TOOS, Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan oo la filayo inuu la kulmo madaxweyn Putin, xilli sidoo kale Iiraan farriin u dirtay Mareykanka

Cumaan iyo Pakistaan ayuu horey u booqday wasiirka arrimaha dibadda Iiraan isagoo arrimaha ay ka wada hadleen uu ka mid yahay Marinka Hormuz oo xaalad cakiran ay ka taagantahay iminka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Maxkamadeynta Netanyahu oo markii sadexaad baaqatay.

    Netanyaahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyaahu

    Warbaahinta The Jerusalem Post ayaa sheegtay in qiyaastii 90 daqiiqo ka hor waqtiga ay bilaaban lahayd maxkamadda ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, “si kedis ah loo baajiyay”, iyadoo uu codsaday qareenkiisa.

    Mudane Netanyahu waxaa loo qorsheeyay inuu maanta ka markhaati furo dhageysi maxkamadeed oo ciqaabeed kadib dib u dhac ku dhowaad lix toddobaad ah.

    Tani waa markii saddexaad ee dhageysiyada maxkamadda dib loo dhigo sababo la xiriira colaadda Israa’iil ee Gaza iyo dagaalka ay kula jirto Xisbullaah.

    Weli si rasmi ah looma shaacin sababta keentay dib u dhaca dhageysiga maxkamadeed ee maanta.

    Kiiskaan Netanyahu ee maxkamadeynta ayaa socda muddo shan sano ah, isaga oo salka ku haya saddex dacwadood oo kala duwan oo lagu eedeeyay oo kamid yihiin laaluush, khiyaano iyo ku takri-fal awood.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa dayrtii hore ka codsaday madaxweynaha Israa’iil cafis arrintan la xiriira.

    Sii akhri

  2. Eedeysananaha weerarkii xafaldda Cashada oo maanta lagu wado in Maxkamad la soo taago

    Eedeysane oo maanta si rasmi ah loogu soo oogi doono Maxkamad

    Xigashada Sawirka, US President Trump via Truth Social/ Getty Images

    Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad la soo taago Eedeysanaha weerarkii ka dhacay Maqaaxi ay ku sugnaayee Wariyayaal ka tirsan Aqalka Cad ee Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka habeenkii Sabtida.

    Eedaysanaha ayaa warbaahinta Maraykanku waxa ay magaciisa ku sheegeen Cole Tomas Allen oo 31 jir ah, kana soo jeeda magaalada Torrance ee gobolka California.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Todd Blanche ayaa sheegay in "natiijooyinka hordhaca ah" ay muujinayaan in eedeesanaha uu bartilmaameedsanayay madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Trump laftiisa inuu ahaa bartilmaameedka " ayaa suurtagal ah ".

    Wax ka yar hal saac ka dib dhacdada, Trump wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Truth Social, "Qofkii toogashada geystay waa la qabtay", isaga soo raaciyey masswirka kore.

    Waxaa la filayaa in maanta uu kasoo muuqdo maxkmadda isaga oo lagu qaadayo dacwad la xiriira weerar uu u geystay sarkaal ka tirsan dowladda federaalka iyo in uu isticmaalay qoriga uu watay xilli uu ku jiray fal-dembiyeed. Eedaymo kale oo federaali ah oo gadaal laga sheegi doono, ayuu yiri Blanche.

    Sii akhri:

  3. War deg deg ah, Madaxweynaha Soomaaliland oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay xafladii cashada ee Trump

    Cirro

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Cirro

    Madaxweynaha jamhuuriyadda madax bannaanideyda ku dhawaaqday ee Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ku dhaleeceeyey wararkii ak dhacay xafladdii cashada ahayd ee Trump uu u sameeyey weriyeyaasha.

    Qoraalka ayuu ku yiri Cirro, “Aad ayaan uga xumahay isku daygii weerar ee Maraykanka Madaxweyne Donald Trump, waana ku faraxsanahay in Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Marwada Koowaad, iyo dhammaan inta kale ay nabad qabaan, Somaliland waxay si aan gabasho lahayn u cambaareeneysaa dhammaan nooc kasta oo rabshad ah, waa ay ka reeban yihiin dimoqaraadiyadda”.

    Qoraallka uu madaxweynuhu soo dhigay ayaa lagu soo gababeeyey “Waxaan si garab taaganahay Maraykanka”.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku sheegtay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah, inuu yahay eedeesanaha loo xiray falkaan, ka dib markii ay booliisku sheegeen inuu rasaas ku furay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen intii ay socotay dhacdada. Waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah la soo taago maxkamada.

    Sii akhri:

  4. War deg deg ah, Muxuu yahay qorshaha cusub ee Iiraan ee ku aadan wada-hadallada?

    Degdeg
    Qoraalka sawirka, Degdeg

    Sida ay qoreyso warbaahinta Axios: dowladda Iiraan ayaa Maraykanka usoo bandhigtay soo jeedin iyo dalabaad cusub, kuwaas oo ku dalbaneyso in ugu horreyn la furo 'marinka Hormuz, la soo afjaro dagaalka, dibna loo dhigo wada-hadalllada Nukliyeerka'.

    Axios, oo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah iyo laba ilo oo arrintan la socda, iIraan ayaa qodobbadaan usoo bandhigtay Maraykanka iyada oo u sii marinaysa Pakistan oo gar wadeen ka ahayd wada-xaajoodka Iiraan iyo Maraykanka, si dib loogu furo marinka Hormuz loona soo afjaro dagaalka.

    Sii akhri:

  5. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo ka warbixiyey safarka uu ku joogo Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, TASNIIM

    Qoraalka sawirka, .

    Markii uu gaaray St. Petersburg, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Araghchi, wuxuu sheegay in “mar walba waxaan la leenahay wadatashi dhow iyo xiriir laba geesood ah oo joogto ah Ruushka, balse waxaa jiray hakad ku yimid kulamada sababo la xiriira dagaalka mudada socda”, ayuu Cabaa.

    Isaga oo intaas ku daray in ay hadda timid fursad ay kula tashadaan oo ay isku arkaan iyaga iyo saaxiibkooda Ruushk.

    wasiirka ayaa hore safari ugu soo maray dalalka Pakistaan iyo Cumaan, isaga oo intii uu ku sugnaa Pakistaan wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan sheegay in Pakistaan ay door muhiim ah ka qaadatay dhex-dhexaadinta wadahadallada Iiraan iyo Maraykanka, waxaana muhiim ahayd in laga wada hadlo horumarradii ugu dambeeyay, wuxuuna yiri “waxaan la yeelanay kulan wanaagsan saaxiibadeenna Pakistan, taas oo Ilaahay mahaddii ahayd iyo safar aad u guuleystay. Waxaan dib u eegnay wixii dhacay, waxaana ka wada hadalnay waddada iyo shuruudaha ay wadahadalladu ku sii socon karaan”.

    Waxa uu sidoo kale, safarkiisii Cumaan ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ahaa xiriirka ay la leeyihiin waddamada Khaliijka, “Annaga iyo Cumaan waxaan nahay laba dal oo xeeb ku leh Marinka Hormuz, waxaana lagama maarmaan ahayd in arrintan laga tashado, bad-qabka isku socodka Hormuz waa muhiim, waxaana u baahanahay inaan yeelanno isku-duwid dhow si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah, ee Cumaan, Iiraan iyo dalalka kale ee ku teedsan Hormuz”.

    Waxaa kale oo aad akhrin kartaa:

  6. Muxuu Barack Obama ka yiri weerarkii casho sharafta Trump u sameeyey weriyeyaasha?

    Trump/Obama

    Xigashada Sawirka, ROBERTO SCHMIDT/AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump/Obama

    Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa ka falceliyay weerarkii dhacay intii lagu jiray xaflad casho ahayd oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u sameeyey weriyeyaasha.

    “Weli si cad looma oga waxa sababay toogashada ka dhacday Cashadii Wariyeyaasha Aqalka Cad, laakiin dhammaanteen waxaa na saaran mas’uuliyad ah inaan hubinno in rabshaduhu aysan boos ku lahayn dimuqraadiyadda.” ayuu Barack Obama ku qoray bartiisa X.

    Waxaa xusid mudan in kadib rasaasta uu jiro nin tuhmanaha oo loo xiray

    Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa wariyeyaasha la hadlay, isaga oo eedeesanaha ku tilmaamay “mid xanuunsan.”

    Xafladaan ayaa waxaasugnaa madax sare oo ka tirsan maamulka Trump iyo boqolaal weriyeyaal ah.

  7. Sidee warbaahintu uga hadlayesaa diyaaraddii Iiraan ee Weerartay saldhiga Mareykanka ee Kuwait?

    F-15

    Xigashada Sawirka, EBRAHIM NOROUZI/AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, F-15

    Warbixin gaar ah oo ay baahisay shabakadda warbaahinta Mareykanka ee NBC ka diyaarisay hawlgalka diyaarad dagaal oo Iiraan leedahay nooca F-5 maalmihii ugu horreeyay ee dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka-Israa’iil iyo Iiraan, iyo faahfaahinta khasaaraha uu geystay weerarkan, ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka warbaahinta.

    Warbixintan, NBC oo soo xiganaysa ilo kala duwan iyo saraakiil militari oo Mareykan ah, ayaa qortay in qiimeynta sirdoonka iyo falanqaynta la daabacay ay muujinayaan in diyaarad duug ah oo Iran leedahay nooca F-5 ay ku guuleysatay inay ka gudubto nidaamyada difaaca hawada ee heerarka badan leh ee Mareykanka, isla markaana ay beegsato saldhig militari oo Mareykan ah oo ku yaal Kuwait; waa arrin , sida warbixintu sheegtay, wax ka beddeleysa aragtida laga haysto awoodda militariga Mareykanka ee gobolka.

    Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarkan uu qayb ka ahaa weerarro taxane ah oo lagu qaadayey in ka badan 100 bartilmaameed oo ku kala yaallay dalal dhowr ah oo gobolka ka tirsan, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray kaabeyaasha militari sida warshadao, raadeerrada diyaaradaha, iyo xarumaha ciidamada

    Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in gelitaanka diyaarad dagaal oo duug ah ee nidaamyada difaac ee casriga ah ay dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan nuglaanta ciidamada Mareykanka ee saldhigyada ku yaal Gacanka Faaris.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka weli si madax-bannaan uma xaqiijin mana beenin faahfaahinta buuxda ee warbixinnadan, baaritaannaduna weli way socdaan.

  8. Faahfaahin weli ka soo baxaysa ninka lagu tuhunsanyahay inuu weeraray xaflad ka socotay meel u dhow Aqalka Cad

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/ Truth Social

    Ilo ka tirsan hay’adaha fulinta sharciga ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo bah-wadaag la ah BBC-da in ninka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay toogashada ka dhacday Washington uu hadda ku jiro gacanta booliska, laguna hayo saldhigga Metropolitan Police Department ee waqooyi-galbeed Washington, DC.

    Sida ay sheegeen, waxaa loo wareejin doonaa xarun lagu hayo maxaabiista oo ku taalla koonfur-bari caasimadda, ka dibna maata oo ah Isniin ayaa la hor keeni doonaa maxkamad federaal ah.

    Waxaa xusid mudan in dhacdada toogashadu ay dhacday xilli casho loo sameeynayay weriyeyaasha Aqalka Cad ee Washington, halkaas oo madaxweyne Donald Trump iyo xaaskiisa ay sidoo kale joogeen, kuwaas oo si nabad ah loogala cararay goobta.

  9. Kulanka maanta la filayo inuu ka dhaco Moscow iyo qodobbada looga hadlayo

    Putin iyo Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho ku jooga Ruushka, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada Moscow.

    Macluumaadkan waxaa bixisay wakaaladda wararka Iiraan, iyadoo soo xiganaysa safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali.

    Kazem Jalali ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu dhici doono maanta oo Isniin ah. Wuxuu intaas ku daray in Caraqji uu wadahadallo la yeelan doono mas’uuliyiinta Ruushka, iyagoo ka wada hadli doona xaaladdii ugu dambeysay, xabbad joojinta, iyo arrimaha la xiriira.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii xaqiijisay in Caraqji uu imaan doono Moscow si uu wadahadallo u yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.

    Waxaa xusid mudan in Cabbaas Caraqji uu horeyu booqday Pakistan iyo Cumaan, halkaas oo looga hadlay xaaladda ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

  10. War deg deg ah, Marinka Hormuz oo laga wadahadlayo

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran: Wadahadallada ka dhacay Cumaan waxay diiradda saareen sidii loo xaqiijin lahaa Marinka Hormuz, sidii uu noqon lahaa marin ammaan ah.

    Mareykanka ayaa xanibaad saaray Marinka, iyadoo dhowr markab oo ka yimd Iiraan oo saliid wada la qabtay.

  11. War deg deg ah, Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay Koonfurta Luban

    Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta dalka ay ku dileen ugu yaraan 14 qof Axaddii, isla markaana ay ku dhaawaceen ku dhowaad 40 kale, inkastoo ay jirto xabbad-joojin wali ka jirta dalka.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu beegsaday waxa uu ku tilmaamay “unugyo argagixiso oo gantaallo ridaya iyo goobo lagu kaydiyo hubka” oo ay isticmaasho Xisbullah.

    Sida ku cad shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta, oo dhowaan la kordhiyay, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarro degdeg ah ama socda, waxayna beegsanaysay bartilmaameedyo ku yaalla Lubnaan ku dhowaad maalin kasta.

    Horrey Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in mid ka mid ah askartooda la dilay, lix kalena lagu dhaawacay weerar diyaaradda aan duuliyaha lahayn oo ay Xisbullah ka fulisay koonfurta Lubnaan Axaddii.

    Labada dhinacba waxay midba midka kale ku eedeeyeen jebinta soo noqnoqotay ee heshiiska xabbad-joojinta.

  12. Bashar al-Assad iyo qaar ka mid ah dadkii la shaqeynayay oo dacwado lagu soo oogay

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Bashar al-Assad,

    Maxkamad ayaa ka bilaabatay Suuriya, iyadoo lagu maxkamadeynayo madaxweynihii xilka laga tuuray Bashar al-Assad, oo dibadda ah iyo qaar ka mid ah saaxiibbadiis, kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Intooda badan, oo ay ku jiro Mr Assad iyo walaalkiis, ayaa la maxkamadeynayaa iyagoo maqan, halka qaar kale ay maxkamadda ka soo muuqdeen.

    Qofka ugu caansan ee maanta maxkamadda ka soo muuqday wuxuu ahaa Atef Najib, oo hore u ahaa sarkaal sare oo amniga ka tirsan, laguna eedeeyay “dembiyo ka dhan ah qaranka Suuriya.”

    Waxyaabah loo haysto waxaa ka mid ah jirdilka dhalinyaro mucaarad ahaa oo lagu hayay magaalada koonfureed ee Deraa sanadkii 2011.

    Rabshadihii halkaas ka dhacay ayaa ahaa kuwa kiciyay kacdoonkii Suuriya iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaas.Wasiirka caddaaladda ee dowladda Islaamiga ah ee hadda Suuriya ka talisa ayaa sheegay in maxkamadahan ay gogol xaar u tahay “cadaalad ” . Dhageysiga xiga ayaa lagu balansan yahay 10-ka May.

  13. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan oo faahfaahiyay qodobbo uu kala hadlay dhigiisa Iiran

    Caraqji iyo Badr

    Xigashada Sawirka, @badralbusaidi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Al Busaidi ayaa sheegay isagoo adeegsanaya bartiisa X, in habeenkii Axadda, saacado ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Cabbaas Caraqji uu ka dhoofay Muscat,: “Waxaan wada yeelanay dood wanaagsan oo ku saabsan Marinka Hormuz aniga iyo Caraqji, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran.”

    Al-Busaidi, oo horey uga qayb qaatay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, ayaa intaas ku daray: “Annaga oo ah dal xeebeed, waxaan aqoonsanahay mas’uuliyaddeenna wadajirka ah ee beesha caalamka iyo baahida degdegga ah ee bani’aadannimo ee ah in la sii daayo badmaaxiinta muddo dheer ku xaniban halkaa.”

    Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo “diblomaasiyad dheeraad ah,” iyo sidoo kale helidda xalal wax ku ool ah oo dammaanad qaadaya xorriyadda joogtada ah ee maraakiibta iyo socodka ganacsiga.

  14. War deg deg ah, Xisbullaah oo si adag ugu jawaabtay Netanyahu

    Xisbullah ayaa diiday eedeynta Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo ahayd inay halis gelinayso xabad joojinta waxayna sheegtay inay sii wadi doonto inay ka jawaabto xadgudubyada xabad joojinta ee Israa'iil iyo qabsashada koonfurta Lubnaan.

    Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarradeeda bartilmaameedyada Israa'iil ee koonfurta Lubnaan iyo waqooyiga Israa'iil ay ahaayeen "jawaab sharci ah oo ku aaddan xadgudubyada joogtada ah ee cadawgu ku hayo xabbad joojinta tan iyo maalintii ugu horreysay ee ku dhawaaqista xabbad joojinta ku meel gaarka ah."

    War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: "Xisbullah si cad oo adag ayay u xoojinaysaa in xadgudubka joogtada ah ee xabbad joojinta ee cadowga, gaar ahaan qabsashada joogtada ah ee dhulka Lubnaan iyo ku xadgudubka madaxbannaanideeda, uu la kulmi doono jawaab iyo iska caabin diyaar u ah idifaaca dhulkeeda iyo dadkeeda."

    Horay, ra’iisul wasaare Netanyahu wuxuu ka sheegay shirkii golaha wasiirada: "Jabinta Xisbullaah ee xabbad joojinta ayaa dhab ahaantii burburinaysa xabbad joojinta," wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Israa'iil ay ku dhaqmayso "xoog iyo waafaqsan heshiisyada lala galay Mareykanka iyo Lubnaan."

    Sida ku cad shuruudaha xabbad joojinta, oo dhaqan galay Abriil 17 oo dhawaan loo kordhiyay saddex toddobaad oo kale, Israa'iil waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto "weerarrada la qorsheeyay iyo kuwa socda." Si kastaba ha ahaatee, waxay sii wadday inay weerarro khasarae dhaliyay ka geysato Lubnaan, ciidamadeeduna waxay ku sugan yihiin meel loogu yeero "khadka cas" oo u dhow xuduudda. Israa'iil waxay uga digtay dadka deggan Lubnaan inaysan ku soo laaban goobahaas.

    Xisbullah waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Lubnaan inay ka aamustay weerarrada Israa'iil iyo inay ku guuldareysatay inay gudato waajibaadkeeda aasaasiga ah ee difaaca dhulka iyo dadkeeda.

  15. Trump oo yiri: "Shaqadan in sidaan ay khatar u tahay ma ogeyn"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in loo baahan yahay hool ammaan ah oo Aqalka Cad ku yaalla, si looga fogaado dhibaatooyin amni ee dhici kara.

    Markii la weydiiyay haddii uu ka walaacsan yahay in xafladda dib loo qorsheeyo oo lagu qabto hoteelka Washington Hilton, Trump wuxuu yiri:“Mar walba way adag tahay marka aad haysato kun qol.”

    Wuxuu sidoo kale ku celiyay hadalkiisii hore ee ahaa in loo baahan yahay hool ammaan ah oo Aqalka Cad laga dhiso, wuxuuna sheegay in mashruucaasi la dhisi doono si ka dhakhso badan sidii la filayay.

    Mar uu ka hadlayay toogashadii ka dhacday xafladda cashada, wuxuu ku tilmaamay inay ahayd “arrin diimeed” isla markaana “uu jiro naceyb xooggan oo ka dhan ah Masiixiyiinta”.Trump wuxuu sidoo kale sheegay in markii uu u tartamayay madaxweynaha uusan si buuxda u fahamsaneyn sida shaqadiisu ay khatar u noqon karto.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka qeybgalayay casho uu la lahaa suxufiyiinta Aqalka Cad oo ka dhacaysay hoteel abbaare 8:30 fiidnimo waqtiga Mareykanka ee xalay, markaas oo rasaas la maqlay.Ciidamadiisa ammaanka ayaa markaas si degdeg ah ugala cararay goobta si ay u badbaadiyaan.

  16. Ra'iiusl Wasaaraha Israa'iil oo loo tashaday

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, EPA

    Laba siyaasi oo horey u soo noqday ra’iisul wasaareyaal Israa’iil Bennett iyo Lapid ayaa go’aansaday inay iskaashadaan. Ujeedkoodu waa inay ka adkaadaan Ra’iisul Wasaaraha hadda jooga Netanyahu doorashada soo socota.

    Doorashadaas waxaa la filayaa inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.Labadan nin waxay sidoo kale sheegeen inay isku darayaan xisbiyadooda siyaasadeed si ay u xoogaystaan. Lapid wuxuu yiri:

    “Waxaan tan u sameyneynaa mustaqbalka carruurteena, Israa’iilna waxay u baahan tahay isbedel.”Labadan siyaasi ayaa iskaashanaya si ay u helaan awood badan oo ay ku beddelaan dowladda hadda jirta.

  17. Xaalad jaha-wareer ah oo ka taagan Mali iyo faahfaahin laga helayo qaraxyo mas'iiliyiin lagu dilay

    Mali

    Xigashada Sawirka, Azawad Liberation Front via AP

    Ehelada wasiirkii difaaca ee Mali, Sadio Camara, ayaa sheegaya in Sabtidii lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gurigiisa oo ku dhow caasimadda Bamako.

    Waxay sheegeen in dhowr ka mid ah qoyskiisa ay sidoo kale dhinteen. Dhimashadoodu waxay timid xilli ay socdeen weeraro isku xiran oo ay dagaalyahannada jihaadiyiinta iyo gooni-u-goosadka Tureg ay ku qaadeen dhowr magaalo oo Mali ka tirsan.

    Hoggaamiyaha militariga ee Mali, Jeneraal Assimi GoĂŻta, lama arag laakiin waxaa la sheegay inuu badqabo ka dib markii gurigiisa oo ku yaal Kati la weeraray.

    Dagaalku wuxuu ka socday aagagga qaraxyadu ka dhaceen iyo Kidal oo ku taal waqooyiga dalkaas. Ururka gobolka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, oo Mali ay ka baxday laba sano ka hor, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen "weerarrada argagixisada".

  18. Rag badan oo mucaarad ah ayaa xabsiga la dhigay

    Chad

    Xigashada Sawirka, EPA

    Mas’uuliyiinta dalka Chad ayaa xiray sagaal hoggaamiye oo mucaarad ah oo u dhashay dalkaas.

    Afhayeen u hadlay isbahaysiga mucaaradka ee GCAP ayaa sheegay in raggan la qabtay oo la xiray subaxnimadii Sabtida.

    GCAP waxay qorshaynaysay isu-soo-bax ay ku tilmaantay muujin caro ah oo ka dhici lahaa N’Djamena, caasimadda, toddobaadka soo socda ka hor inta aan la hakinin.Maxkamadda ugu sarreysa Chad ayaa ku dhawaaqday in isbahaysigaasi sharci-darro yahay.

    Afhayeenka xisbiga talada haya ee MPS, Abdel-Nasser Garboa, ayaa sheegay in tallaabadaan loo qaaday si looga hortago qalalaase.Dalka Chad, oo ku yaalla bartamaha Afrika, waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida.

  19. Safiirka cusub ee Israa'iil u magacowday Somaliland oo ka hadlay magacaabistiisa

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa arrinta la xiriirta safiirka ay dhawaan u magacaabeen Somaliland ku tilmaantay “tallaabo macno leh oo lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya Israa'iil iyo Somaliland”. Qoraal wasaaraddu ku baahisay barteeda Facebooka ayay intaasi ku dartay “Waxaan u rajeynayaa guul weyn oo uu ka gaaro doorkiisa cusub”.

    Michael Lotem oo ah safiirka dhawaan Israa’iil u magacowday Somaliland ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu noqdo safiirkii ugu horreyay ee Israa’iil uga wakiil ah Somaliland. Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ayuu sidaan ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn ii ah in aan helo oggolaanshaha dowladdayda, taas oo ii magacawday inaan noqdo Safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland,”.

  20. War deg deg ah, Iiraan oo farriin adag u dirtay Mareykanka uguna dhiibtay Pakistan

    Iiraan iyo Mareykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wakaaladda wararka ee Fars ee Iran ayaa sheegtay in Tehran ay fariimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyadoo u sii marsiinaysa Pakistan, kuwaas oo ku saabsan wax lagu tilmaamay “qad cas oo gaar ah oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran leedahay, oo ay ka mid yihiin arrinta nukliyeerka iyo marin-biyoodka Hormuz.”

    Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in farriintaani aysan ku jirin wax wadaxaajood rasmi ah la xiriira.

    Islamabad ayaa martigelisay wareeg wadahadallo ah oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran horraantii bishan, balse kama soo bixin wax natiijo ah.

Trending Now