Itoobiya oo ku dhawaaqday tallaabooyiin ay uga jawaabayso dhibaato ka dhalatay dagaalka Iiraan

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide

Xigashada Sawirka, FANA/YOUTUBE

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa ugu baaqay shacabka iyo shirkadaha shidaalka inay tashiilaan ama ay yaryareeyaan, maadaama aan la garanayn inta ay socon doonto dhibaatada ku timid safrinta shidaalka ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iran.

Isagoo kororka qiimaha shidaalka ku tilmaamay "mid naxdin leh", wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu si dhakhso ah u shaacin doonto tallaabooyin lagu yareynayo isticmaalka shidaalka.

Axmed Shide ayaa arrintan kaga sheegay arrintan Arbacadii, shir jaraa'id oo ku saabsan dhibaatada shidaalka ee ka dhalatay xaaladda dagaal iyo saameynta ay ku leedahay shidaalka dalka.

Hadalkan wuxuu yimid maalin kadib markii dowladdu kordhisay qiimaha shidaalka. Sida ku cad qiimaha cusub ee la shaaciyay Talaadadii:

Batroolka oo hore loo iibin jiray 129 birr, hadda waxaa lagu iibinayaa 132 birr iyo 18 senti.

Diesel-ka cad ayaa sidoo kale kordhay oo gaaray 139 birr iyo 83 senti.

Gaaska-ka caadiga ah ayaa la kordhiyay 17 birr.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in isbedellada qiimaha ay yihiin kuwa "ugu yar ee suurtagalka ah" marka la eego kororka aadka u sarreeya ee qiimaha Shidaalka ee caalamka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, Iran ayaa la sheegay inay xirtay Marinka Hormuz, oo ah marin biyood ay maraan qiyaastii shan meelood meel (20%) Shidaalka adduunka. Dagaalku wuxuu sidoo kale sababay weerarro lagu qaaday kaabayaasha shidaalka ee Iran iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah.

Arrimahan awgood, qiimahaShidaalka ayaa si weyn u kacay, isagoo mar gaaray $120 halkii foosto, heer aan la arag tan iyo 2022. Si kastaba ha ahaatee, qiimuhu wuu hoos u dhacay tan iyo markaas, waxaana hadda lagu kala iibsadaa qiyaastii $89 halkii foosto.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa war qoraal ah ku yiri:"Qiimaha caalamiga ah ee shidaalka ayaa shalay gaaray heer aad u sarreeya. Markii aan eegnay qiimaha aan ka helno Jabuuti, batroolka waxaaa uu gaaray 205 birr iyo 74 senti halkii litir."

Wuxuu sidoo kale sheegay in diesel-ka cad ee suuqa caalamiga ah uu gaaray 238 birr iyo 13 senti halkii litir, halka dowladdu ay kabid sameysay oo ka bixinayso 98 birr iyo 29 senti.

"Dowladda Itoobiya weli waxay bixinaysaa kabid aad u sarreysa inkastoo qiimaha shidaalka caalamka uu si aad ah oo cabsi leh u kordhayo," ayuu yiri wasiirka maaliyaddu.

Shidaal

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in shidaalka lagu iibiyo oo keliya waddooyiinka rasmiga ah ee sahayda isla markaana lagu iibiyo qiimaha ay dowladdu dejisay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin kala duwan oo lagu yareynayo saameynta ay keeneen dhibaatooyinka shidaalka iyo qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka.

Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah:

Sahay degdeg ah oo shidaal ah,

iyo soo saarista shidaal laga keenayo kaydka si loo daboolo baahida.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaallo lagu dedejinayo soo iibsashada shidaalka iyada oo loo marayo ikhtiyaarro kale, si wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay xiritaanka Marinka Hormuz.

Axmed Shide ayaa intaas ku daray in aysan suurtagal ahayn in la hubiyo inta uu socon doono qalalaasaha Bariga Dhexe.

Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in dowladdu si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay hubinayso qaab kale oo ammaan ah oo shidaal oo dalka soo gaarta.

Wuxuu intaas ku daray: "Isla waqtigaas, waxaan u baahanahay inaan sameyno dadaal ballaaran oo lagu badbaadinayo isticmaalka shidaalka."