Maxay ahayd fariintii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga intii uu ku guda jiray booqashadiisa dalalka Khaliijka?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa toddobaadkii hore u safray Riyaad, Doha, iyo Abu Dubai .

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa toddobaadkii hore u safray Riyaad, Doha, iyo Abu Dubai safarkiisii diblomaasiyadeed ee ugu horreeyay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay Iiraan ku qaadeen dagaalka. Wuxuu isku dayay inuu dhowr hadaf isku mar gaaro: qiimeynta dagaalka, sii wadida xiriirka ee dowladaha Khaliijka, iyo xaqiijinta booskiisa ee maaraynta dhibaatooyinka.

Booqashada Mr. Fidan waxay dhacday xilli xiisadaha gobolku ay gaareen heerkii ugu sarreeyay sannadihii ugu dambeeyay, walaacyada ku saabsan in dagaalku ku faafo dalal kalena ay sii kordheen.

Booqashadii ugu horreysay ee safarka waxay ahayd Riyaad, halkaas oo lagu qabtay shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dhowr waddan oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Turkiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Masar, Urdun, Kuwait, Lubnaan, Pakistan, Suuriya, iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

War-saxaafadeed wadajir ahaa oo ka soo baxay shirka ka dib ayaa lagu cambaareeyay weerarrada Iiraan ee dalalka Khaliijka waxayna ku nuuxnuuxsadeen xuquuqdooda is-difaaca, iyagoo soo xiganaya Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay. Bayaanka ayaa sidoo kale ka digay in haddii weerarradu sii socdaan, la tixgelin doono xulashooyin jawaab celin milatari noqon karta.

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Turkiga ee shirka ma ahayn mid gebi ahaanba la jaan qaadaya kan dalalka kale. Sida laga soo xigtay warbaahinta Turkiga, Mr. Fidan wuxuu ku guuleystay inuu ku daro qodob ku saabsan in Israa'iil loo aqoonsaday inay tahay dhinaca ugu weyn ee bilaabaya xiisadda wuxuuna xusay"siyaasadaheeda baahaysa." Mowqifkan wuxuu ka tarjumayaa isku dayga Ankara ee ah inay ilaaliso dheelitirka u dhexeeya dhaleecaynta Iiraan iyo xoojinta doorka Israa'iil ee bilaabista colaadda.

Isla mar ahaantaana, Ankara waxay qaadatay mowqif adag oo ka dhan ah weerarrada Iiraan. Isagoo tixraacaya wadahadalkiisii taleefanka ee uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Caraqji, Hakan Fidan wuxuu sheegay in weerarrada gantaallada ay sii socdeen xitaa intii lagu jiray shirkii Riyaad wuxuuna dhinaca Iiraan u muujiyay in laga qaldanyahay.

Turkiga ayaa hore u shaaciyay in gantaallo laga soo riday Iiraan oo loo ganay dhanka Turkiga ay qabteen oo ay arrintaas gacan ka gaysteen nidaamyada difaaca cirka ee NATO. Mas'uuliyiinta Ankara ayaa ka digay in Turkigu uu xaq u leeyahay inuu ka jawaabo haddii weerarradu sii socdaan.

Iiraan waxay sheegtay in weerarrada aysan fulin Tehran, laakiin sharraxaaddan looma arkin mid lagu qanci karo Ankara, mas'uuliyiinta Turkigana waxay sii wadeen inay weerarrada u aaneeyaan Iiraan.

Dalalka gobolka oo ka wadahadlay xaaladda Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, Anadolu/Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid ka mid ah fariimaha ugu muhiimsan ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga intii uu booqashada ku jiray ayaa ahayd qiimeyntiisa mustaqbalka dagaalka. Wuxuuna carrabka ku adkeyay in muddada iyo masiirka colaaddu ay inta badan ku xirantahay mowqifka Mareykanka.

Sida laga soo xigtay isaga, inkastoo qaar ka mid ah dalalka gobolka ay aaminsan yihiin in dagaalku uu sii socon karo dhowr toddobaad oo kale, haddana waxaa jira calaamado muujinaya kala duwanaansho u dhexeeya Washington iyo Tel Aviv, taasoo horseedi karta dhibaato dheer. Qiimayntan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan cawaaqib xumada dhaqaale iyo amni ee ka dhalan karta sii socoshada dagaalka, gaar ahaan qaybta tamarta.

Dhanka kale, Turkiga ayaa sidoo kale isku dayay inuu taageero u muujiyo waddamada Khaliijka siyaabo la taaban karo. Wasiir Fidan ayaa ka digay in waddamada gobolka lagu qasbi karo inay aargoostaan haddii weerarradu sii socdaan.

"Haddii isbeddelkani sii socdo, waddamada Khaliijka waxaa lagu qasbi doonaa inay ka falceliyaan," ayuu yiri. Hadalladan waxay muujinayaan walaaca Ankara ee ah in gobolku uu galayo marxalad cusub oo iska hor imaad toos ah noqon karta.

Intaa waxaa dheer, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa tilmaamay cawaaqib xumada muddada dheer ee ka dhalan karta xiisaddan siyaasadaha amniga ee dalalka Khaliijka iyo gacanka Faaris, isagoo sheegay in dalalkani ay raadin karaan fursado cusub oo dhanka difaaca ah, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka iyo teknoolojiyada ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Turkiga, oo horumar la taaban karo ka sameeyay warshadihiisa difaaca sannadihii u dambeeyay, ayaa isku dayaya inuu fursaddan u isticmaalo inuu ballaariyo iskaashiga milatari ee uu la leeyahay waddamada gobolka. Iskaashiga dhow ee uu la leeyahay Qatar iyo wadahadallada ku saabsan mashaariicda sida diyaaradda dagaalka ee "Kan" ee lala galayo Sacuudi Carabiya ayaa lagu qiimeyn karaa xaaladdan.

Turkiga ayaa muujinaya doorkiisa ku aaddan dejinta xiisadda gobolka

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Marka laga soo tago tallaabooyinkan, Ankara waxay sidoo kale isku dayeysaa inay sii wadato doorkeeda dhexdhexaadnimo oo uu sii ahaado mid la isku halleyn karo. Wasiir Fidan wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Turkigu uusan qaadan mowqif laba geesood ah tan iyo bilowgii dagaalka, wuxuuna si cad u sheegay khaladaadka dhinacyada oo dhan.

Wuxuu yiri: "Waxaan si cad oo adag u aragnaa ficillada laga qaaday Iiraan iyo tallaabooyinka laga qaaday waddamada Khaliijka inay khaldan yihiin, waana soo qaadnay arrintaan." Sida laga soo xigtay isaga, habkan ayaa kordhiyay kalsoonida Turkiga ee gobolka.

Isagoo sii wada dadaalladan, ka dib markii uu dhammaaday safarkiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga wuxuu sii waday xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan oo uu la leeyahay dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan Iiraan, Mareykanka, Qadar, Sacuudi Carabiya, Pakistan, Masar, iyo Midowga Yurub.

Ujeeddada xiriirkan, ayuu yiri, waa in si fiican loo fahmo mowqifyada dhinacyada iyo in la helo siyaabo looga hortago in dagaalku sii faafo. Mudane Fidan wuxuu ku celceliyay in inkastoo aysan suurtagal ahayn in laga hortago faafitaanka dagaalka, haddana weli ay suurtagal tahay in laga hortago sii adkanata xaaladda.

Dhinaca safarkan, kulamo gooni gooni ah oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo mas'uuliyiin ka kala socda Sacuudi Carabiya, Pakistaan, iyo Masar ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka, taasoo mar kale soo bandhigtay mala-awaal ku saabsan sameynta nooc ka mid ah iskaashiga ama "isbahaysi goboleed."

Si kastaba ha ahaatee, ilo diblomaasiyadeed oo Turkiga ah ayaa sheegay in isbahaysi noocaas ahi uusan ku jirin ajandaha iyo in waxa halista ku jira ay tahay abuurista hab wax looga qabanayo arrimaha gobolka iyadoo lagu saleynayo mabda'a "lahaanshaha gobolka."

Safarka saddexda maalmood ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga uu ku tagay dalalka gobolka ayaa muujiyay in Ankara, oo ku jirta xiisad adag, oo ay ku lug leeyihiin dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed, in haddana ay doorkeeda gobolka qaadanayso, iyadoo xoogga la saarayo doorka Israa'iil ee ku aaddan bilaabista xiisadda iyo baahida loo qabo in dib loogu laabto waddada diblomaasiyadda.

Habkan, inkastoo laga yaabo in ay dhaleeceeyaan qaar ka mid ah dhinacyada, wuxuu ka tarjumayaa dadaallada Turkiga ee ah inuu ilaaliyo dheelitirka siyaasadeeda arrimaha dibadda mid ka mid ah waqtiyada ugu xasaasisan ee gobolka sannadihii la soo dhaafay.