Warrarkii ugu dembeeyey ee marinka Hormuz oo Iiran mar kale xirtay, xilli maraakiib la weeraray
Iraan ayaa sheegtay inay mar kale ka xirayso marinka Hormuz maraakiibta ganacsiga, iyadoo uga digtay markab kasta oo ku soo dhawaada in la beegsan doono.
Xiritaankan ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in maraakiib ku sugnaa marinka dhexdiisa ama u dhowaa, oo ku jiro Markab booyad shidaalka qaada ah, ay Teheran beegsatay maalintii Sabtidii.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa go'aankaas ku sababeeyay go'doominta Maraykanku sii wado, taasoo timid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ku dhawaaqay in marinkan muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah si ku meel gaar ah dib loo furay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan aysan "ku handadi karin" Maraykanka hanjabaado la xiriira marin biyoodka, kaasoo Tehran si wax ku ool ah u xannibtay ku dhowaad laba bilood taasoo sababtay in qiimaha tamarta caalamka uu sare u kaco.