Iyadoo duufaan weyn oo xilliga qaboobaha ay ku dhufatay qaybo ka mid ah waqooyiga bari ee Maraykanka ayaa maamulka maxalliga ah iyo hay’adaha gaadiidka waxay dadka ku boorinayaan inay ka fogaadaan safarrada. Melaha ay cimiladaas saamaysanta ku yeelatay waxaa ka mid ah:
NJ Transit, oo ka hawlgasha New Jersey, qaybo ka mid ah gobolka New York iyo Pennsylvania, ayaa sheegay in dhammaan tareennada, baska, tareenada fudud iyo adeegyada isku xirka la hakiyey ilaa ogeysiis dambe.
Magaalada New York, tareennada dhulka hoostiisa mara qaarkood ayaa ku socda waddooyinka tareenada caadiga ah, laakiin Maamulka Gaadiidka Magaalooyinka ayaa ka digaya dib u dhacyo ba'an waxayna kula talinayaan macaamiisha inay ka fogaadaan safarka. Waxaa jira sugitaan dheer oo basaska maxalliga ah.
Connecticut gudaheeda, CT Transit waxay hakisay dhammaan adeegyadeedii baska ee maalinta, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay dib u bilowdo Talaadada.
Tareenada dhulka hoostiisa mara, baska iyo adeega tareenada caadiga ah ee rakaabka ayaa shaqaynaya ayadoo jadwalkooda shqo la dhimay gobolka Massachusetts, Maamulka Gaadiidka Massachusetts Bay ayaa sidaa sheegay. Adeegga doomaha ayaa la joojiyay.
Hay’adaha adeegga gaadiidka Delaware ee DART ayaa hakiyay dhammaan adeegyada gobolka oo dhan Isniinta.
Pennsylvania, dhammaan adeegyada basaska ayaa la hakiyay ilaa ogeysiis dambe, sida uu qabo Maamulka Gaadiidka Koonfur-bari ee Pennsylvania (SEPTA). Tareenka gobolka ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah loo hakiyay. Metro Philadelphia qayb ahaan wuu socdaa, laakin waxaa dhici kara dib u dhac ama baaqasho.
In ka badan 5,400 oo duulimaadyo ah oo kus sii jeeday ama ka duuli lahaa Maraykanka gudaha Maraykanka ayaa la joojiyay maanta, sida laga soo xigtay bogga raadraaca duullimaadyada ee FlightAware.