Muxuu yahay 'xanuunka' Trump ku eedeeyey hoggaamiyaha la filayo ee Dimuqraaddiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dadka la daalaadhacaya dhibaatooyinka ka haysta dhanka waxbarashada aysan noqon karin madaxweyne, isaga oo mar kale ku dhaleeceeyay Gavin Newsom, Guddoomiyaha Gobolka California, sababtoo ah in uu qabo xaalad caafimaad oo akhriska, qorista iyo xusuustiisa xarfaha ku aaddan, taasoo lagu magacaabo Dyslexia.
Madaxweyne Trump ayaa Newsom, oo laga yaabo in uu tartamo xilka Aqalka Cad ee xisbiga Dimuqraadiga, ku tilmaamay "caqli xumo" . Isaga oo sidoo kale kaftamayay toddobaadkii hore dhibaatooyinka Newsom ee ka haysta akhriska iyo higgaadinta, Newsom ayaa ku jawaabay inuu yahay "nacas an caqli badnayn".
National Center for Learning Disabilities, xarunta dadka dhibaatadu ka haysato waxbarashada ayaa BBC-da u sheegtay inay ka xumaadeen oo si xooggan u cambaareeyeen hadallada madaxweynaha Jamhuuriga ah, ee Trump.
Dyslexia, oo ah xaalad waxbarasho oo saameysa sida maskaxdu u fahanto luuqadda qoran, waxay saameysaa ilaa qof ka mid ah shantii qof ee Mareykan ah.
Trump ayaa wariyeyaasha ku yiri Xafiiska Oval-ka Isniintii:
"Qof maskax hooseeya, waad ogtahay, sababtoo ah Gavin Newscum (magac uu Trump u bixiyay Newsom) wuxuu qirtay inuu leeyahay dhibaatooyin waxbarasho. Anigu, run ahaantii, waxaan taageersanahay dadka leh dhibaatooyin waxbarasho, laakiin ma doonayo madaxweyne inuu leeyahay. Waxaan u maleynayaa in madaxweyne aanu lahayn dhibaatooyin waxbarasho, haaey? Waxaan ogahay inay tahay arrin muran badan dhalinaysa in la yidhaahdo."
Wuxuu intaa ku daray:
"Madaxweynaha Maraykanka, Gavin Newscum, ayaa qirtay inuu leeyahay dhibaatooyin waxbarasho, dyslexia. Wax walba oo ku saabsan ninkaas waa caqli xumo."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Newsom ayaa kaftamay Trump markii uu si kama' ah u sheegay "madaxweyne," wuxuuna ku qoray X (horey Twitter) inuu leeyahay:
"MAYA MAHADSANID, WAXAAN AAMINSANAHAY DOORASHO XOR AH!"
Bishii hore, Newsom ayaa ka hadlay dyslexia-giisa intii lagu guda jiray madal ka socotay magaalada Atlanta, Georgia.
"Anigu adiga ayaan kula mid ahay," ayuu u sheegay dadweynaha isaga oo xusay imtixaannadiisii liitay iyo dhibaatooyinka akhriska.
"Waligey ma aragtay aniga oo khudbad akhrinaya, maxaa yeelay ma akhriyi karo khudbad," ayuu intaa ku daray.
Hadalladiisa oo uu jeediyay dadweyne badankood madow ah ayaa dhalisay dhaleeceyn ka timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta xagjirka ah oo sheegay inuu hoos u dhigay codadka codbixiyayaasha Afrikaan-Mareykanka ah.
Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Newsom cunsuriyad wuxuuna ku qoray Truth Social: "Ma akhriyi karo, wuxuu leeyahay dyslexia, iyo cudur maskaxeed – Jahwareer Maskaxeed!"
Newsom ayaa ku jawaabay baraha bulshada:
"Waxaan ka hadlay dyslexia i haysta. Waxaan ogahay inay taasi ku adag tahay fahankiisa, maskax carruuta laysa oo bam la dhacdo, sida oo Kalena kuwa carruurta dabagala difaacda."
National Center for Learning Disabilities ayaa cambaareeyay hadallada Trump. Madaxa fulinta ee xarunta, Jackie Rodriguez, ayaa BBC-da u sheegay in dyslexia aysan carqaladeyn caqliga qofka, garashadiisa ama awoodiisa hoggaamineed.
"Dhab ahaantii," ayay tidhi, "dadka leh dhibaatooyinka waxbarasho waxay gaadheen xilal sare oo dadweyne Maraykanka ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore."
Madaxweynayaasha hore ee Maraykanka, sida George Washington, John F. Kennedy iyo Woodrow Wilson, ayaa laga yaabaa inay lahaayeen dyslexia, sida qaar ka mid ah cilmi-baadhayaashu sheegaan.
Qiyaastii 15% dadka Maraykanka ayay saamaysaa dyslexia, sida ay s =heegtay waaxda US Department of Health and Human Services, qaarna waxay qiyaasaan inay gaadhi karto ilaa 20%.













