Khasaare intee le eg ayay weerarrada Iiraan u geysteen saldhigyada uu Mareykanku isticmaalo?

Xigashada Sawirka, Planet labs PBC and Airbus
- Author, Daniel Bush
- Role, Washington correspondent
- Author, Paul Brown & Alex Murray
- Role, BBC Verify
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Weerarrada Iran ay ku qaadday saldhigyada milatari ee uu Maraykanku ku isticmaalo Bariga Dhexe ayaa sababay khasaare dhan $800m (£600m) labadii toddobaad ee ugu horreeyay dagaalka, falanqayn cusub ayaa muujinaysa.
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay weerarro aargoosi ah oo ay Iran fulisay toddobaad ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay qaadeen dagaalka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Istaraatijiyadda & Daraasaadka Caalamiga ah (CSIS) iyo falanqayn ay sameysay BBC.
Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Iiraan ku qaadday hantida Mareykanka ee gobolka.
Laakiin $800m ee lagu qiyaasay khasaaraha soo gaaray kaabayaasha millatariga Maraykanka - tiradaas oo ka sarraysa sidii hore loo sheegay - waxa ay sawir ka bixinaysaa kharashyada aadka u sarreeya ee Maraykanka marka uu khilaafku sii dheeraado.
Khasaaraha soo gaaray saldhiggyada Maraykanka ee gobolka ayaa ah mid si hoose loo soo sheegay," ayuu yiri Mark Cancian, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan CSIS iyo mid ka mid ah qoraayaashii daraasadda xaruntaas. "In kasta oo ay u muuqato mid ballaaran, xaddiga rasmiga ah lama ogaan doono ilaa laga helayo macluumaad dheeraad ah." Mar laga codsaday faallo, Waaxda Difaaca Maraykanka waxay BBC-da u dirtay Taliska Dhexe ee Maraykanka, kaas oo hoggaaminaya dagaalka. Saraakiisha halkaas ku sugan ayaa diiday inay faallo bixiyaan.
Weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan waxay beegsadeen nidaamyada difaaca hawada iyo isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee Maraykanka, iyo hanti kale, oo ku yaalla Jordan, Imaaraadka Carabta, iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe. Qayb weyn oo khasaaraha ka mid ah waxaa sababay weerar lagu qaaday raadaarka Maraykanka ee nidaamka difaaca gantaalaha ee Thaad, kaas oo ku yaalla saldhig ku yaalla Jordan. Nidaamka raadaarka ee AN/TPY-2 ayaa lagu qiyaasaa qiimihiisa $485 milyan, sida ku cad dib-u-eegis ay CSIS ku sameysay dukumentiyada miisaaniyadda waaxda difaaca. Nidaamyada difaaca hawada waxaa loo isticmaalaa in lagu dhex qabto gantaalaha ballistic-ga ah ee riddada dheer.
Weerarrada Iiraan waxay sababeen khasaare dheeraad ah oo lagu qiyaasay $310 milyan oo gaaray dhismayaasha, tas-hiilaadka, iyo agabyada kale ee saldhiggyada Maraykanka iyo kuwa milatari ee ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan ee gobolka. Iiraan waxay sidoo kale ugu yaraan saddex saldhig oo hawada ah weerartay in ka badan hal jeer, sida lagu sheegay falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka oo ay samaysay BBC Verify. Weerarrada soo noqnoqday waxay muujinayaan dedaalka Iiraan ee ay ku beegsanayso hantida gaarka ah ee Maraykanka. Ruushka ayaa la sheegay inuu la wadaagay Tehran xogta sirdoonka ee ku saabsan ciidamada milatariga Maraykanka ee gobolka. Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya saddexda saldhig ee kala ah—saldhigga Cali Al-Salim ee Kuwayt, Al-Udeid ee Qadar, iyo Amiir Sultan ee Sacuudi Carabiya—iyadoo ay ka muuqato khasaare cusub oo dhacay intii lagu jiray wejiyada kala duwan ee iskahorimaadka.
Maraykanka ayaa sidoo kale waayay 13 xubnood oo ka tirsan ciidanka tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu ku biiray Israa'iil oo ay billowdeen weerarrada ka dhanka ah Iiraan 28-kii Febraayo. Wakaaladda Wararka ee u dooda Xuquuqul Insaanka oo fadhigeedu yahay Maraykanka (Hrana) ayaa ku qiyaastay wadarta guud ee dhimashada inay gaartay ku dhawaad 3,200, oo ay ku jiraan 1,400 oo rayid ah. Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu ku socdo dhabbihii uu ku gaari lahaa hadafkiisa ah inuu baabi'iyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, wiiqo awooddeeda milatari ee caadiga ah, iyo inuu soo afjaro taageerada nidaamkaas ee kooxaha u adeega ee gobolka. "Aad ayaan ugu fiicannahay Iiraan," ayuu Trump ka sheegay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad maalintii Jimcaha.
Laakiin dagaalku wuxuu gilgilay dhaqaalaha caalamka iyadoo uu ku dhow yahay inuu xirmo Marinka Hormuz, iyo hubaal la'aanta ku saabsan inta uu socon doono iskahorimaadka iyo haddii Trump uu geyn doono ciidamo lugta ah.

Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC, 2026

Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC, 2026
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka waxaa caqabad ku noqday xayiraado ay soo rogeen kuwa gacanta ku haya ee fadhigoodu yahay Maraykanka oo ku saabsan soo saarista sawirradaas.
Laakiin waxaa suurtagal ah in laga dhex arko qaabab gaar ah oo ku saabsan tallaabooyinka aargoosiga ah ee Iiraan ay ka fulisay danaha milatari ee Maraykanka ee gobolka. Nidaamyada raadaarka iyo dayax-gacmeedka ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad tan iyo billowgii, markii weerarrada Iiraan ay ku dhaceen saldhigga ciidanka badda Maraykanka ee Baxreyn. Waxay u shaqeeyaan sida indhaha iyo dhegaha ee hawlgallada milatari ee casriga ah.
Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa si gaar ah u muujiyay burburka laba 'radomes'—waa dahaarka difaaca ee qalabka xasaasiga ah. Waxay u dhowdahay in nidaamyadii laftoodu ay waxyeello gaadhay, in kasta oo aanay suurtagal ahayn in la qiyaaso inta ay le'eg tahay.
Goobaha raadaarka ee Camp Arifjan, oo ah xarun milatari oo Maraykanku leeyahay oo ku taal Kuwayt ayaa la weeraray, iyo Saldhigga Cirka ee Prince Sultan ee Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay yaallaan diyaaradaha Maraykanka. Sawirrada saldhigga dambe ayaa muujinaya qiiq ka kacaya qayb ka mid ah raadaarka nidaamka difaaca hawada ee Thaad.
Khasaaraha ka sii ballaaran ee gaaray nidaamyada Thaad ayaa ka muuqda saldhiggyada Maraykanka ee Imaaraadka iyo Jordan. Ma cadda inta uu dhan yahay qiimaha khasaarahaas. Hoos-u-dhaca ku yimid nidaamyadan ayaa la sheegay inuu ku qasbay Maraykanka inuu qaybo ka mid ah Thaad ka soo raray Kuuriyada Koonfureed si loogu geeyo Bariga Dhexe.
Khasaaraha ka dhashay weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan ayaa ah qayb yar oo ka mid ah kharashka guud ee dagaalka kaga baxay Maraykanka. Saraakiisha waaxda difaaca ayaa la sheegay inay u sheegeen xubnaha Congress-ka in lixdii maalmood ee ugu horreeyay dagaalka ay ku baxday $11.3 bilyan. 12-kii maalmood ee ugu horreeyay waxaa ku baxday $16.5 bilyan, sida ay sheegtay CSIS.
Pentagon-ka ayaa codsanaya $200 bilyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay maalgelinta dagaalka. Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay maalintii Khamiista in tiradaas ay "isbeddeli karto."
"Waxay u baahan tahay lacag in la dilo dadka xun," ayuu yiri Hegseth."













