Jawaab ceynkee ah ayey dalalka Khaliijka ka bixinayaan dagaalka gobolka?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Waxaan halkan ku falanqeyneynaa qaar ka mid ah wargeysyada wax ka qoray dagaalka Iran. Waregeyska Wall Street ayaa qoray in dalalka khaliijka ay haystaan "nidaamyo dhaqaale iyo militeri" ay ugu jawaabaan Iran. Maqaal kale oo lagu qoray Washington Post ayaa isna dhahaya "xaaladda dhabta ah ee nidaamka maaliyadeed ee adduunka ayaa kaa yaabineysa,". Waxaan kaddib eegeynaa maqaal lagu qoray Independent oo isna dhahaya weli waqti kaama tagin.
Waxaan falanqeynteena ku bilaabeynaa maqaal lagu qoray wargeyska Wall Street oo cinwaankiisu yahay "Iran waxay weerartay dawladaha Khaliijka, miyay ka aargoosan doonaan?"
Sida uu wargeysku sheegayo, waa la fahmi karaa taxadarka dawladaha Khaliijka markay ka jawaabayaan weerarada Iran. Dalalkan waxay ku yaalaan safka hore halka ay Iran weerareyso, Mareykankana ma ahan dal laysku haleyn karo.
Sida wargeysku sheegayo, weerarada Iran ee dalalka Carabta waxay ka dhigan tahay in dalalkan ay hadda si weyn u doonayaan in ay ka adkaadaan Tehran oo Mareykanka ka caawiyaan in uu guuleysto.
Sida uu wargeysku sheegayo, weerarada Iran ee ay ku soo qaaday waddamada Carabtu waxay ka dhigan yihiin in dalalkan ay hadda leeyihiin dano cusub oo ah in ay ka adkaadaan Tehran, iyo in ay wax badan ka qaban karaan si ay Maraykanka uga caawiyaan in uu guuleysto.
Iran uma haysto wax cudurdaar ah weerarada ay ku qaaday Dubai iyo Cumaan. Cumaan waxay u ogolaatay bangiyada Iran ee cunaqabateynta saaran in ay ka shaqeeyaan dalkeeda. Iran waxay weerartay dekadaha Cuman iyadoo dishay muwadiniinteeda.
Wargeysku wuxuu sheegayaa in dawladaha Khaliijka ay sidoo kale ku biiri karaan isbahaysiga ujeeddadiisu tahay in marinka Hormuz dib loo furo, oo ay u adeegsadaan saamayntooda dublamaasiyadeed. Dawladaha Khaliijka waxay sidoo kale cadaadis saari karaan Shiinaha si Iran u joojiso weerarada. Shiinaha waxaa lagu cadaadin karaa in uu joojiyo diyaaradaha iyo qalabka uu ka iibiyo Iran.
Maqaalku wuxuu ka hadlay kala doorashada maaliyadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee dalalka Carabtu haystaan.
Wargeysku wuxuu ka hadlay awoodda Imaaraadka ee hawada sare iyo waxa ay sameyn karaan diayaradaha F-15 ee Sacuudigu haysto.

Xigashada Sawirka, AFP PHOTO / ROYAL THAI NAVY
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maqaal uu wargeyska Washington Post ku qoray Zachary Karpel ayuu cinwaan kaga dhigay "Xaaladda dhabta ah ee nidaamka maaliyadeed ee adduunka ayaa kaa yaabin karta".
Zachary Karpel wuxuu sheegay in dadka qaarkii ay aaminsan yihiin in nidaamka maaliyadeed ee adduunka uu haysto cadaadis daran kaddib markii uu toddobaadyo socday dagaalka ay Israel iyo Mareykanka ku qaadeen Iran. Adduunka ayaa wajahaya dhibaato tamareed tii ugu darneyd taariikhda laga soo bilaabo sanadihii 1970-meydadii. Hadda waxaa xayiran 20 boqolkiiba shidaalka adduunka.
Karpel wuxuu aaminsan yahay saddexda toddobaad ee dagaalka uu socday in nidaamka maaliyadeed uusan weli wiiqmin.
Qoraaga maqaalka wuxuu leeyahay, xitaa markii uu dilaacay Fayruskii Korona sanadkii 2020-kii iyo tallaabooyinkii adkaa ee xigay, nidaamka maaliyadeed ee adduunka si hufan ayuu u sii shaqeeyay.
Maqaalka wuxuu sheegay in dhibaatada suuqyada tamarta ee hadda taagan ay muujineyso in nidaamka maaliyadeed ee adduunka uu hadda khatar ku jiro "balse taasi weli ma cadda".
Qoraaga wuxuu ku soo gabogabeeyay maqaalkiisa, "In markasta ay suuragal tahay in lagu dhow yahay halkii ugu sareysay ee gabogabada". "Qalalaasaha maaliyadeed waa wax wax yeelo leh, in laga soo kabtana waxay qaadaneysa sanooyin". Qoraaga wuxuu aaminsan yahay in khatarta dagaalka iyo xirnaanta marinka Hormuz ay tahay wax aan layska indhotirikarin.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in lala socdo khataraha dagaalka iyo xiritaanka marinka Hormuz.

Xigashada Sawirka, Ute Grabowsky/Photothek via Getty Images
Marka laga soo tago dagaalka, waxaan ku soo gabogabeynyenaa qeybtan maqaal lagu qoray wargeyska Independent kaas oo cinwaankiisu yahay "Ma jimicsan karin markii aan jiray 59, hadana anigoo 76 jir ah ayaan sameyn karaa".
Harry Balmore ayaa ka hadlay in Lillian Hines oo 76 jir ah ay jimicisiga ku bilowday markii ay gaartay 60 jir.
Balmore wuxuu akhristayaasha siinayaa rajo, isagoo yiri Hines waa "tusaalaha ugu wanaagsan ee ah in waqti uusan kaa tagin hadii aad dooneyso in aad bilowdo jimicsiga."
Lillian waxay jimcisga bilowday ka hor inta aysan 60 jir noqon. Wiilkeeda oo leh xarun jimcis ayey la bilowday. Waxay ku bilowday in yar oo fudud. Hadda afar maalmood ayey toddobaadkii sameysaa jimicsiga.













