Maxay yihiin seddexda arrimood ee xuddunta u ah khilaafka soo dhex galay baadariga masiixiyiinta iyo Trump

Xigashada Sawirka, AP
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo baadari weynaha madhabta Katooligga ee masiixiyiinta Pope Leo XIV ayaa waxaa dhex maray muran aan caadi ahayn oo ku saabsan dagaalka Iran, ka dib markii baadariga uu si toos ah u carrab dhabay Trump markii ugu horeysay.
Waxaa loo doortay May 2025 inuu noqdo baadarigii ugu horreeyay ee u dhashay Mareykanka, Baadariga oo hore loo dhihi jiray Cardinal Robert Prevost wuxuu markii hore qaatay o ka dhowrsan kii isaga ka horreeyay, Pope Francis, oo si joogto ah u dhaleeceynayey maamulka Trump.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda u dhexeysa Vatican-ka iyo Aqalka Cad ayaa sii kordhaysay bilihii la soo dhaafay, waxaana isku dhacyadii ugu dambeeyay ay iftiimiyeen kala duwanaanshahaas.
Saddexdan qodob ee aasaasiga ah ayuu ka muuqdaa khilaafkooda.
1. Siyaasada Arrimaha Dibada
Khilaafka u dhexeeya Trump iyo Leo XIV ayaa si cad u sii xoogeystay Axaddii ka dib markii madaxweynaha Mareykanka uu ku weeraray baadariga qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, isaga oo ku tilmaamay "inuu diciif ku yahay wax ka qabashada dembiyada, oo uu aad ugu xun yahay siyaasadda dibadda".
"Ma doonayo baadari u malaynaya inay caadi tahay in Iran ay haysato hubka nukliyeerka" ayuu qoray Trump.
"Ma doonayo baadari u malaynaya inay aad u xun tahay in Maraykanku uu weeraray Venezuela, oo ah waddan u soo diraya xaddi badan oo daroogo ah Maraykanka iyo, xitaa kaaga sii darane, faaruqiyay xabsiyada (si ay dambiilayaal u soo diraan) waddankeena, oo ay ku jiraan gacan-ku-dhiiglayaasha, ka ganacsiga daroogada, iyo dembiilayaasha" ayuu raaciyay.
Ka dib wuxuu soo dhigay sawir si weyn loogu aqoonsaday inuu yahay AI oo uu abuuray garaadka macmalka kaas oo u muuqda inuu yahay qof "nebi Ciise" u eg oo u muuqda inuu "bogsiinayo" nin, tilmaamahaas oo u soo jiiday dhaleeceyn ka timid hoggaamiyeyaasha diinta iyo faallooyinka. Sawirka markii dambe waa laga saaray.
Hadalladan ayaa daba socday dhaleecayntii Pope Leo ee digniintii Trump ee ahayd in Maraykanku uu "masixi karo ilbaxnimada Iran" haddii Tehran aysan u hoggaansamin dalabaadka ku aaddan wadahadallada nukliyeerka iyo marin-biyoodka Hormuz.
Baadarigu waxa uu ku tilmaamay khatartaas mid aan "runtii la aqbali karin" waxa uuna ku booriyay dadka katooligga ah in ay ku cadaadiyaan hogaamiyayaasha siyaasadda in ay "ka shaqeeyaan nabadda". Pope Leo ayaa si toos ah u sheegay Trump maalmo ka hor.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaa la ii sheegay in madaxweyne Trump uu dhawaan sheegay in uu jeclaan lahaa in uu joojiyo dagaalka, waxaan rajeynayaa in uu raadiyo waddo uu kaga baxo," ayuu u sheegay suxufiyiinta 31-kii Maarso.
Axadii ayaa wadaadka 70-jirka ah wuxuu mar kale ka codsaday hogaamiyayaasha inay joojiyaan dhiiga daadanaya, wuxuuna cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay "khayaali wax kasta oo awood leh" oo hurinaya dagaalka.
Mawqifka Pope Leo ee Iran waxa uu ku salaysan yahay mawqifyada uu ka qaatay meelo kale.
Maalmo yar kadib doorashadiisa sanadkii hore, baadariga ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Qaza, la sii daayo la haystayaasha, iyo gargaar bini'aadantinimo oo aan la xaddidin.
Bishii Agoosto 2025, Pope Leo ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "ciqaab wadareed" iyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta, wuxuuna ku tilmaamay xaaladaha Qaza kuwo "aan la aqbali karin".
Khudbadiisii Ciidda masiixiyiinta ayaa hogaamiyaha 1.4 bilyan ee ah Katooligga adduunka wuxuu ka hadlay "teendhooyinka Qaza, oo la kulmaan roob, dabayl iyo qabow".
In kasta oo Trump iyo Pope Leo aanay si cad iskaga hor iman arrinta Qaza wakhtigaas, haddana dublamaasiyiinta Vatican-ka waxa ay si gaar ah u qireen in aanay raali ka ahayn hab-dhaqanka cad ee lagula kacay baadariga ee xagga moraalka iyo sharciga, kaas oo si weyn loogu fasiray in uu caqabad ku yahay hab-dhaqanka Maraykanka iyo Israa'iil.
Bishii Janaayo ee sanadkan, baadariga ayaa muujiyay walaaciisa ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ku xireen magaalada Caracas madaxweynihii Venezuela ee xilligaas Nicolás Maduro loona gudbiyay New York si uu u wajaho maxkamad.
"Wanaagga dadka Venezuela ee la jecel yahay waa in uu ka adkaado tixgalin kasta oo kale, oo uu nagu hogaamiyo inaan ka gudubno rabshadaha oo aan qaadno waddooyinka caddaaladda iyo nabadda," ayuu yiri.
Leo XIV waxa uu sidoo kale ku booriyay ixtiraamka madaxbanaanida Venezuela, ilaalinta sharciga sida uu dhigayo dastuurka, iyo ixtiraamka buuxda ee xuquuqda aadanaha iyo madaniga.
2. Socdaalka
Socdaalka ayaa ahaa isha kale ee ugu weyn ee khilaafka labada oday.
Pope Leo ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeyay siyaasadaha xaddidan ee socdaalka ee Trump.
Bishii Nofembar 2025, hoggaamiyaha Kaniisadda Katooliga ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Mareykanka loola dhaqmo si "ixtiraam darro aad u weyn", isagoo ku celceliyay hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha kiniisadda Katooliga ee Mareykanka oo dhaleeceeyay masaafurinta tirada badan, wuxuuna ka digay cabsida iyo welwelka ay sababaan weerarrada ay qaadaan ciidanka socdaalka.
"Waxaan aaminsanahay inaan raadino habab dadka loola dhaqmo si bini'aadannimo leh" ayuu yiri Pope Leo, isagoo qiray in "dal kastaa uu xaq u leeyahay inuu go'aamiyo cidda, sida iyo goorta dadku soo galaan dalkiisa".
Khudbad uu ka jeediyay fagaaraha St. Peter's bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxa uu ku booriyay Katooligga in ay ula dhaqmaan dadka soogalootiga ah "si qabow ayadoo aan la takoorin", waxa uuna markii dambe su'aal galiyay in siyaasadaha Trump ay la jaan qaadayaan manhajka kaniisadda.
Oraahyadaasi waxay kiciyeen falcelin adag oo ka timid xubno ka tirsan Katooligga muxaafidka ah.
3. Diinta iyo maamulka siyaasadda
Qoraal uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada Axaddii ayaa ahaa mid dhaafsiisan siyaasadda arrimaha dibadda, isagoo ku eedeeyay Pope Leo XIII inuu ka tallaabay xuduudkiisa: "Ma doonayo baadari dhaleeceynaya madaxweynaha Mareykanka sababtoo ah waxaan sameynayaa si sax ah wixii la ii doortay inaan ku guuleysto GUUL XOOG LEH".
Trump ayaa sheegay in baadariga loo doortay kaliya inuu yahay Mareykan, isagoo yiri: "Haddii aanan joogin Aqalka Cad, Leo ma joogi lahayn Vatican-ka".
Markii saxafiyiintu ay weydiiyeen inuu sharraxaad ka bixiyo qoraalkiisa wuxuu markii dambe yiri: "Uma maleynayo inuu qabanayo shaqo aad u wanaagsan, wuxuu jecel yahay dambiyada sida ay ila tahay".
"Ma taageero Pope Leo" ayuu Trump ku daray, isagoo ka hadlayay garoonka diyaaradaha ka dib markii uu ku laabtay Washington isagoo ka yimid Florida.
Si kastaba ha ahaatee, Isniintii, isaga oo ka hadlaya dushiisa diyaaradda uu saarnaa, billowgii bilawga safar 11 maalmood ah oo Afrika ah ayuu Leo XIV wuxuu diiday inuu si shakhsi ah ugu lug yeesho Trump. "Anigu siyaasi ma ahi, mana rabo in aan dood la galo" ayuu yiri.
"Waxaan sii wadi doonaa inaan si adag uga hadlo dagaalka, anigoo doonaya inaan kor u qaado nabadda, wadahadalka iyo ka qayb galka dhinacyada badan" ayuu Popeku hadalkiisa ku daray.
Waxa uu intaa ku daray in uusan wax cabsi ah ka qabin maamulka Trump, uuna sii wadi doono in uu kor u qaado codkiisa.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh hoggaamiyeyaasha mad-habta Protestant-ka ee muxaafidka ah wuxuuna si isa soo taraysa u qaabeeyey dagaalka Iran ee xagga diinta.

Xigashada Sawirka, Social networks
Waxa ay khubaradu aamisnan yihiin
Khubarada ayaa sheegay in isbeddelka Leo XIV ee dhanka lahjadda iyo hab-dhaqankiisa ay soo muujinayso inuu doonayo inuu u adeego sidii awood uu culayskeedu liddi ku yahay akhlaaqda masraxa caalamiga ah ee Trump iyo yoolkiisa siyaasadeed ee arrimaha dibedda.
"Uma maleynayo inuu doonayo in Vatican-ka in lagu eedeeyo inay u jilicsan yihiin aragtida Trump sababtoo ah waa Ameerikaan" ayuu yiri Massimo Faggioli oo ah aqoonyahan Talyaani ah oo si dhow ula socda arrimaha Vaticanka.
"Marka Leo hadlo, had iyo jeer waa uu taxaddaraa" ayuu yiri Faggioli, oo bare ka ah Trinity College Dublin. "Uma maleynayo in taasi ay ahayd shil" ayuu sii raaciyey.
Baadariga Chicago Blase Cupich oo saaxiib dhow la ah Pope Leo ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in baadarigu uu sii wado dhaqankii soo jireenka ahaa ee baadariyada kuwaas oo ku booriyay hogaamiyayaasha caalamka inay ka soo jeestaan dagaalka.












