Madaxweyne Donald Trump ayaa laga dalbaday in baaris buuxda lagu sameeyo toogashadii Alex Pretti kaas oo ay toogteen ciidamada federalka ee loo yaqaan ICE.
Geerida Preetti ayaa ku soo aaday wax ka yar saddex toddobaad kaddib markii Renee Good ay ku dileen ciidamada waaxda socaalka Minneapolis.
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa ku celiyay dalabkiisa maamulka Trump in ay ka saaraan ciidamada faderalka gobolka isagoo sheegay in Mareykanka uu joogo “halkii ugu dambeysay”.
Wargeyska Wall Street Journal oo Axadii wareysi la yeeshay madaxweyne Trump ayuu ku sheegay in maamulkiisa uu “dib u eegis ku sameynayo waxkasta” iyo sidoo kale in ugu dambeyn uu ciidamada xuduudaha iyo kastamka ee ICE uu ka saarayo magaalada. Madaxweynaha ma bixin waqti cayiman uu arrintan sameynayo.
Madaxda fedealka iyo gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay daqiiqadihii ugu horeeyay geerida Pretti.
Maamulka Trump ayaa difaacay sarkaalka toogtay Pretti iyadoo xoghayaha ammaanka, Kristi Noem, ay sheegtay in Pretti loo toogtay maadama uu “haystay” bistoolad.
Madaxda gobolka ayaa beeniyay arrintan iyagoo sheegay in bistoolada ay aheyd sharci, waxaana Pretti la toogtay markii laga qaaday bistooladda.
Dibadbaxayaal ayaa u soo baxay wadooyinka Minneapolis iyo qeybho kale oo kale oo Mareykanka ah kaddib toogashadii dhimashada keentay.