Meydad, u badan dhallaan, oo laga soo saaray xabaal-wadareed laga helay Kenya

- Author, Basillioh Rukanga
- Reporting from, Nairobi
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Ku dhawaad 32 qof oo meyd ah oo caruur u badan ayaa laga soo saaray xabaal-wadareedyo ku yaalla magaalada Kericho ee galbeedka dalka Kenya, iyadoo wali ay socdaan baaritaanno ku aaddan helitaanka xabaalahan ee amakaagga leh.
Soo saarista meydadka ayaa la sameeyay kadib markii ay booliiska ay heleen amar maxkamadeed oo lagu soo faagayo 14 meyd ah oo markii hore la rumeysan yahay in lagu aasay goobta.
Richard Njoroge oo ku takhasusay baaritaannada meydadka oo ka tirsan dowladda ayaa weriyeyaasha u sheegay fiidnimadii Talaadada in waxa ay heleen ay ahaayeen "wax aan caadi ahayn" oo ah maydad "laga soo buuxiyay baco", ka dib hannaan maalin qaatay oo ay hakiyeen roobab xooggan.
Baaritaanka dhimashada ka dib ayaa la filayaa inuu bilaabmo Arbacada, iyadoo lagu baaqayo in si degdeg ah loo ogaado meydadka lana baaro xaaladaha dhimashada.
Njoroge waxa uu sheegay in ay jiraan "toddobo qof oo waaweyn iyo 25 carruur ah", iyada oo carruurtu ay ahaayeen dhallaan iyo uurjiif. Waxaa kale oo la soo saaray qaybo badan oo jirka meydadka ka mid ah.
Khabiirka ayaa intaa ku daray in meydadka qaar ay u muuqdeen kuwo laga keenay isbitaallada iyo goobaha meydadka balse taasi la sii ogaan doono baaritaanka kadib.
Waxa uu xusay in haraaga dadka waaweyn ay aad u googo'an yihiin, iyadoo kuwa carruurta ku jira ay aad u yar yihiin, taasoo uu tilmaamay in waqtiyo kala duwan ay dhinteen.
Talaadadii, baarayaasha meyadka iyo kooxaha dambi baarista, oo xiran suudadka ilaalinta ee cadcad, galoofisyada iyo waji-xirka, ayaa qodayay goobta iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Meydadka qaar ayaa la helay iyagoo bedqaba, halka kuwa kalena la helay qeyb ahaan haraaga iyo lafo, waxaana lagu riday boorsooyin caddeymo ah.
Booliiska ayaa xiray goobta laga faagayay meydadka, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen goobta. Qaarkood waxay u muuqdeen kuwo gariiraya markii ay baarayaashu diiwaangeliyeen marxalad kasta oo soo saarista meydadka ah.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soo-saarista meydadka ayaa timid ka dib markii xog laga helay qof u dhuun-daloola arrintan, taas oo ku dhalisay booliiska inay bilaabaan baaritaan. Maalintii Isniinta, Agaasimaha Baaritaanka Dambiyada (DCI) ayaa sheegay inay xogtooda horudhaca ah muujineyso in 13 meyd oo aan la sheegan si rasmi ah looga soo saaray isbitaal ku yaalla ismaamulka deriska ah ee Nyamira, ka dibna loo soo qaaday Kericho si loo aaso Jimcihii la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, su'aalo badan ayaa weli ka taagan meydadka dheeriga ah iyo qaabka aaska loo fuliyay. Sidoo kale, ma cadda sida meydadka loogu aasay goob ay leeyihiin Golaha Qaranka ee Kaniisadaha Kenya (NCCK), taas oo iska fogeysay inay xiriir la leedahay aaskaas qarsoodiga ah. Sarkaal ka tirsan ururkaas ayaa u sheegay mareegta Daily Nation in aaska la fuliyay iyadoo aan oggolaansho laga helin, ayna lama filaan ku noqotay saraakiisha NCCK.
DCI ayaa horay u sheegtay inay baareyso inay jiraan falal dambiyeed kale oo ka baxsan khaladaadka oo laga soo sheegay hannaanka aaska. Labo qof oo laga shakisanyahay—oo kala ah sarkaalka caafimaadka dadweynaha ee Nyamira iyo ilaaliyaha qubuuraha—ayaa la sheegay in loo xiray arrintan, halka kuwo kale la su'aalayo.
Kooxda u dooodda xuquuqda aadanaha ee Vocal Africa ayaa sheegtay in helitaanka meydadkan ay tahay "korukac argagax leh oo muujinaya baaxadda dhabta ah ee masiibadan". Waxay intaas ku dartay, "Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in meydadka qaar ay ka muuqato xubno go'an iyo jirdil, helitaankan wuxuu tilmaamayaa heer rabshadeed oo u baahan baaritaan degdeg ah, hufan iyo xisaabtan qaran."
"Waa in aqoonsiga dhibbanayaashan la sameeyaa sida ugu dhaqsaha badan," ayay tiri Faith Odhiambo, oo ah madaxda xilka ka degaysa ee Ururka Qareennada Kenya (LSK).
Faagidda meyadka ayaa dhashay ka dib markii boqollaal meydad ah laga helay duurka fog sannadkii 2023, meel u dhow magaalada xeebta ah ee Malindi, taas oo ahayd mid ka mid ah kiisaskii ugu xumaa ee dhimasho wadareed oo la xiriira koox diimeed. Paul Mackenzie, oo ah wadaad kaniisad oo skiis isu magacaabay, ayaa la xiray ka dib markii 429 meydad ah, oo carruur ay ku jiraan, laga soo qoday xabaal wadareedyo ku yaalla duurka Shakahola. Waxaa lagu eedeeyay inuu amray dadka taabacsan inay is-gaajaysiiyaan ilaa ay ka dhintaan—waa eedeymo uu isagu iska fogeeyay.













