Toddobadii shil diyaaradeed ee ugu xumaa adduunka

d

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Laba shil diyaaradeed ayaa dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Diyaarad militari oo C-130 Hercules oo sidday 125 qof ayaa ku burburtay Colombia, waxaana ku dhintay 34 qof. Magaalada New York ee dalka Mareykanka, Diyaaradda Air Canada ee AC8646 ayaa habeennimadii Axadda ku dhacday garoonka diyaaradaha ee LaGuardia, waxaana ku dhintay labo duuliye, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Tani waa shil diyaaradeed kii ugu dambeeyay ee isdaba jooga ah oo dhimasho keenay. Baroor diiq ayaa ku baahday dalka Hindiya oo dhan ka dib shilkii dhimashada badnaa ee ka dhashay diyaaraddii Air India ee ku sii jeedday London oo ay saarnaayeen 242 qof. Diyaaradda ayaa burburtay maalintii Khamiista, June 12, 2025, wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad ee galbeedka Hindiya.

Masiibadan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in 204 meyd ah la soo saaray. Ilaa iyo hadda lama oga tirada dadka nool iyo kuwii goobta ku sugnaa ee shilku ka dhacay, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo inta uu la egyahay khasaaraha. Diyaaradda ayaa ku burburtay dhismo loo isticmaali jiray guri iyo isbitaal, iyadoo dadkii ka badbaaday diyaaradda ay ku tilmaameen qaar ka mid ah dadkii badbaaday inay ka boodeen daaqadaha dabaqa labaad.

Rakaabka waxaa ka mid ahaa 169 Hindi ah, 53 British ah, 7 Boortaqiis ah, iyo 1 Canadian ah. Shilalkan ugu dambeeyay waxay kordhinayaan liiska dheer ee dhacdooyinka naxdinta leh ee taariikhda duulista, iyagoo xusuusinaya adduunka khatarta weli jirta inkastoo la gaaray horumarka weyn ee warshadaha.

Marka laga soo tago shilalkan, kuwani waxay ka mid yihiin shanta shil ee diyaaradeed ee ugu xun caalamka, sida laga soo xigtay mareegaha kala duwan ee Cartoskills iyo PTC News.

1. Pan Am Flight 1736 iyo KLM Flight 4805 – Vifo 583

Masiibada Tenerife, oo lagu xasuusto shilkii duullimaad ee ugu xumaa taariikhda, ayaa dhacay March 27, 1977 wuxuuna ka dhacay Tenerife, Canary Islands. Laba Boeing 747s ayaa isku dhacay waddada ay diyaaraduhu ka duulaan ee garoonka Los Rodeos (hadda Tenerife North Airport) jasiiradda Isbaanishka ee Tenerife, Canary Islands.

Dhacdadan ayaa sababtay dhimashada 583 qof. Sababo la xiriira xaaladaha deegaanka, iyo dhaqamada aan badbaadada lahayn ee keenay shilka, masiibada Tenerife waxay noqotay tusaale buug-yar oo loogu talagalay dib-u-eegista hababka iyo nidaamyada loo isticmaalo baaritaanka shilalka duulista iyo ka hortagga shilalka.

2. Japan Airlines Flight 123 – Vifo 520

Diyaaradda Japan Airlines Duullimaadka 123 ayaa ka soo duushay garoonka Haneda ee magaalada Tokyo kuna sii jeedday garoonka caalamiga ah ee Osaka ee dalka Japan.

Maalintii Isniinta, Agoosto 12, 1985, diyaaradda Boeing 747SR ee duullimaadkan ayaa si lama filaan ah u qaraxday 12 daqiiqo markay socotay. 32 daqiiqo ka dib, diyaaraddu waxay ku burburtay meel sare oo ka tirsan Buurta Takamagahara ee Ueno, Gobolka Gunma, oo 100 kiiloomitir (62 mayl) u jirta Tokyo, una dhow Mount Osutaka.

3. Saudi Arabian Flight 763 iyo Kazakhstan Airlines Flight 1907 – Vifo 349

s

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kani waa shilkii ugu dhimashada badnaa ee dhexmara labo diyaaradood. Waxay ka dhacday tuulada Charkhi Dadri, galbeedka New Delhi, Hindiya markay ahayd 12 Noofambar 1996.

Diyaaradaha ku lug lahaa ayaa kala ahaa Boeing 747-100B ee Saudi Arabian Airlines oo ka soo duushay Delhi kuna socotay Dhahran, Sacuudi Carabiya iyo Kazakhstan Airlines Ilyushin Il-76 oo ka soo duushay Chimkent, Kazakhstan, kuna socotay Delhi.

Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa ku dhintay 349-qof oo saarnaa labada diyaaradood, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca caalamka, waana shilkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Hindiya, iyo shilka diyaaradeed ee saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda duullimaadyada.

4. Turkish Airlines Flight 981 – Vifo 346

s

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diyaaradda Turkish Airlines gaar ahaan Duullimaadka 981 wuxuu ahaa duullimaad la qorsheeyay inay diyaaraddu ka duusho garoonka Istanbul Yesilköy kuna socotay gegida dayuuradaha ee Heathrow ee London oo ay taransit ku ahayd Paris, Orly Airport. Bishii Maarso 3, 1974, diyaaradda McDonnell Douglas DC-10 ee duulimaadka ayaa ku burburtay kaynta Ermenonville ee ka baxsan Paris, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 346-ka qof ee saarnaa.

Waqtigaas, waxay ahayd masiibadii duullimaad ee ugu dhimashada badnayd taariikhda. Waa masiibadii afaraad ee ugu dhimashada badneyd hal diyaarad taariikhda, masiibadii labaad ee ugu dhimashada badneyd.

5. Air India Flight 182 – Vifo 329

a

Xigashada Sawirka, Getty Images

Air India gaar ahaan Duullimaadka 182 waxa ay ka shaqaynaysay jidka Vancouver–Toronto–Montreal–London–Delhi. Bishii Juun 23, 1985, Boeing 747-237B ee duulimaadka ayaa lagu weeraray bam meel sare ah 31,000 feet (9,400 m). Waxay ku burburtay Badweynta Atlaantigga ee dulmartay Ireland.

Waxay ahayd 747 kii ugu horreeyay ee la duqeeyo. Wadarta 329 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 268 Canadian ah, 27 muwaadiniin British ah iyo 24 Hindi ah. Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneed taariikhda Canada.

Waa weerarkii argagixiso ee ugu dhimashada badnaa ee diyaarad ku lug lahaa ilaa weeraradii Sebtembar 11, 2001. Waxaa sidoo kale loo arkaa qaraxii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa.

Shilkii Air India 182 ayaa dhacay isla waqtiga uu dhacay qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Narita. Baarayaasha ayaa rumeysan inuu xiriir ka dhexeeyo qorsheynta labada dhacdo.

6. Malaysia Airlines Flight MH17 - Vifo 298

Duulimaadka MH17 ee Malaysia Airlines ayaa la toogtay sanadkii 2014-kii, xilli ay ku sii jeedday magaalada Amsterdam ee dalka Mareykanka, kana soo duushay Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Shilkan diyaaradeed ayaa ka dhacay dalka Ukraine oo ay ka socdeen iska hor imaadyo ciidan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka.

Diyaaradda ayaa siday 298 qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Holland, Malaysia, Australia, Germany, UK, Germany iyo wadamo kale, kuwaas oo naftooda ku waayey.

Burburka MH17 ayaa noqday mid ka mid ah masiibooyinka cirka ee ugu xun ee lala xiriiriyo iskahorimaadyada hubeysan, waxaana lagu tilmaamay digniin ku saabsan khatarta colaadaha.

7. Iran Air Flight 655 - Vifo 290

Diyaaradda Iran Air gaar ahaan Duullimaadka 655 ayaa sanadkii 1988 ku burburtay Gacanka Persian, waxaana ku dhintay dhammaan rakaabkii diyaaradda kadib markii uu si khaldan u soo riday Maraykanka.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay Tehran kuna sii jeedday Dubai, waxaana saarnaa 290 rakaab ah oo dhammaantood rayid ah oo ay ku jiraan haween, carruur iyo qoysas.

Khaladka militari ayaa dhaliyay caro caalami ah oo baahsan, wuxuuna horseeday wadahadallo kale oo dhexmara Iran iyo Mareykanka.

Burburkii Iran Air 655 ayaa loo arkaa mid ka mid ah masiibooyinka cirka ee ugu xun ee la xiriira iskahorimaadyada hubeysan, wuxuuna muujiyay sida khaladaadka militarigu u saameyn karaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.