Maraykanka oo xaqiijiyay dhimasho ka dhalatay diyaaradiisii Ciraaq ku burburtay, Maxaan ka ognahay dhacdadaan?

Sawir uu baahiyay Taliska CENTCOM

Xigashada Sawirka, CENTCOM

Qoraalka sawirka, Sawir uu baahiyay Taliska CENTCOM
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada afar muwaadiniin Mareykan ah kadib markii ay dhacday shilkii diyaaradda militari ee ku burburtay Ciraaq.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in diyaaradda ay saarnaayeen lix xubnood oo shaqaalaha duulista ah, afar ka mid ahna ay dhinteen. Waxay sidoo kale sheegeen in magacyada dadka dhintay la shaacin doono marka qoysaskooda la ogeysiiyo.

Diyaarad militari oo nooca KC-135 oo ah diyaarad shidaal ku shubta diyaaradaha kale ayaa ku burburtay galbeedka Ciraaq Khamiistii, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka, iyagoo sheegay in ay ku dhacday "hawada dal saaxiib ah".

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in diyaarad militari oo KC-135 ah ay burburtay kadib "dhacdo u dhexeysay laba diyaaradood".

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Mareykanka, diyaaraddii labaad ee ku lug lahayd dhacdada si nabad ah ayey u degtay, balse mid ka mid ah diyaaradaha ayaa burburay. Diyaaradda shidaalka bixisa waxaa loo isticmaalaa in shidaal hawada lagu siiyo diyaaradaha dagaalka. Dhanka kale, koox maleeshiyaad ah oo ay Iiraan taageerto ayaa sheegatay in ay weerar ku qaadday diyaarad militari oo Mareykan ah oo ku sugneyd Ciraaq.

Sida ay qortay Reuters, "Islamic Resistance Group of Iraq", oo ah isbahaysi kooxo hubeysan oo ay Iiraan taageerto oo ka hawlgala Ciraaq, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaaday diyaaradda Mareykanka.

Kooxdu waxay sheegtay in ay bartilmaameedsadeen diyaaradda militariga Mareykanka si ay "u difaacaan madaxbannaanida qaranka Ciraaq iyo hawadeeda." Si kastaba ha ahaatee, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin "wax rasaas saaxiib ama cadaw ah oo ku lug lahayd dhacdada."

Daqiiqado kadib markii CENTCOM xaqiijisay shilka diyaaradda, wakaaladaha wararka ee gudaha Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradda la beegsaday.

Sida ay sheegtay CENTCOM, diyaaraddii labaad ee ku lug lahayd dhacdada si nabad ah ayey u degtay. Weli lama oga tirada dadka saarnaa diyaaraddaas, sidoo kale wax war ah lagama hayo khasaaro naf.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in dhacdadu ka dhacday hawada Ciraaq, balse lama cadda inta ay ka fogeyd xadka ay la wadaagto Iiraan.

Diyaaradaha shidaalka ku shuba hawada waxay door aad u muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka. Waxay shidaal hawada ku siiyaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa bambaanooyinka qaada, taas oo u oggolaanaysa inay masaafo dheer duulaan.

"Waxaan ugu shaqaalaha duceyneynaa badbaadado"

Xildhibaannada Mareykanka ayaa sidoo kale bixiyay falcelinno hordhac ah oo ku saabsan shilka diyaaradda shidaalka bixisa.

Xildhibaan Dimuqraadi ah oo lagu magacaabo Jim Hamms ayaa u sheegay BBC Newsnight in ay "aad u degdeg tahay" in la go'aamiyo sababta dhacdada, isaga oo intaas ku daray inuu rejeynayo in shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay badbaadeen.

Jim Hames wuxuu yiri: "Tani waa qayb ka mid ah kharashka lama huraanka ah ee colaadda. Xitaa ciidamada ugu wanaagsan waxay la kulmaan shilal, waxayna u muuqataa in tani ay tahay waxa halkan dhacay."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ugu duceyneynaa shaqaalaha badbaado, balse tani waa qiimaha ay tahay in la bixiyo marka dal uu galo dagaal."

Khasaaraha Ciidanka Cirka Mareykanka iyo sheegashooyinka dhacdada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Iiraan 28-kii Febraayo, la xaqiijiyay burburka afar diyaaradood oo Mareykan ah.

Shilka diyaaradda shidaalka bixisa waxaa ka horreeyay burburka saddex diyaaradood oo nooca F-15 ah oo Mareyku leeyahay 1-dii Maarso.

War saxaafadeed uu Taliska CENTCOM soo saaray 2-dii Maarso ayaa lagu sheegay in saddex diyaaradood oo F-15 "Strike Eagle" ah lagu soo riday "rasaas saaxiib".

War saxaafadeedkan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Mareykanka si qalad ah ay u soo rideen difaacyada hawada ee Kuwait xilli ay jireen weerarro ay ku jireen diyaarado Iiraani ah, gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones). Sida ay sheegtay CENTCOM, dhammaan duuliyeyaashu way badbaadeen dhacdadaas.

7-dii Maarso, militariga Israa'iil ayaa sheegay in ay beegsadeen xarumo ku yaalla saldhigga diyaaradaha ee Mehrabad oo u dhow Tehran, isla markaana ay sidoo kale bartilmaameedsadeen dhowr diyaaradood oo dagaal oo Iiraan leedahay.

Tan kadib, waxaa jiray sheegashooyin ah in Israa'iil ay weerarro kala duwan ku beegsatay Ciidanka Cirka Iiraan iyo xarumahooda. Si kastaba ha ahaatee, si madaxbannaan looma xaqiijin karo inta diyaaradood ee Ciidanka Cirka Iiraan ilaa hadda la burburiyay.

Sidee loo shidaaliyaa diyaaradaha dagaalka?

Diyaarad

Xigashada Sawirka, CENTCOM

Tani waa hawl aad u weyn oo dhinaca saadka ah, iyadoo diyaarado badan ay isku mar hawada ku jiraan.

Marka hawada lagu shubayo shidaalka, diyaaradda dagaalka waa inay aad ugu soo dhowaataa diyaaradda shidaalka bixisa.

Markaas tuubada shidaalka ayaa laga soo saaraa diyaaradda shidaalka sida oo hoos loo sii daayaa.

Diyaaradda la shidaalinayo ayaa markaas u soo dhowaata tuubadaas, waxayna saxdaa booskeeda iyadoo kaashaneysa nidaam nalal ah oo ku rakiban hoosta diyaaradda booyadda ah si tuubada loogu xiro diyaaradda.

Marka tuubada la xiro, wareejinta shidaalka ayaa bilaabata, waxaana howshan ay socon kartaa dhowr daqiiqo.

Inta lagu jiro waqtigan, labada diyaaradood waxay duulaan iyagoo isu jira dhowr cagood oo keliya, waxaana shaqadan badanaa la qabtaa habeenkii.

Duuliyuhu wuxuu u baahan yahay xirfad aad u sareysa si uu xiriirka ula sii hayo tuubada ama qalabka loo yaqaan drogue, gaar ahaan marka diyaarado kale oo badan ay hawada ku jiraan meel u dhow.

Marar badan nalalka diyaaradaha si buuxda ayaa loo damiyaa si looga fogaado in cadawgu arko.

Diyaaradda KC-135 badanaa waxay leedahay saddex xubnood oo shaqaale ah: duuliye, duuliye ku-xigeen, iyo hawlwadeen kale oo maamula habka shidaalka hawada lagu wareejiyo.

Sida ay sheegtay Ciidanka Cirka Mareykanka, waxay haystaan qiyaastii 400 diyaaradood oo nooca booyadaha shidaal-ka ah.