TOOS, Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan oo la filayo inuu la kulmo madaxweyn Putin, xilli sidoo kale Iiraan farriin u dirtay Mareykanka

Cumaan iyo Pakistaan ayuu horey u booqday wasiirka arrimaha dibadda Iiraan isagoo arrimaha ay ka wada hadleen uu ka mid yahay Marinka Hormuz oo xaalad cakiran ay ka taagantahay iminka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xog cusub oo ka soo korortay xaaladda hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hoggaamiyaha cusub ee sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa wali ka kabanaya dhaawacyo darran oo wejiga iyo lugaha ah oo ka soo gaaray weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay aabbihii billowgii dagaalka, sida ay saddex qof oo u dhow saaxiibbadiisa gaarka ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wejiga Khamenei ayaa ku doorsoomay weerarkii lagu qaaday xarunta hoggaamiyaha sare ee bartamaha Tehran, wuxuuna dhaawac weyn ka soo gaaray mid ama labada lugoodba, sida ay sheegeen dhammaan saddexda ilood.

    Si kastaba ha ahaatee, 56-jirkan ayaa ka kabanaya dhaawacyadiisii, maskaxdiisuna wali waa mid firfircoon, sida laga soo xigtay dadkan codsaday in aan magacyadooda la sheegin.

    Wuxuu ka qayb qaadanayaa kulamo uu la leeyahay mas'uuliyiinta sare isagoo adeegsanaya shirarka cod ahaan, wuxuuna ku lug leeyahay go'aan ka gaarista arrimaha waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka iyo wada-xaajoodyada lala leeyahay Washington, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilahaas.

    Su'aasha ku saabsan in caafimaadka Khamenei ee u oggolaanaysa inuu maamulo arrimaha dawladda ayaa timid xilli Iiraan ay ku jirto xilligii ugu xasaasisaneed muddo tobanaan sano ah, iyadoo wadahadallo nabadeed oo xasaasi ah ay Islamabad ugu soo dhammaadeen Maraykanka kuwaas oo furmay shalay.

  2. Ruushka oo sheegay inaan la dhayalsan karin muhiimada wadahadallada Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la kulmi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, magaalada St Petersburg maalinta Isniinta, sida uu sheegay Kremlin-ka.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa laga soo xigtay isagoo u sheegay wakaaladda wararka ee dawladda ee Tass in “ahmiyadda wada-hadalkan ay adag tahay in la dhayalsado marka la eego sida ay u socoto xaaladda ku xeeran Iiraan iyo Bariga Dhexe.”

    Araghchi ayaa Ruushka subaxnimadii Isniinta isagoo taageero ka raadinaya Moscow, xilli ay hakad galeen dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Rajadii laga qabay dib u bilaabista wada-hadallada ayaa yaraatay Sabtidii, markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu baajiyay safar qorshaysnaa oo ay ergooyinkiisa Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tegi lahaayeen magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

  3. Ciidanka Milatariga Israa'iil oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Xisbullaah

    Ciidanka Milatariga Israa'iil oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Xisbullaah

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen saddex xubnood oo ka tirsan Hezbollah intii lagu jiray hawlgallo ka dhacay koonfurta Lubnaan maalintii Axadda.

    Israa’iil waxay leedahay waxa ay ugu yeerto “aag go’doon ah” oo ku fidsan qiyaastii 10 kiiloomitir gudaha dhulka Lubnaan, taas oo ay sheegtay in loo baahan yahay si loo yareeyo khatarta ka timaadda Hezbollah.

    Tani waxay ka dhigan tahay in ku dhowaad 5% dhulka Lubnaan uu hadda ku jiro gacanta milatariga Israa’iil.

    “Kadib markii la aqoonsaday, Ciidamada Cirka Israa’iil ayaa duqeeyay oo baabi’iyay argagixisada si loo tirtiro khatarta,” ayay IDF sheegtay, iyada oo ku dartay in kaabeyaasha Hezbollah ee Bint Jbeil sidoo kale lagu beegsaday duqeymo.

    Hadda waxaa jira xabbad-joojin u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil. Hezbollah ma ahan dhinac saxiixay heshiiskaas, balse heshiiska waxaa loogu talagalay in lagu joojiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda.

    Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa amar ku siiyay ciidamadiisa in ay weeraraan bartilmaameedyada Hezbollah ee Lubnaan, kadib markii uu sheegay in falalka kooxda ay “burburinayaan xabbad-joojinta”.

    Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa sheegay in heshiisku uu siinayo Israa’iil “xorriyad ay ku weerari karto meelaha ay rabto, ma aha oo kaliya in ay ka jawaabto weerarrada, taas oo cad, balse sidoo kale in ay ka hortagto khataraha degdegga ah iyo in ay meesha ka saarto khataraha soo baxaya.”

  4. Kooxda Xisbullaah oo war cusub kasoo yeeray

    .

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullaah ayaa ku tilmaamay wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil “dambi weyn” oo keeni kara “xasillooni darro” ku timaadda Lubnaan.

    Bayaan uu soo saaray, oo qaybo ka mid ah lagu daabacay shabakadda Al-Manar ee kooxda hoos tagta, Naim Qassem ayaa ku dhaliilay dowladda Lubnaan wadahadallada ay la gashay Israa’iil, isagoo yiri: “nidaamka ay mareyn wax faa’iido ah uma leh Lubnaan, mana u adeegayo dalka iyo naftooda midna.”

    Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in “madax-bannaanidu aanay sii jiri karin iyadoo la halis gelinayo xuquuqda Lubnaan lana dhiibayo dhulkeeda.”

    Wuxuu ugu baaqay dowladda Lubnaan inay joojiso “wadaxaajoodyada tooska ah” ee ay la leedahay Israa’iil, isla markaana “dib ugu noqoto wadaxaajoodyadii dadbanaa.”

    Naim Qassem ayaa sidoo kale dhaliilay qorshaha hub ka dhigista xisbullaah, isagoo yiri: “Hubka iska caabintu wuxuu u jiraa in laga hortago gardarrada oo la difaaco jiritaankeena, mana dhiibi doonno.”

    Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ee Lubnaan ayaa sidoo kale ammaanay doorka Iiraan ee xabbad-joojinta, isagoo sheegay in haddii aanay jirin doorka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee wadahadallada, xabbad-joojintu suurtagal ma noqon lahayn.

    Sii akhri:

  5. Nidaamka caafimaadka Lubnaan oo culeys badan wajahaya

    Nidaamka caafimaadka Lubnaan oo uu ku jiro ' culays badan', dhakhtar ayaa u sheegay BBC

    Xigashada Sawirka, Abbas Fakih / AFP via Getty Images

    Wasiirkii hore ee caafimaadka Lubnaan, hadana ah Dhaqtar Dr Firass Abiad ayaa u sheegay BBC-da shaqo-joojinta joogtada ah ay ee haysta shaqaalaha "culays badan ku keenayso" nidaamka caafimaadka dalka.

    Isbitaallada Lubnaan waxaa la keenaa "maalin kasta, tiro badan oo dhaawacyo ah," oo ay weheliso tiro badan oo barokac gudaha ah, ayuu yiri.

    In kasta oo ay jiraan cadaadisyadaas, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa "wax la yaab leh" in ay weli shaqada yimaadaan oo ay shaqeeyaan, Abiad ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC

    Axadii, wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqaymaha Israa'iil ay ku dhinteen 14 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah.

    Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan ururka Xisbullah iyo goobo ay ku sugnaayeen, waxayna goor sii horreysay oo Axaddii ah soo saareen amar ay dadka uga guurayaan tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

    Sii akhri:

  6. Wadahadallada nabadeed oo hakad ku jira, iyadoo Trump uu sheegay in Iiraan ay 'waci karto' haddii ay doonayaan inay wada hadlaan

    ared Kushner (L) and Steve Witkoff (R)

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wadahadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iriaan ayaa guul darreystay dhamaadkii isbuucaan, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu baajiyay safar la qorsheeyay oo saraakiisha Mareykanka ay ku tagi lahaayeen Pakistaan.

    Wax yar ka dib markii wafdiga Tehraan ay ka soo ambabaxeen Islamabad, Trump wuxuu ku dhawaaqay Sabtidii in ergeyga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner ay "waqti badan lumin doonaan" iyagoo u duulaya caasimadda Pakistan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa kulan la yeeshay masuu;iyiinta Pakistaan dhamaadkii asbuucii hore, isaga oo sheegay in uu markale la wadaagay mowqifka Iiraan ee joojinta dagaalka laakiin weli ma uusan arkin in Maraykanku "run ahaantii ay dhab ka tahay diblomaasiyadda".

    "Haddii ay rabaan inay hadlaan, waxa kaliya ee ay tahay inay sameeyaan waa inay isoo wacaan," ayuu yiri Trump Sabtidii. Waxa uu soo jeediyay in Maraykanku haysto "dhammaan kaadhadhka" halka Iran "uu ka jiro dagaal weyn iyo jahawareer ka dhex jira 'hoggaamintooda'".

    Sii akhri:

  7. Arrimaha dibadda Iiraan oo Maraykanka ku eediyey fashilka wada-xaajoodka, kadib markii uu ka degay Ruushka

    Araghchi ayaa ku eedeeyay dalabka Mareykanka ee ku saabsan fashilka wadahadalka markii uu ka degay Ruushka

    Xigashada Sawirka, Iranian Foreign Ministry/Getty Images

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in dalabaadka xad dhaafka ah ee Mareykanka ay sababeen in wada xaajood nabadeed ee ka dhacayey Islaaamabaaad uu ku guuldareysto, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlayey warbaahinta kadib safarka uu Ruushka u joogo.

    Carakchi wuxuu sheegay inuu saaxiibkooda Ruushka uu kala tashan doono dagaalka Bariga Dhexe, isagoo ku hadlaya afka Persian oo uu la wadaagay kanaalkiisa Telegram.

    Sida aan soo tabinnay, imaatinka Araghchi ee Ruushka ayaa yimid ka dib kulan uu madaxda Pakistaan ka hor inta uusan iman.

    Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ka hadlay xiritaanka socda ee Iiraan ee marin biyoodka Hormuz. Waxa uu sheegay in marin biyoodka bad-qabkiisa ay tahay arrin caalami ah, wuxuuna ugu baaqay dalalka deriska ah oo ay ku jirto Cumaan in ay si dhow uga wada shaqeeyaan danta labada dhinac ee cidhiidhiga.

    Araghchi waxa uu soo jeediyay inuu jiro wax badan oo ay wadaagaan Iran iyo Cuman, waxaana uu intaa ku daray in la isku afgartay in wadahadalo dheeraad ah laga yeesho xaalada cakiran ee labada dhinac.

    Sii akhri:

  8. Cumaan iyo Iiraan oo ka wada hadlay marin biyoodka Hormuz

    Cuman iyo Iran ayaa ka wada hadlay 'mas'uuliyadda la wadaago' marin biyoodka Hormuz - wasiirka arrimaha dibadda Cumaan

    Xigashada Sawirka, IRANIAN FOREIGN MINISTRY/HANDOUT/EPA/Shutterstock

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa ka hor inta uusan u safrin Pakistaan iyo dalka Ruushka oo uu hadda joogo, waxa uu axadii booqasho ku tagay dalka Cumaan oo uu kulamo la qaatay dhiggiisa iyo hogaamiyaha dalkaasi.

    Qoraal uu soo dhigay X, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Albusaidi ayaa sheegay in isaga iyo Cabbaas Araghchi ay si wanaagsan uga wadahadleen marin biyoodka Hormuz, halkaas oo ay kaga hadleen "mas'uuliyadda ay wadaagaan beesha caalamka iyo baahida degdegga ah ee bini'aadantinimo ee lagu sii dayn karo badmaaxiinta la haysto muddada dheer".

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa u mahad celiyay "marti qaadka uu ka helay inta uu ku sugnaa Cumaan".

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Cabaas wuxuu sidoo kale ku xusay marinka muhiimka ah ee maraakiibta, isagoo sheegay in wada hadaladooda "ay ku jireen habab lagu xaqiijinayo bad-qabka gaadiidka" ee marinka cidhiidhiga ah ee Hormuz.

    Sii akhri:

  9. Maxay tahay Ujeedada booqashada Boqorka Ingiriiska ee Maraykanka

    King Charles and Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qasriga boqortooyada Buckingham ayaa sheegay in booqashada rasmiga ah ee Boqor Charles III uu ku tagayo Mareykanka ay bilaabanayso gelinka dambe ee maanta “u socon doonto sidii qorshuhu ahaa”, iyadoo la sameynayo wax ka beddello yar yar.

    Qasrigu wuxuu sheegay in Boqorku “aad ugu farxay" in madaxweynaha Mareykanka, Melania Trump iyo martidii kale aysan waxyeello soo gaarin, kadib rasaastii ka dhacday xafladdii ay ka qeyb-galayeen.

    Waxaa la filayaa in Boqor Charles uu khudbad ka jeediyo labada aqal ee Kongareeska, uu booqdo xusuusta 9/11 ee New York, isla markaana ka qayb galo munaasabad ubax lagu dhigayo oo lagu maamuusayo askartii Mareykanka iyo UK ee ku dhintay Virginia. Weli ma cadda waxa saxda ah ee wax ka beddelka lagu sameeyay safarka.

  10. War deg deg ah, Maxkamadeynta Netanyahu oo markii sadexaad baaqatay.

    Netanyaahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyaahu

    Warbaahinta The Jerusalem Post ayaa sheegtay in qiyaastii 90 daqiiqo ka hor waqtiga ay bilaaban lahayd maxkamadda ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, “si kedis ah loo baajiyay”, iyadoo uu codsaday qareenkiisa.

    Mudane Netanyahu waxaa loo qorsheeyay inuu maanta ka markhaati furo dhageysi maxkamadeed oo ciqaabeed kadib dib u dhac ku dhowaad lix toddobaad ah.

    Tani waa markii saddexaad ee dhageysiyada maxkamadda dib loo dhigo sababo la xiriira colaadda Israa’iil ee Gaza iyo dagaalka ay kula jirto Xisbullaah.

    Weli si rasmi ah looma shaacin sababta keentay dib u dhaca dhageysiga maxkamadeed ee maanta.

    Kiiskaan Netanyahu ee maxkamadeynta ayaa socda muddo shan sano ah, isaga oo salka ku haya saddex dacwadood oo kala duwan oo lagu eedeeyay oo kamid yihiin laaluush, khiyaano iyo ku takri-fal awood.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa dayrtii hore ka codsaday madaxweynaha Israa’iil cafis arrintan la xiriira.

    Sii akhri:

  11. Eedeysananaha weerarkii xafaldda Cashada oo maanta lagu wado in Maxkamad la soo taago

    Eedeysane oo maanta si rasmi ah loogu soo oogi doono Maxkamad

    Xigashada Sawirka, US President Trump via Truth Social/ Getty Images

    Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad la soo taago Eedeysanaha weerarkii ka dhacay Maqaaxi ay ku sugnaayee Wariyayaal ka tirsan Aqalka Cad ee Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka habeenkii Sabtida.

    Eedaysanaha ayaa warbaahinta Maraykanku waxa ay magaciisa ku sheegeen Cole Tomas Allen oo 31 jir ah, kana soo jeeda magaalada Torrance ee gobolka California.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Todd Blanche ayaa sheegay in "natiijooyinka hordhaca ah" ay muujinayaan in eedeesanaha uu bartilmaameedsanayay madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Trump laftiisa inuu ahaa bartilmaameedka " ayaa suurtagal ah ".

    Wax ka yar hal saac ka dib dhacdada, Trump wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Truth Social, "Qofkii toogashada geystay waa la qabtay", isaga soo raaciyey masswirka kore.

    Waxaa la filayaa in maanta uu kasoo muuqdo maxkmadda isaga oo lagu qaadayo dacwad la xiriira weerar uu u geystay sarkaal ka tirsan dowladda federaalka iyo in uu isticmaalay qoriga uu watay xilli uu ku jiray fal-dembiyeed. Eedaymo kale oo federaali ah oo gadaal laga sheegi doono, ayuu yiri Blanche.

    Sii akhri:

  12. War deg deg ah, Madaxweynaha Soomaaliland oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay xafladii cashada ee Trump

    Cirro

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Cirro

    Madaxweynaha jamhuuriyadda madax bannaanideyda ku dhawaaqday ee Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ku dhaleeceeyey wararkii ak dhacay xafladdii cashada ahayd ee Trump uu u sameeyey weriyeyaasha.

    Qoraalka ayuu ku yiri Cirro, “Aad ayaan uga xumahay isku daygii weerar ee Maraykanka Madaxweyne Donald Trump, waana ku faraxsanahay in Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Marwada Koowaad, iyo dhammaan inta kale ay nabad qabaan, Somaliland waxay si aan gabasho lahayn u cambaareeneysaa dhammaan nooc kasta oo rabshad ah, waa ay ka reeban yihiin dimoqaraadiyadda”.

    Qoraallka uu madaxweynuhu soo dhigay ayaa lagu soo gababeeyey “Waxaan si garab taaganahay Maraykanka”.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku sheegtay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah, inuu yahay eedeesanaha loo xiray falkaan, ka dib markii ay booliisku sheegeen inuu rasaas ku furay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen intii ay socotay dhacdada. Waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah la soo taago maxkamada.

    Sii akhri:

  13. War deg deg ah, Muxuu yahay qorshaha cusub ee Iiraan ee ku aadan wada-hadallada?

    Degdeg
    Qoraalka sawirka, Degdeg

    Sida ay qoreyso warbaahinta Axios: dowladda Iiraan ayaa Maraykanka usoo bandhigtay soo jeedin iyo dalabaad cusub, kuwaas oo ku dalbaneyso in ugu horreyn la furo 'marinka Hormuz, la soo afjaro dagaalka, dibna loo dhigo wada-hadalllada Nukliyeerka'.

    Axios, oo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah iyo laba ilo oo arrintan la socda, iIraan ayaa qodobbadaan usoo bandhigtay Maraykanka iyada oo u sii marinaysa Pakistan oo gar wadeen ka ahayd wada-xaajoodka Iiraan iyo Maraykanka, si dib loogu furo marinka Hormuz loona soo afjaro dagaalka.

    Sii akhri:

  14. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo ka warbixiyey safarka uu ku joogo Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, TASNIIM

    Qoraalka sawirka, .

    Markii uu gaaray St. Petersburg, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Araghchi, wuxuu sheegay in “mar walba waxaan la leenahay wadatashi dhow iyo xiriir laba geesood ah oo joogto ah Ruushka, balse waxaa jiray hakad ku yimid kulamada sababo la xiriira dagaalka mudada socda”, ayuu Cabaa.

    Isaga oo intaas ku daray in ay hadda timid fursad ay kula tashadaan oo ay isku arkaan iyaga iyo saaxiibkooda Ruushk.

    wasiirka ayaa hore safari ugu soo maray dalalka Pakistaan iyo Cumaan, isaga oo intii uu ku sugnaa Pakistaan wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan sheegay in Pakistaan ay door muhiim ah ka qaadatay dhex-dhexaadinta wadahadallada Iiraan iyo Maraykanka, waxaana muhiim ahayd in laga wada hadlo horumarradii ugu dambeeyay, wuxuuna yiri “waxaan la yeelanay kulan wanaagsan saaxiibadeenna Pakistan, taas oo Ilaahay mahaddii ahayd iyo safar aad u guuleystay. Waxaan dib u eegnay wixii dhacay, waxaana ka wada hadalnay waddada iyo shuruudaha ay wadahadalladu ku sii socon karaan”.

    Waxa uu sidoo kale, safarkiisii Cumaan ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ahaa xiriirka ay la leeyihiin waddamada Khaliijka, “Annaga iyo Cumaan waxaan nahay laba dal oo xeeb ku leh Marinka Hormuz, waxaana lagama maarmaan ahayd in arrintan laga tashado, bad-qabka isku socodka Hormuz waa muhiim, waxaana u baahanahay inaan yeelanno isku-duwid dhow si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah, ee Cumaan, Iiraan iyo dalalka kale ee ku teedsan Hormuz”.

    Waxaa kale oo aad akhrin kartaa:

  15. Muxuu Barack Obama ka yiri weerarkii casho sharafta Trump u sameeyey weriyeyaasha?

    Trump/Obama

    Xigashada Sawirka, ROBERTO SCHMIDT/AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump/Obama

    Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa ka falceliyay weerarkii dhacay intii lagu jiray xaflad casho ahayd oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u sameeyey weriyeyaasha.

    “Weli si cad looma oga waxa sababay toogashada ka dhacday Cashadii Wariyeyaasha Aqalka Cad, laakiin dhammaanteen waxaa na saaran mas’uuliyad ah inaan hubinno in rabshaduhu aysan boos ku lahayn dimuqraadiyadda.” ayuu Barack Obama ku qoray bartiisa X.

    Waxaa xusid mudan in kadib rasaasta uu jiro nin tuhmanaha oo loo xiray

    Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa wariyeyaasha la hadlay, isaga oo eedeesanaha ku tilmaamay “mid xanuunsan.”

    Xafladaan ayaa waxaasugnaa madax sare oo ka tirsan maamulka Trump iyo boqolaal weriyeyaal ah.

  16. Sidee warbaahintu uga hadlayesaa diyaaraddii Iiraan ee Weerartay saldhiga Mareykanka ee Kuwait?

    F-15

    Xigashada Sawirka, EBRAHIM NOROUZI/AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, F-15

    Warbixin gaar ah oo ay baahisay shabakadda warbaahinta Mareykanka ee NBC ka diyaarisay hawlgalka diyaarad dagaal oo Iiraan leedahay nooca F-5 maalmihii ugu horreeyay ee dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka-Israa’iil iyo Iiraan, iyo faahfaahinta khasaaraha uu geystay weerarkan, ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka warbaahinta.

    Warbixintan, NBC oo soo xiganaysa ilo kala duwan iyo saraakiil militari oo Mareykan ah, ayaa qortay in qiimeynta sirdoonka iyo falanqaynta la daabacay ay muujinayaan in diyaarad duug ah oo Iran leedahay nooca F-5 ay ku guuleysatay inay ka gudubto nidaamyada difaaca hawada ee heerarka badan leh ee Mareykanka, isla markaana ay beegsato saldhig militari oo Mareykan ah oo ku yaal Kuwait; waa arrin , sida warbixintu sheegtay, wax ka beddeleysa aragtida laga haysto awoodda militariga Mareykanka ee gobolka.

    Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarkan uu qayb ka ahaa weerarro taxane ah oo lagu qaadayey in ka badan 100 bartilmaameed oo ku kala yaallay dalal dhowr ah oo gobolka ka tirsan, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray kaabeyaasha militari sida warshadao, raadeerrada diyaaradaha, iyo xarumaha ciidamada

    Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in gelitaanka diyaarad dagaal oo duug ah ee nidaamyada difaac ee casriga ah ay dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan nuglaanta ciidamada Mareykanka ee saldhigyada ku yaal Gacanka Faaris.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka weli si madax-bannaan uma xaqiijin mana beenin faahfaahinta buuxda ee warbixinnadan, baaritaannaduna weli way socdaan.

  17. Faahfaahin weli ka soo baxaysa ninka lagu tuhunsanyahay inuu weeraray xaflad ka socotay meel u dhow Aqalka Cad

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/ Truth Social

    Ilo ka tirsan hay’adaha fulinta sharciga ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo bah-wadaag la ah BBC-da in ninka looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay toogashada ka dhacday Washington uu hadda ku jiro gacanta booliska, laguna hayo saldhigga Metropolitan Police Department ee waqooyi-galbeed Washington, DC.

    Sida ay sheegeen, waxaa loo wareejin doonaa xarun lagu hayo maxaabiista oo ku taalla koonfur-bari caasimadda, ka dibna maata oo ah Isniin ayaa la hor keeni doonaa maxkamad federaal ah.

    Waxaa xusid mudan in dhacdada toogashadu ay dhacday xilli casho loo sameeynayay weriyeyaasha Aqalka Cad ee Washington, halkaas oo madaxweyne Donald Trump iyo xaaskiisa ay sidoo kale joogeen, kuwaas oo si nabad ah loogala cararay goobta.

  18. Kulanka maanta la filayo inuu ka dhaco Moscow iyo qodobbada looga hadlayo

    Putin iyo Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho ku jooga Ruushka, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada Moscow.

    Macluumaadkan waxaa bixisay wakaaladda wararka Iiraan, iyadoo soo xiganaysa safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali.

    Kazem Jalali ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu dhici doono maanta oo Isniin ah. Wuxuu intaas ku daray in Caraqji uu wadahadallo la yeelan doono mas’uuliyiinta Ruushka, iyagoo ka wada hadli doona xaaladdii ugu dambeysay, xabbad joojinta, iyo arrimaha la xiriira.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii xaqiijisay in Caraqji uu imaan doono Moscow si uu wadahadallo u yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.

    Waxaa xusid mudan in Cabbaas Caraqji uu horeyu booqday Pakistan iyo Cumaan, halkaas oo looga hadlay xaaladda ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

  19. War deg deg ah, Marinka Hormuz oo laga wadahadlayo

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran: Wadahadallada ka dhacay Cumaan waxay diiradda saareen sidii loo xaqiijin lahaa Marinka Hormuz, sidii uu noqon lahaa marin ammaan ah.

    Mareykanka ayaa xanibaad saaray Marinka, iyadoo dhowr markab oo ka yimd Iiraan oo saliid wada la qabtay.

  20. War deg deg ah, Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay Koonfurta Luban

    Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta dalka ay ku dileen ugu yaraan 14 qof Axaddii, isla markaana ay ku dhaawaceen ku dhowaad 40 kale, inkastoo ay jirto xabbad-joojin wali ka jirta dalka.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu beegsaday waxa uu ku tilmaamay “unugyo argagixiso oo gantaallo ridaya iyo goobo lagu kaydiyo hubka” oo ay isticmaasho Xisbullah.

    Sida ku cad shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta, oo dhowaan la kordhiyay, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarro degdeg ah ama socda, waxayna beegsanaysay bartilmaameedyo ku yaalla Lubnaan ku dhowaad maalin kasta.

    Horrey Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in mid ka mid ah askartooda la dilay, lix kalena lagu dhaawacay weerar diyaaradda aan duuliyaha lahayn oo ay Xisbullah ka fulisay koonfurta Lubnaan Axaddii.

    Labada dhinacba waxay midba midka kale ku eedeeyeen jebinta soo noqnoqotay ee heshiiska xabbad-joojinta.

Trending Now