Sidee diyaaradaha loogu duuliyaa hawada dalalka colaaduhu ka socdaan sida Bariga Dhexe?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dul marayay hawada Iiraan iyo gobolka Khaliijka. Sidaas darteed, maamulayaasha hawada (air traffic controllers) ayaa mashquul ku noqday inay u leexiyaan diyaaradaha rakaabka waddooyin ammaan ah.
Khariidad muujinaysa raadraaca duulimaadyada ayaa tusinaysa sida ay u mashquulsan tahay hawada ka sarreysa Egypt iyo Georgia oo ah waddan ku yaalla briga Yurub.
Maamule kasta wuxuu mas'uul ka yahay qayb gaar ah oo hawada ah, isaga oo isla markaana la xiriiraya asxaabtiisa si ay uga wada shaqeeyaan diyaaradaha soo galaya ama ka baxaya hawadooda.
Xaaladaha caadiga ah, hal maamule ayaa la tacaali kara lix diyaaradood markiiba. Si kastaba ha ahaatee, xilliyada dagaalka, tiradaas way laba jibaarmi kartaa.

Xigashada Sawirka, FlightRadar24
"Maskaxdu waxay ilaalin kartaa heerkaas feejignaanta ah 20-30 daqiiqo oo keliya," ayuu yiri Brian Roche oo ah nin howlgab ka noqday shaqada maamulidda hawada.
Brian wuxuu arrimaha hawada ka shaqeynayay 18 sano isagoo ahaa xakameeye taraafikada hawada. Shaqadiisu waxay bilaabatay intii uu ka tirsanaa Ciidanka Cirka ee Ingiriiska, isagoo ka shaqaynayay dalal kala duwan. Kadibna wuxuu maamulayay diyaaradaha ganacsiga ee London isagoo qayb ka ahaa cutub loo xil saaray ka jawaabista wicitaannada degdegga ah.
Xilliyada ugu mashquulka badan, dad badan oo xakameeya mashquulka diyaaradaha hawada ah ayaa la hawlgelinayaa si ay ula tacaalaan tirada sii kordheysa ee diyaaradaha ee meelo gaar ah. Sidoo kale, isbeddelada shaqada ayaa la kordhiyaa si looga hortago in ay daalaan ama culaysku ku bato.
Caadi ahaan, hal wareeg oo shaqo ah wuxuu socdaa 45 ilaa 60 daqiiqo, iyadoo la qaato nasasho u dhaxaysa 20 ilaa 30 daqiiqo, sida uu sheegay Roche.
Si kastaba ha ahaatee, inta lagu jiro waqtiyada colaadaha, waxaa laga yaabaa inay shaqeeyaan oo keliya 20 daqiiqo ka hor inta aysan qaadan nasasho isla muddadaas ah.
"Maamulayaasha duulimaadyadu hadda waxay shaqaynayaan wareegyo aad u culus, iyagoo maareynaya tiro aad u badan oo duulimaadyo ah," ayuu yiri.
Dhacdadii 2014-kii ee diyaaraddii Malaysia Airlines ee MH17 oo lagu soo riday gantaal Ruushku sameeyay oo dul marayay bariga Ukraine,kaasoo dilay dhammaan 298 qof oo saarnaa diyaaraddas, waa xasuusin muujinaysa sida colaadaha u saameyn karaan duulimaadyada ganacsiga.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waqtigaas, Ukraine weli waxay ahayd goob colaadeed, balse dagaalku wuxuu bilaabay inuu ku faafo hawada mar dambe, waxaana la soo riday dhowr diyaaradood oo milatari bilihii ka horreeyay. Waxay ahayd xaalad aan cidina rabin inay mar kale dhacdo.
Toddobaadkii hore, lix xubnood oo ka tirsan shaqaalaha hawada ee Mareykanka ayaa dhintay kadib markii diyaarad shidaal hawada ku siisa diyaaradaha dagaalka ay ku burburtay galbeedka Ciraaq.
Diyaaraddaas waxay qayb ka ahayd howlgal milatari oo Mareykanku ka waday Iiraan, waxayna ahayd mid ka mid ah laba diyaaradood oo ku lug lahaa dhacdadaas. Diyaaraddii labaad si nabad ah ayay u degtay. Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in dhacdadu aysan ka dhalan rasaas lagu ganay oo uga timid saaxibbadood ama cadowgooda oo Iiraan ay ula jeedaan.
Marka hawada si lama filaan ah loo xiro ama ay ciriiri noqoto, maamulayaasha duulimaadyadu waxay la xiriiraan duuliyeyaasha si ay uga wargeliyaan jihada ay aadayaan oo shidaalku gaarsiin karo iyo garoomada diyaaradaha ee awood u leh inay qaabilaan diyaaradaha marka ala hagayo.
Sidoo kale waa inay hubiyaan in dhammaan diyaaradaha, nooc kasta ha ahaadeene, ay ilaaliyaan masaafe ammaan ah, si toosan iyo si jiif ahba. Tani waxay sabab u tahay in diyaaradaha rakaabka waaweyn ay abuuraan gariir iyo jahawareer hawada ah oo halis gelin kara diyaaradaha kale ee ku dhow.
Sidaa darteed, diyaaradaha yaryar waa in laga fogeeyaa oo la siiyaa meel dheeraad ah, halka diyaaradaha ganacsiga ee aadka u yaryar mararka qaar xitaa loo leexiyo wadooyin kale.

Laakiin xiritaanka degdegga ah ee hawada waa arrin dhif ah, ayuu yiri John, oo leh in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo duuliyenimo. Wuxuu codsaday in magaciisa la qariyo maadaama uu weli duulye yahay isla markaana ka shaqeeyo waddooyin ku yaal Bariga Dhexe.
Sida uu sheegay, inta badan shirkadaha diyaaradaha waxay horay u qorsheeyaan haddii ay rabaan inay ka fogaadaan hawada meel gaar ah, ha noqoto cimilo xumo ama colaado darteed.
"Xaaladdan, dhammaanteen waan ogeyn in wax ka soo socdaan Bariga Dhexe," ayuu yiri John. "Waxay ahayd oo keliya su'aal taagneed oo ahayd goorta ay dhici doonto."
Marka laga soo tago fahamka qorshayaal duulimaad oo kale si looga fogaado meelaha colaadaha, duuliyayaashu sidoo kale waxay isku dayaan inay qaataan shidaal intii suurtagal ah, haddii ay noqoto inay ku noqdaan garoonkii ay ka duuleen ama loo leexiyo garoon ka fog meeshii ay u socdeen.
"Kuwani dhammaantood waa habraacyo caadi ah, la tababaray, lana xakameeyo," ayuu yiri John, isagoo carrabka ku adkeeyay in duuliyeyaasha iyo hagayaasha hawada ay si adag u raacaan nidaamyada si looga hortago in hawadu ciriiri noqoto oo aan la xakameyn karin.
"Ma aha sida ciriiriga gaadiidka oo kale oo isku buuqi kara."
Dareenkaas degganaansho nidaamsan ayuu u baahanyahay, ayuu yiri John, waa waxa isaga iyo duuliyeyaasha kale ay isku dayaan inay u gudbiyaan shaqaalaha diyaaradda iyo rakaabka.
Halkaas ayay Hannah ka soo gashaa sheekada, iyadoo ah madaxa shaqaalaha diyaaradda ee duullimaadyada masaafada dheer. Magaceeda dhabta ah lama isticmaalayo, sababtoo ah looma oggola inay ku hadasho magaca shirkaddeeda diyaaradaha.
Waddooyinka ay inta badan ka shaqeyso waxay maraan Bariga Dhexe. Hannah waxay sheegtay in xilliyada colaadaha ay muujinayaan muhiimada shaqaalaha diyaaradda, gaar ahaan marka ay la tacaalayaan rakaab welwelsan ama aan ku qanacsanayn xaaladda taagan.
"Shaqadeennu aad bay uga ballaaran tahay fikradda caadiga ah ee ah in aan kaliya weydiino rakaabka inay doonayaan digaag ama hilib lo'aad cashada," ayay tiri.
"Dad badan ayaa illooba dhinaca badbaadada ee doorkeenna… Adeeg bixintu waa waxa aan sameyno marka wax walba si fiican u socdaan."
Qorshayaasha duullimaadka ee la leexiyo iyo jadwalada is badela ayaa ka dhigaya isku dheelitirka shaqo iyo nolol mid adag, ayay tiri Hannah, taas oo saameyneysa duuliyeyaasha iyo shaqaalaha diyaaradda labadaba.
Dhawaanahan, shirkado diyaaradeed sida tan ay ka shaqeyso waxay kordhiyeen joojinta safarradooda, maadaama aysan si toos ah uga duuli karin hawa Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u aragtaa culayska shaqada qayb ka mid ah xirfadeeda, wax ay ugu yeerto "qaab nololeed iyo jacayl."
"Annaga oo ah shaqaalaha diyaaradda, dhammaanteen waxaan dareemeynaa inaan nahay hal qoys oo ballaaran ," ayay tiri. "Waxaa na mideeya baalasha diyaaradda."










