War cusub oo ka soo kordhay xaaladda dalka Mali

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wararka ka imanaya dalka Mali ayaa sheegaya in ciidamada dalkaas ay ka baxayaan magaalada Tessit ee waqooyi-bari, iyadoo kooxaha fallaagada ay sii xoojinayaan weerarradooda kadib hawlgal cusub oo ay bilaabeen dhammaadka toddobaadkii aan soo dhaafnay.
Sida uu sheegay wariyaha BBC, waqooyiga magaalada Kidal iyo koonfurta gobolkaas ayaa ah meelaha ay si aad ah uga firfircoon yihiin kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala dalka Mali.
Koox xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inay u oggolaatay askarta inay hubkooda dhigaan isla markaana si nabad ah uga baxaan aaggaas.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay sidoo kale ka baxeen magaalada Kidal ee waqooyiga dalka Mali ciidamo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka hawlgali jiray Afrika, kuwaas oo la socday ciidamada Mali.
Magaaladan Kidal waxaa ciidamada Mali ay qabsadeen saddex sano ka hor, iyagoo markaas taageero ka helayay Ruushka.
Dowladda militariga ee Mali weli si rasmi ah ugama aysan hadlin dhacdooyinkan.

















