Sirdoonka Maraykanka: 'Dowladda Iiraan ma halis uguma jirto in ay burburto'

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in Sirdoonka Maraykanka sheegay in hoggaanka Iiraan weli si weyn u taagan yahay oo aanu halis ugu jirin inuu burburo wakhti dhow, inkastoo ku dhowaad laba toddobaad oo duqayn joogto ah ay ku hayeen Maraykanka iyo Israa'iil, sida ay sheegeen saddex ilo oo arrintaas la socda.
"Ilo sirdoon oo badan" ayaa bixiyay "falanqayn joogto ah oo muujinaysa in nidaamku uusan khatar ku jirin" inuu burburo isla markaana uu "wali gacanta ku hayo shacabka Iiraan," ayuu yidhi mid ka mid ah ilaha, kuwaas oo dhammaantood loo oggolaaday si qarsoodi ah inay uga hadlaan warbixinaha sirdoonka Maraykanka. Warbixintii ugu dambaysay ayaa la dhammaystiray maalmo yar gudahood, ayay sheegtay ishaashi.
Iyadoo cadaadiska siyaasadeed uu sii kordhayo sababo la xidhiidha kororka qiimaha saliidda, Madaxweyne Donald Trump ayaa soo jeediyay inuu "dhowaan" soo afjari doono hawlgalkii militari ee ugu weynaa ee Maraykanku sameeyo tan iyo 2003. Hase yeeshee, helidda dhammaad la aqbali karo oo dagaalka ah waxay noqon kartaa mid adag haddii hoggaamiyeyaasha adag ee Iiraan ay weli si xooggan ugu sii nagaadaan awoodda.
Warbixinaha sirdoonku waxay muujinayaan isku duubnida hoggaanka culimada Iiraan inkastoo la dilay Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei 28-kii Febraayo, oo ahayd maalintii ugu horreysay ee duqaymaha Maraykanka iyo Israa'iil.
Mas'uuliyiin Israa'iili ah oo wada-hadallo qarsoodi ah yeeshay ayaa sidoo kale qiray in aanay jirin wax hubanti ah oo muujinaya in dagaalku sababi doono burburka dowladda Iraan, sida uu Reuters u sheegay sarkaal sare oo Israa'iili ah. Ilahaasi waxay carrabka ku adkeeyeen in xaaladda dhulka ay si joogto ah isu beddelayso isla markaana isbeddello ka dhici karaan gudaha Iiraan.
Xafiiska Agaasimaha Qaranka ee Sirdoonka iyo Hay'adda Sirdoonka Dhexe (CIA) ayaa diiday inay wax faallo ah bixiyaan.
Aqalka Cad sidoo kale si degdeg ah ugama jawaabin codsi faallo ah.
Ujeeddooyin isbedelaya
Tan iyo markii ay bilaabeen dagaalka, Maraykanka iyo Israa'iil waxay weerareen bartilmaameedyo kala duwan oo Iiraan ah, oo ay ku jiraan difaacyada cirka, goobaha nukliyeerka, iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka Trump ayaa bixiyay sababo kala duwan oo ku saabsan dagaalka. Markii uu ku dhawaaqay bilowga hawlgalka Maraykanka, Trump wuxuu ku boorriyay dadka Iiraan inay "la wareegaan dowladdiinna," laakiin kaaliyeyaashiisa sare ayaa tan iyo markaas diiday in ujeeddadu ahayd in xilka laga tuuro hoggaanka Iiraan.
Marka laga reebo Khamenei, duqaymaha ayaa dilay tobanaan mas'uul oo sare iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha ugu sarreeya ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo ah ciidan gaar ah oo awood weyn ku leh qaybaha badan ee dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, warbixinaha sirdoonka Maraykanka waxay muujinayaan in IRGC iyo hoggaamiyeyaasha ku-meelgaarka ah ee talada qabtay kadib dhimashadii Khamenei ay weli maamulayaan dalka.
Golaha Khubarada, oo ah koox culimo Shiico ah oo sare, ayaa horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay in wiilka Khamenei, Mojtaba, uu yahay hoggaamiyaha sare ee cusub.
Isra'a'iil ma doonayso inay oggolaato in wax ka mid ah hadhaaga dowladdii hore ay sii jiraan, sida uu sheegay il afraad oo arrintaas la socda.
Lama oga sida ololaha militari ee hadda socda ee Maraykanka iyo Israa'iil uu u ridi karo dowladda.
Waxay u badan tahay inay u baahan doonto duullaan dhulka ah oo u oggolaanaya dadka gudaha Iiraan inay si nabad ah waddooyinka uga mudaaharaadaan, ayuu yiri ishaasi.
Maamulka Trump weli dookha kama saarin suurtagalnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro gudaha Iiraan.
Sirdoonku wuxuu sheegayaa in Kurdiyintu aanay haysan awood ciidan oo ku filan
Reuters ayaa toddobaadkii hore werisay in maleeshiyaad Kurdiyiin Iiraani ah oo saldhigyo ku leh Ciraaq ay la tashadeen Maraykanka si ay uga wada hadlaan sida iyo in ay weerar ugu qaadaan ciidamada amniga Iiraan ee galbeedka dalka. Duullaan noocaas ah ayaa cadaadis saari kara adeegyada amniga Iiraan halkaas, taas oo u oggolaan karta shacabka Iiraan inay ka horyimaadaan dowladda.
Abdullah Mohtadi, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Komala ee Kurdida Iiraan kana tirsan isbahaysi lix xisbi oo Kurdiyiin Iiraani ah, ayaa wareysi uu bixiyay Arbacadii ku sheegay in xisbiyadu si fiican uga abaabulan yihiin gudaha Iiraan isla markaana "tobanaan kun oo dhallinyaro ah ay diyaar u yihiin inay hub qaataan" si ay ula dagaallamaan dowladda haddii ay helaan taageero Maraykan ah.
Mohtadi wuxuu sheegay inuu helay warar ka imanaya Kurdistaan-ka Iiraan oo sheegaya in cutubyo ka tirsan IRGC iyo ciidamada kale ee amniga ay ka baxeen saldhigyo iyo xeryo cabsi ay ka qabaan duqaymaha Maraykanka iyo Israa'iil.
"Waxaan aragnay calaamado muuqda oo daciifnimo ah oo ka jira deegaannada Kurdiyiinta," ayuu yiri.
Laakiin warbixinno sirdoon oo Maraykan ah oo dhowaan la diyaariyay ayaa shaki geliyay awoodda kooxaha Kurdiyiinta Iiraan ay u leeyihiin inay sii wadaan dagaal ka dhan ah ciidamada amniga Iiraan, sida ay sheegeen laba ilo oo xogtaas yaqaan.
Sirdoonku wuxuu muujinayaa in kooxahaasi aanay haysan awood hub iyo tiro ku filan, ayay sheegeen.
Dowladda Gobolka Kurdistaan, oo maamusha gobolka ismaamulka Kurdistaan ee Ciraaq halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxaha Kurdiyiinta Iiraan, si degdeg ah ugama jawaabin codsi faallo ah.
Kooxaha Kurdiyiinta Iiraan ayaa maalmahan dambe ka codsaday mas'uuliyiin sare oo Washington ku sugan iyo xildhibaanno Maraykan ah in Maraykanku siiyo hub iyo gaadiid gaashaaman, sida uu sheegay qof kale oo arrintaas la socda.
Laakiin Trump ayaa Sabtidii sheegay inuu diiday in kooxaha Kurdiyiinta Iiraan loo oggolaado inay gudaha Iiraan galaan.













