Sheekkha qaraxyada dadka ka wacdin jirey ee lagu diley qarax Kismaayo ka dhacay

Waxaa magaaladda Kismaayo sacado ka hor ku geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed.
Shiikha ayaa la sheegay inuu u dhintay qarax maanta lagula eegtay Magaalada Kismaayo gaar aaan Isgoyska Somali star iyadoo warbaahinta gudaha ay soo tabinayaan in ciidamada Amniga ay halkaasi xireen. Dhawaan ayuu tagay magaalada Kismaayo oo lagu soo dhaweeyo.
Geeridiisa ayaa waxaa aad uga naxay dad badan oo Sooomaali ah oo yaqaanay Sheekh Cabdinaasir.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo uu sheegay inuu ku shihiiday qarax ay kooxaha arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi kula eegteen magaalada Kismaayo.
"Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal la soo barta Facebook ee Villa Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitter-ka ku cambaareyay dilka Sheekha.
"Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goor dhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir," ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka warfaafinta Dubbe.
Waxaa sidoo kale qaraxa ka hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jubbaland
"Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray. Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada," ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo BBC-da u warramay ayaa sheekha maanta duhurkii lagu qarxiyay magaalada Kismaayo isaga 3 wiil oo dhalinyaro ah oo la socday.
Waxa uu sheegay in uusan xog ka helin cidda dishay sheekha balse waxa uu yiri: "Waxay nala tahay inay dileen nimankii uun dadka layn jiray oo culimada dili jiray oo hadda ka horna dileen culimada badan."
"Sheekha waxa uu Sheekh u ahaa Soomaliyiya oo dhan xaruntiisuna waxay ahayd magaalada Laascood balse meel kasta oo sooomaaliya ka mid dacwada ayuu ka waday, kismaayaana waxa uu u tagay arady shareecada la barayo inuu daruus diini ah soo siiyo waxa uuna sababsaday oo keliya diintii uu fidinayay iyo dadkii uu xaqa u sheegayay."
"Shiikh Cabdinaasri waxaa 1957-1958 ku dhashay magaalada buuhoodle baadiya u dhaw ka dibna waxa uu u wareegay magaalada Burco oo ka dhameystay dugsi Hoose dhexe ilaa dugsi sare intaas ka dibna waxa uu ka mid noqday saraakiishii Ciidankii Soomaaliya isagoo sheekh iyo sarkaal isku ah ka dibna waxa ka qeyb qaadatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii markii uu dagaalka dhamaadayna waxaa dib ugu noqday shaqadiisii diinta iyo ilaa maanatana waxa uu waday u shaqaynta diinta," ayuu yiri Sheekh Maxamuud Xaaji.
Sheekh Maxamuud Xaaji ayaa sheegay in lagu xusuusan doono midda uu dhintay ee ah inuuu ahaa shakhsi u go'ay inuu diinta Ilaahay u shaqeeyo.
"Waxa uu ahaa shakhsi mowqifkiisa cad yahay gaar ahaan marka laga hadlayo nimankan hadda dadka laynayo oo waxa uu caddeyn jiray in caqiido iyo camal ahaan ay yihiin niman qallocday oo diintii ka qallocday oo aan sharecada islaamaka meel kaga sugnayan.
"Waxaa sidoo kale lagu xusuunsan doonaa inuu ahaa shakhsi u taagan midnimada Soomaaliya oo meelkasta oo la joogo hadla waxa uuna maamulada ku canaan jiray inay Alle ka baqaan oo umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo ."
Waxa uu sheegay in dadkan la fahmay inay diin la dagaalan yihiin anagana waxaan halkaas ka sii wadaynaa dacwada iyo diintii uu waday.
Shiikh Cabdinaasir ayaa waxaa uu marar badan ka hadlay dadka is qarxiya ee naftooda midaamiya.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo la weydiiyay su'aal ahayd waxa ay diinta ka qabto dadka is qarxiya ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu yahay qof naftiisa dilay ayna uu yahay dambi weyn.














