu ku tilmaamay dalabyo “xad-dhaaf ah” oo ku saabsan arrimo muhiim ah.

    Saeed Khatibzadeh ayaa sidoo kale AP u sheegay in Tehran aysan u wareejin doonin uranium-keeda la kobciyay Mareykanka, isagoo arrintaas ku tilmaamay “mid aan suurtagal ahayn”, inkastoo hadallo ka duwan uu Jimcihii sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Khatibzadeh wuxuu sheegay in xiriir uu jiray oo u dhexeeya labada dhinac, balse Iran ay rabto in marka hore la dhammeeyo “heshiis qaab-dhismeed”ka hor inta aan la gelin wadaxaajoodyo toos ah.

    Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu u baahan yahay inuu “fahmo oo wax ka qabto walaacyada ugu waaweyn” ee Iran, oo ay ka mid yihiin cunaqabateynta lagu soo rogay dalka.

    Horaantii maanta, Trump ayaa sheegay in ay socdaan “wada hadallo aad u wanaagsan” oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

  3. Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran: Waxaan darseynaa soo jeedinno cusub oo ka timid Mareykanka.

    Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran (SNSC) ayaa maanta ku dhawaaqay in dalka uu daraasad ku samaynayo “soo-jeedimo cusub” oo ka yimid Mareykanka, isagoo sidoo kale ka digay in wadahadallada Iran aysan wax tanaasul ah u samayn doonin Washington.

    War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray oo lagu daabacay warbaahinta rasmiga ah ayaa lagu yiri: “Maalmihii u dambeeyay, iyadoo taliyaha ciidanka Pakistan uu ku sugnaa Tehran oo dhexdhexaadin ka ah wadaxaajoodyada, Mareykanku wuxuu soo bandhigay soo-jeedimo cusub, kuwaas oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay hadda daraasad ku hayso, welina jawaab kama bixin.”

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wafdiga wadaxaajoodyada Iran “uusan sameyn doonin wax tanaasul ah, dib u gurasho, ama heshiis dhexdhexaad ah, isla markaana uu si buuxda u difaaci doono danaha shacabka Iran.”

    Soo bandhigista soo-jeedimahan cusub ayaa timid saacado kadib markii Iran ay ku dhawaaqday inay dib u xidhay marinka Hormuz, iyadoo jawaab u ah xayiraadda joogtada ah ee Mareykanka ku hayo dekedaheeda. Tani waxay keentay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga digto Washington isku day kasta oo “caburin” ah.

    Golaha Sare ee Amniga Qaranka ayaa sheegay in “Iran ay go’aansatay inay si buuxda u maamusho oo u kormeerto maraakiibta mara marinka Hormuz ilaa dagaalku gebi ahaanba ka dhammaanayo,” isagoo xusay in xayiraadda Mareykanka ay ka hortagayso xitaa “furitaan xaddidan oo shuruudo ku xiran.”

  4. Tehraan ayaa ugu baaqday Ururka Iskaashiga ee Shanghai inuu cambaareeyo weerarada Israel iyo Mareykanka ee Iran

    Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa ugu baaqday Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) inuu cambaareeyo weerarradii dhowaan ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

    Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA ayaa sheegtay in Mohammad Rasoul Jafari, wakiilka joogtada ah ee Iran u fadhiya SCO, uu codsigan u gudbiyay isagoo ku hadlaya magaca Tehran.

    Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) wuxuu leeyahay 10 xubnood oo rasmi ah, kuwaas oo ay ku jiraan Iran, Pakistan, iyo Belarus. Afghanistan iyo Mongolia waa xubno kormeere ah, halka 16 dal—oo ay ka mid yihiin Turkey, Azerbaijan, Masar, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta—ay yihiin “la-hawlgalayaal wada-hadal” ee ururka.

    Doorka ururkan badanaa waa mid astaan uun ah , balse wuxuu siinayaa hoggaamiyeyaasha fursad ay ku muujiyaan aragtiyahooda iyo dhaliilaha ay wadaagaan.

  5. Hindiya:Laba markab oo calanka Hindiya sita ayaa ku lug lahaa 'shil toogashada' oo ka dhacay Strait - wasaaradda arrimaha dibadda

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dhacdo rasaas ah oo galinkii hore ee Sabtidii uga dhacday laba markab oo sita calanka Hindiya kuwaas oo marayay marinka Hormuz.

    War uu soo saaray, Misri wuxuu ugu baaqay Iran inay dib u bilowdo fududeynta maraakiibta u socda Hindiya si ay uga gudbaan marinka si nabad ah.

    Tani waxay daba socotaa warbixinno ka yimid haya'adda badaha UK ee (UKMTO) oo sheegtay in saddex markab—mid shidaal sida, mid xamuul ah, iyo mid rakaab ay dhammaantood soo sheegeen dhacdooyin ka dhacay xeebaha Cumaan Sabtidii.

  6. Safiirka Iran u fadhiya Hindiya ayaa looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa u yeertay safiirka Iran, waxayna muujisay walaac weyn oo ay ka qabto rasaasta lagu furay laba markab oo sita calanka Hindiya kuwaas oo marayay marinka Hormuz.

    Iyadoo tixraacaysa in Iran horey u siisay marin ammaan ah dhowr markab oo u socday Hindiya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa safiirka Iran ka codsatay inuu aragtida dowladdiisa u gudbiyo mas’uuliyiinta Iran, isla markaana dib loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan fududeynta maraakiibta u socda Hindiya inay si nabad ah uga gudbaan marinka Hormuz.

    Waxaa horey loo sheegay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC) ay ku qasbeen laba markab oo Hindi ah oo marayay galbeedka marinka Hormuz inay dib u laabtaan.

    Website-ka Tanker Trackers, oo la socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka, ayaa sheegay in dib u noqoshadaas lagu qasbay ay la socotay “rasaas la furay.”

  7. Dhacdooyiinkii ugu waawaynaa ee maanta ka dhacay marinka hurmuz

    Weerar maraakiibta Laba doon oo dagaal oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa rasaas ku furay markab shidaal sida marayay marinka Badda ee Hormuz, sida ay sheegtay hay'adda badaha UK ee UKMTO). Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay bad qabaan.

    Markab xamuul oo konteenarro sida ayaa sidoo kale waxaa ku dhacay “gantaal aan la garanayn” meel 25 mayl-badeed u jirta waqooyi-bari Cumaan, taas oo waxyeello gaarsiisay qaar ka mid ah konteenarradii, ayay UKMTO sheegtay.

    Marinka Hormuz Golaha Amniga Qaranka Sare ee Iran (SNSC) ayaa sheegay inuu “go’aansaday” inuu gacanta ku hayo marinka ilaa dhammaadka dagaalka.

    Tani waxay timid kadib markii IRGC ay sheegtay in marinku “ku laaban doono xaaladdiisii hore”, iyadoo ciidamada qalabka sida ay si buuxda u maamulayaan aagga.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin inay Iran “ caburiso” Mareykanka.

    Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay inuu celiyay 23 markab tan iyo markii uu bilaabay xayiraadda badda 13-kii April.

    Golaha qaranka Iiraan ayaa xayiraadda ku tilmaamay mid jebinaysa heshiiska xabbad-joojinta.

    Lubnaan

    Askari Faransiis ah oo ka tirsanaa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa la dilay, sida uu sheegay Madaxweyne Emmanuel Macron. Wuxuu tilmaamay in Hisbullah ay mas’uul ka tahay, balse kooxda Iran taageerto ayaa beenisay eeddaas.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay dhiseen xariiq amni oo loo yaqaan “yellow line” ama khadka cagaaran oo ku taal koonfurta Lubnaan, isla markaana ay duqeeyeen “argagixiso” ku soo dhowaaday askartooda.

  8. Milateriga Israa'iil oo markii ugu horreysay sheegay 'khadka jaalaha ah'oo amman ay ka hirgalinayaan Lubnan

    Militariga Israa'iil ee (IDF) ayaa sheegay in ay sameeyeen waxa ay ugu yeereen “khad jaalle ah” oo ah xuduud amni oo ka hirgalaysa koonfurta Lebanon.

    Tani waa markii ugu horreysay ee IDF ay si rasmi ah uga hadasho xuduud noocan ah tan iyo markii xabbad-joojin dhex martay Israa’iil iyo Hisbullah ay bilaabatay habeenkii Khamiista, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay in la sameynayo aag amni oo dheerarkiisu yahay 10 km gudaha Lubnaan.

    IDF waxay sheegeen inay duqeysay “dagaalyahanno” ay ku eedeysay inay jebiyeen heshiiska xabbad-joojinta iyagoo uga soo dhowaaday ciidamada Israa’iil dhanka waqooyi ee khadkaas.

    Ilaa hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka.

    Israa’iil waxay sheegtay in askarteedu ay xaq u leeyihiin inay ka falceliyaan khatar kasta xitaa inta lagu jiro xabbad-joojinta.

    Ma jirto jawaab ka timid dhanka Xisbullah ama dowladda Lubnaan.

  9. Trump oo ka hadlay tallaabooyiinkii u dambeeyay ee ay Iran qaaday

    Donald Trump ayaa ka hadlay xaaladda Iran isagoo ku sugan Xafiiska Oval ka hor inta uusan ka jawaabin su’aalaha saxafiyiinta intii lagu guda jiray saxiixa amarro fulineed.

    Wuxuu sheegay in ay jiraan “wada-hadallo aad u wanaagsan oo socda” oo la xiriira Iran, balse wuxuu ku tilmaamay in Iran ay u dhaqmayso “si yar oo kaftan ama xeelad ah sida ay samaynayeen 47 sano ee la soo dhaafay.”

    Trump wuxuu sidoo kale sheegay in hoggaamiyeyaasha Iran ay doonayaan inay xiraan Hormuz, balse Mareykanku uusan oggolaan doonin in la “rakaato iyo caga-jugleyn” lagu sameeyo.

    Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu qaadanayo mowqif adag oo ku saabsan arrintan.

  10. Golaha ammaanka Iran:Iran waxay go'aansatay inay maamusho marin biyoodka ilaa dhamaadka dagaalka,

    Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran, oo ah hay’adda ugu sarreysa amniga dalka, ayaa sheegay telefishinka dowladda in Tehran ay “go’aansatay inay hirgeliso kormeer iyo xakameyn ku saabsan marista maraakiibta ee marinka Hormuz ilaa dhammaadka kama dambaysta ah ee dagaalka iyo hirgelinta nabad waarta oo gobolka ah.”

    Bayaan-ka ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu fulin doono iyadoo la ururinayo xog dhammaystiran oo ku saabsan maraakiibta maraya, la siinayo shahaadooyin oggolaansho safar , iyo in laga qaado lacagaha adeegyada la xiriira marista.

    Tani waxay muujinaysaa in Iran ay dooneyso inay si rasmi ah u nidaamiso oo u maamusho socodka maraakiibta maraya marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta caalamiga ah.

  11. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo dib u celiyay Maraakiib marayay Hurmuz

    Websayt-ka TankerTrackers, oo la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka, ayaa sheegay in ay heleen macluumaad cod ah oo muujinaysa in Ciidamada Badda ee ilaalada kacaanka Iiraan ee (IRGC) ay ku qasbeen laba markab oo Hindiya laga leeyahay oo marayay galbeedka marinka Hormuz inay dib uga noqdaan marinka.

    TankerTrackers waxay sheegtay in dib u gurashadaas ay weheliyay “rasaas la riday.”

    Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale faafisay warbixintan iyadoo soo xiganaysa ilo isku mid ah.

    Sida uu sheegay TankerTrackers, mid ka mid ah maraakiibtaas ayaa ahaa supertanker ka diiwaangashan Hin diya , kaas oo siday ku dhawaad laba milyan oo fuusto oo Shidaal ah oo uu ka soo qaaday Ciraaq.

  12. Markab kuwa Xamuulka ah oo lala eegtay walxaha qarxa meel u dhaw Cumaan

    Waxaan hadda helnay war cusub oo ka yimid ururka badaha UK ee (UKMTO) oo ku saabsan dhacdo ka dhacday meel qiyaastii 25 mayl dhanka badda ah u jirta waqooyi-bari ee Cuman.

    Waxay sheegeen in markab xamuul (container ship) lagu dhuftay “walax aan la aqoonsan oo qarax ama gantaal u eg,” taas oo sababtay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah kunteendharada xamuulka ee saarnaa markabka.

    Mas’uuliyiinta ayaa hadda baaritaan ku wada dhacdadan, sida ay sheegtay hay'addaUKMTO.

  13. Iraan oo dib u furtay lix ka mid garoomada diyaaradeed

    Maghsoud Asadi Samani, oo ah xoghayaha ururka shirkadaha diyaaradaha Iran, ayaa sheegay in garoomada diyaaradaha ee Imam Khomeini International Airport iyo Mehrabad Airport ee magaalada Tehran, iyo sidoo kale garoomada Mashhad, Birjand, Gorgan, iyo Zahedan dib loo furay.

    Wuxuu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay isku diyaarinayaan inay bilaabaan duulimaadyo gudaha iyo kuwa caalami ah.

    shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale la faray inay helaan oggolaanshaha lagama maarmaanka ah isla markaana ay la shaqeeyaan hay'adda duulista hawada ee Iran.

    Horey, hay’adda duulista rayidka ayaa ku dhawaaqday in qayb ka mid ah hawada dalka iyo tiro ka mid ah garoomada diyaaradaha dib loo hawlgeliyay laga bilaabo maanta.

    Iyadoo la raacayo go’aankan, marinnada hawada ee qaybta bari ee dalka ayaa loo furay duulimaadyada caalamiga ah.

    Tan iyo bilowgii dagaalka 29-kii Maarso iyo weerarradii ay Israel iyo United States ku qaadeen Iran, hawada dalka ayaa si buuxda loo xiray.

    Intii uu socday dagaalka, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday dhowr garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo Iran ah.

  14. Maraakiibta oo helay fariimo uga imaanaya ciidamada badda ee Iran

    Ilo ka tirsan maraakiibta ganacsiga ayaa u sheegay Reuters in qaar ka mid ah maraakiibta ay heleen fariin raadiyo oo ka timid ciidamada badda Iran, taas oo sheegaysa in Strait of Hormuz mar kale la xiray.

    Ciidamada badda Iran ayaa u sheegay maraakiibta shidaalka qaada (tankers) in aan wax maraakiib ah loo oggolayn inay maraan marinka, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

    Sida aan hore u soo sheegnay, ugu yaraan hal markab oo shidaal qaada ayaa sheegay inuu la kulmay rasaas kaga timid doomaha hubeysan ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) gudaha marinka.

  15. Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran oo soo saaray fariin

    Farriintii ugu dambeysay ee qoraal ah ee loo nisbeeyo Hoggaamiyaha Sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa maanta lagu daabacay warbaahinta Iran.

    Farriinta lagu xusayo Maalinta Ciidanka Iran, si cad looma xusin laba arrimood oo ay saraakiisha Iran dhowaan ka hadlayeen: Marunka Hormuz iyo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Qayb ka mid ah farriinta ayaa uga digtay “cadowga” in ciidamada badda ee Iran ay diyaar u yihiin inay “dhadhansiiyaan qaraarka guul-darrooyin cusub,” iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Sida dhacdooyin hore, tani waxay ahayd farriin qoraal ah oo laga soo xigtay Mojtaba Khamenei. Lama arkin si toos ah tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha sare bilowgii Maarso.

  16. Masar iyo Pakistan oo isku dayaya in ay heshiis kama dambeys ah dhex-dhigaan Iran iyo Mareykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa ku dhawaaqay in Masar iyo Pakistan ay si “aad u dhab ah” uga shaqeynayaan dhexdhexaadin si loo fududeeyo heshiis kama dambeys ah oo u dhexeeya Mareykankaiyo Iran.

    “Waxaan rajeyneynaa inaan gaarno heshiiskan maalmaha soo socda,” ayuu yiri, isaga oo ka qeyb galaya madasha diblamaasiyadda Antalya ee ka socda Türkiye.

    Isagoo ka hadlayay cawaaqibta dagaalka, wuxuu intaas ku daray in “aan kaliya gobolka, balse dunida oo dhan ay la kulmi doonto dhibaato haddii colaaddan ay sii socoto.”

    Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dadaallada lagu horumarinayo wadaxaajoodyada ay si dhab ah u socdaan.

  17. War deg deg ah, Iiraan oo rasaaseysay markab marayay Hormuz

    Markab marayey marin biyoodka Hormuz ayaa waxaa rasaas ku furay laba doonyood oo ay wateen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha ee UK (UKMTO).

    Dhacdadan ayaa ka dhacday meel 20 meyl waqooyi-bari ka xigta dalka Cumaan. Markabka iyo shaqaalihii ayaa la sheegay in ay bad qabaan, UKMTO ayaa intaas ku dartay.

    Dhanka kale, ugu yaraan laba markab oo ganacsi ayaa sheegay in ay haleeshay rasaas xilli ay isku dayeen in ay ka gudbaan marinka badda, sida ay saddex ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

    Warar dheeraad ah:

  18. Maamulka Trump ayaa si ku meel gaar ah u fasaxay iibinta Shidaalka Ruushka si loo fududeeyo qiimaha tamarta

    Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii soo saaray war ku saabsan in la qaaday muddo bil ah cunaqabateyn Ruushka taasi oo u oggolaanaysa iibinta shidaalka Ruushka iyo waxyaabaha laga soo saaro badda.

    Waxaa arrintani looga gol leeyahay in lagu dhimo qiimaha tamarta caalamka ee sare u sii kacayay wixii ka dambeeyay dagaalka iiraan.

    Oggolaanshahan, oo ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, ayaa yimid laba maalmood kadib markii Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent uu sheegay in Washington aysan cusbooneysiin doonin qaadidda muddada kooban ah ee cunaqabataynta Ruushka.

  19. Iran oo qayb ka mid ah hawadeeda dib ugu furtay duulimaadyada caalamiga ah

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Iran ayaa ku dhawaaqday in Iran ay si qayb ahaan ah dib ugu furtay hawadeeda, gaar ahaan qaybta bari ee dalka, si ay u maraan duulimaadyada caalamiga ah ee transit-ka ah.

    Hay’addu waxay sheegtay in “marinnada hawada ee ku yaalla qaybta bari ee hawada Iran ay u furan yihiin duulimaadyada caalamiga ah ee sii maraya Iran,” iyadoo intaas ku dartay in qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dib loo furay 7:00 subaxnimo.

    In ka badan saddex saacadood kadib ku dhawaaqistaas, bogagga raadraaca duulimaadyada ayaa muujiyay in hawada Iran aysan ku jirin wax duulimaadyo caalami ah oo sii maraya, halka diyaarado kale ay qaateen wadooyin dheer oo kale si ay uga fogaadaan inay maraan hawada Iran.

  20. Qatar oo ka hadashay furitaanka marinka Hurmuz

    Naif Al Thani, agaasimihii hore ee hawlgallada sirdoonka difaaca ee Qatar, ayaa sheegay in suurtagalnimada dib u furista Marinka Hormuz “ay u muuqato dhacdo muhiim ah,” balse uusan hubin in loo tixgelin karo “horumar.”

    Isagoo la hadlayay barnaamijka “Today” ee BBC, wuxuu sharxay in dalalka Khaliijka ay si cad u muujiyeen baahida loo qabo in la dammaanad qaado xorriyadda maraakiibta ee marinka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in dib loogu noqdo xaaladdii jirtay ka hor bilowgii dagaalka.

    Al Thani wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ku nool dalalka Khaliijka ay soo dhoweyn lahaayeen xabbad-joojin, balse wuxuu xusay in dalalkaas aan weli lagu darin wadahadallada socda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Trending Now