Qoyska Cali Khamenei: Yaa la dilay yaa se nool?

shabakah
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Warbixinta ku saabsan dilka qaar ka mid ah qaraabada hoggaamiyihii hore Iiraan, Cali Khamenei, ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan cidda ka hadhay qoyskaasi.

Waxaa la is weydiinayaa imisa xaas uu Ali Khamenei lahaa, yaa se ka mid ah qoyskiisa ugu dhow.

Intii uu talada hayay, Cali Khamenei wuxuu xilal iyo shaqooyin siiyay xubno badan oo qoyskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa markaa noqday mucaaradkiisa, qaarna waxa lagu xidhay xabsiyo, qaar kale waxay u qaxeen dalal shisheeye.

Maqaalkani wuxuu soo ururinayaa xogta la heli karo ee ku saabsan qoyskii hoggaamiyihii hore ee dalkaasi.

Qoyska Khamenei

Yaa la dhintay Cali Khamenei?

Markii laga reebo hoggaamiyihii diinta ee lagu dilay weerarka, waxaa sidoo kale la dilay gacan-yarahiisii, Mansoureh Khojasteh Bagherzadeh oo geeriyootay saddex maalmood kaddib weerarka.

Warbaahinta Iiraan ayaa xaqiijisay wararkan, iyagoo sheegay in ay si daran ugu dhaawacantay weerarkaasi, taas oo keentay in ay ku jirtay xaalad halis ah.

Tan iyo xilligii Khamenei uu noqday hoggaamiyaha diinta Iran, marar dhif ah ayaa la baahiyay sawirrada gabadhaasi.

Sida lagu sheegay warbixino badan, waxaa jiray qaar ka mid ah qoyskiisa oo lagu dilay weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan:

Zahra Haddad Adel, oo ah xaaska Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee diinta ee dhawaan la doortay. Misbah-ul-Hada Bagheri Kani, wiilka uu sodogga u yahay ee qaba Hoda Khamenei.

Waxa kale oo la dilay Zahra Mohammadi Golpayegani, oo ah gabadha uu dhalay Bashar Khamenei oo da'deedu tahay 14 sano.

Aabbaha, hooyada iyo awowga Khamenei

Hossein Tafreshi Khamenei oo ahaa macallin diinta oo ka soo jeeda gobolka Tabriz waa awowga Cali Khamenei.

Hossein Mojtahid Khamenei, oo awow u ahaa Cali Khamenei, ayaa guursaday gabadh Turkiyad ah oo la odhan jiray Mah Khanun.

Waxa ay dhaleen Javad Hosseini Khamenei.

Javad waxaa uu ku dhashay magaalada Najaf, ka hor intaanay u guurin Tabriz, kaddibna waxay u guureen Masshad si ay halkaas u degaan.

Javad Hosseini Khamenei wuxuu ahaa imiamka masaajidka Turkiga ee ku yaalla Masshad.

Khamenei walaalihii

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed Khamenei waa wiilka ugu weyn ee qoyska, wuxuuna afar sano ka weyn yahay Cali Khamenei.

Waxaa uu dhashay sannadkii 1935-kii, wuxuuna bartay sharciga oo uu ka qaatay Jaamacadda Tehran.

Intii uu talada hayay Khomenei, Mohammad Khamenei wuxuu ahaa mid ka mid ah xubnaha golaha kubarada ee 99-ka xubnood ee dalkaasi.

Rubabeh ama Badr Sadat Khamenei, oo dhalatay 1942-kii, waa gabadha saddexaad ee qoyska, waxayna ahayd gabadhii ugu yarad ee qoyska islamarkaana noqotay gabadhii ugu horreysay ee qoyska ka hesha shahaadada jaamacadeed.

Ninkeedu waa Ali Moradkhani Aranga, oo loo yaqaan Sheikh Ali Tehrani.

Hadi Khamenei oo dhalatay1947-kii, waa wiilka afaraad ee qoyska iyo walaalka Ali Khamenei, wuxuuna ka mid ahaa ururrada xidhiidhka dhow la lahaa Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Hassan Khamenei, oo dhashay1950-kii, waa wiilka ugu yar qoyska, wuxuuna ahaa walaalka kaliya ee aan macallin ahayn.

Ali Khamenei wuxuu lahaa saddex walaal oo dumar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mahaifi, Fatemeh Soltan iyo Hamidreza Shamsollahi iyo gabadh kale oo aan la shaacin magaceeda.

Qoyska hooyadii

Khadija Mirdamadi, hooyada Ali Khamenei, waxay la dhalatay afar wiil iyo shan gabdhood oo ay dhashay xaaska labaad ee abbaheed oo kala ahaa Mohammad, Hamid, Ali iyo Safiyeh.

Waxa kale oo ay la dhalatay Hassan, Hussein, Fatemeh, Hamideh iyo Zahra Mirdamadi Najafabadi.

Qoyska dhinaca aabbaha

Aabbaha Mir Hossein Mousavi, ra'iisul wasaarihii dalka xilligii dagaalka, waa walaal la dhashay aabbaha Cali Khamenei.

Khamenei aabbihii wuxuu la dhashay gabadh la yidhaahdo Zahra Mousavi.

Xaaskiisa

Mansoureh Khojasteh Bagherzadeh oo ah gabadh la dhalatay Mashhad oo ka tirsan qoys ganacsato ah oo caan ah ayaa u dhaxday Ali Khamenei iyadoo jirta 17 sano, halka uu isagu jiray 25 sano.

Mansoureh Khojasteh waxay lahayd lix walaalo ah, kuwaas oo kala ahaa: Hassan, Mohammad, Javad, Hossein, Marzieh, iyo Mehdi.

Mansoureh Khojasteh, oo la joogtay ninkeeda xilliga weerarka ayaa geeriyootay saddex maalmood kaddib weerarkaasi oo uu dilay ninkeeda.

Gabdhaha uu soddogga u yahay

Warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in Ayatollah Khamenei uu diidi jiray carruurtiisa in ay ku lug yeeshaan dhaqaalaha ama ay qabtaan xilal sare oo dowladeed.

Taa beddelkeeda, waxay ka shaqeeyaan hay'adaha iyo waaxaha muhiimka ah ee dalka.

Mostafa oo dhlaatay 1965-kii, waa wiilka ugu weyn ee Ali Khamenei.

Wuxuu guursaday Saeideh Khoshvak, oo ah gabadh uu dhalay Azizollah Khoshvak, oo taageere weyn u ahaa Khamenei.

Mojtaba Khamenei oo dhashay1960-kii, waa wiilka labaad ee Ali Khamenei, wuxuuna lahaa saameyn xooggan xilliga uu aabbihiis talada hayay.

Zahra Haddad Adel, oo lagu dilay weerarka Maraykanka, waa xaaska Mojtaba.

Zahra waxay ahayd gabadh uu dhalay Gholam Ali Haddad Adel, oo ahaa madaxweynihii hore ee baarlamaanka Iran.

Gabdhaha Khamenei iyo ragga qaba

Bashar al-Khamenei, oo ah mid ka mid ah labada gabdhood ee Ali Khamenei, waxa ay dhalatay 1980-kii.

Ninkeeda waa Mohammad Javad, oo ah wiilka Mohammad Mohammadi Golpaygani, oo ahaa madaxa shaqaalaha xafiiska hoggaamiyaha diinta.

Mohammad Javad Mohammadi Golpaygani waa macallin dhiga fiqiga, jaamacad ku taalla magaalada Qom.

Waxaa la sheegay in labada carruurta ah ee Bashar la dilay maalintii weerarka lagu qaaday guriga hoggaamiyaha, iyagoo la dilay isla waqtigaas.

Hoda Khamenei, waa gabadha Ali Khamenei, waa gabadh yar oo dhalatay 1988-kii.

Waxa qaba Misbah-ul-Hada Bagheri Kani, oo ah wiilka Mohammad Bagheri Bagheri Kani.

Misbah-ul-Hada Bagheri Kani waa borofisar ka tirsan Jaamacadda Imam Sadeq ee dalka Iiraan.