Maxaan ka ognahay xudunta nukliyeerka ee Dimona ee koonfurta Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen haraaga gantaallada ee ku soo dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa'iil, halkaas oo uu ku yaallo xarun nukliyeer ah, ka dib digniin sheegaysay in Iran ay gantaallo ku soo ridi karto Israa'iil.
Dimona waxay ku taallaa lamadegaanka Negev ee koonfurta Israa'iil, waxayna hoy u tahay xarun weyn oo nukliyeer ah. Israa'iil waxay raacdaa siyaasad madmadow ku jiro oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo si rasmi ah u sheegta in xurunta Dimona loo isticmaalo ujeeddooyin cilmi-baaris oo keliya.
Ma xaqiijiso, mana diido lahanashaha hubka nukliyeerka, balse marka loo eego Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm, waxay leedahay 90 madax oo nukliyeer ah, taas oo ka dhigaysa quwadda kaliya ee nukliyeerka leh ee ku taalla gobolka Bariga Dhexe.
Waxyeellooyinka ka dhacay aagga Dimona ayaa yimid ka dib markii mas'uuliyiinta Iiraan ay horay u sheegeen in xarunta nukliyeerka ee Natanz oo ku taalla bartamaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah la weeraray, taas oo qayb ka ah dagaalkii ay bilaabeen Mareykanka iyo Israa'iil 28-kii Febraayo.
Inkastoo Israaiil waligeed si rasmi ah u qirrin lahanshaha hub nuukleer ah, inta badan qiimaynta caalamiga ah waxay muujinaysaa inay leedahay. Barnaamijkeeda nuukleerka waxaa loo arkaa mid ka mid ah barnaamijyada hubka wax burburiya ee ugu qarsoon adduunka.
Israa'iil ma saxiixin heshiiska kahortagga fidinta hubka Nukliyeerka (NPT), kaas oo ah heshiis caalami ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu xaddido faafitaanka nuucaas oo kale ah ee hubka.
Sidaas darteed, xarumaha nukliyeerka ee dalkaas ma hoos yimaadaan nidaamka ilaalinta ballaaran ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA), kaas oo u oggolaanaya hay'adda inay baaritaanno xilliyaysan ku samayso xarumaha nukliyeerka ee waddamada ku soo biiray heshiiska.
Awoodda nukliyeerka ee Israa'iil waxay ahaan jirtay mawduuc ku xiran qiyaaso sirdoon oo aan la hubin tan iyo sannadihii 1960-aadkii, markaas oo ay bilowday ka shaqaysiinta xudunta nukliyeerka ee Dimona oo ku yaalla lamadegaanka Negev.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bartamihii 1980-yadi, qayb ka mid ah awoodahaas ayaa la kashifay ka dib markii farsama-yaqaan hore oo ka shaqayn jiray oo la oran jiray Mordechai Vanunu uu siiyay wargays Ingiriis ah sharraxaad iyo sawirro uu ku sheegay inay yihiin madaxyada hubka nukliyeerka ee Israa'iil.
Xogta uu dusiyey Vanunu waxay horseedday in dib loogu noqdo qiyaastii hore looga haystay baaxadda hubka nukliyeerka ee Israa'iil, kaas oo sannadkii 2003-dii lagu qiyaasay inaanu ka yaraan 100 madax-dagaal oo nukliyeer ah, iyadoo ay suurtogal tahay inuu gaarayo ilaa 200.
Ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya inay Israa'iil samaysay tijaabo nukliyeer oo muuqata, balse cilmi-baarayaasha qaar ayaa soo jeedinaya in qaraxii nukliyeerka ee looga shakiyay koonfurta Badweynta Hindiya sannadkii 1979-kii uu ahaa tijaabo nukliyeer oo ay Israa'iil lahayd, taas oo ay suurtogal tahay inay kala kaashadeen Koonfur Afrika, inkasta oo aan arrintaas weli si dhab ah loo xaqiijin."
"Ka-hortagga ugu dambeeya"
Waxyar uun ka dib markii la asaasay Dawladda Israa'iil sannadkii 1948-kii, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasheeda ayaa bilaabay inay xiiseeyaan horumarinta awoodaha nukliyeerka, iyagoo u arkayay inay tahay hab lagu gaarayo waxa lagu sifeeyay 'ka-hortagga ugu dambeeya'.
Sannadkii 1952-kii, waxaa la asaasay guddiga Tamarta Atomikada ee Israa'iil, kaas oo si dhow ula shaqaynayay hay'adaha milatariga.
Sanadkii 1953, Israaiil waxay bilowday ka-soo-saarista uranium-ka fosfoor lamadegaanka Negev, waxayna sidoo kale horumarisay awoodo farsamo oo la xiriira soo-saarista agabka aasaasiga ah ee loo baahan yahay barnaamijkeeda nuukleerka.
Si loo qaabeeyo loona dhiso nukliyeerka, Israa'iil waxay weydiisatay gargaar dalka Faransiiska, kaas oo oggolaaday inuu kala shaqeeyo.
Sida ay qiyaasayaan cilmi-baarayaasha arrimaha amniga caalamiga ah, heshiis qarsoodi ah ayaa dhammaadkii 1950-meeyadii dhex maray Faransiiska iyo Israa'iil, kaas oo horseeday dhismaha warshadda niyukleerka ee Dimona ee ku taal lamadegaanka Negev.
Xarunta Nukliyeerka ee Dimona ayaa markii hore loo soo bandhigay inay tahay warshad dhar, saldhig cilmi-baaris beereed, iyo xarun lagu darso macdanta. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 1960-kii, Ra'iisul Wasaarihii xilligaas ee Israa'iil, David Ben-Gurion, ayaa ku dhawaaqay in xaruntu tahay xarun cilmi-baaris niyukleer oo loo dhisay "ujeeddooyin nabad ah."
Dowladda Maraykanka ayaa muujisay walaac ka dib markii sawirro ay qaadeen diyaaradaha basaaska ee U-2 ee Maraykanku sannadkii 1958-kii ay kashifeen shaqo dhismo oo ka socotay warshadda niyukleerka ee Dimona.
Intii lagu jiray sannadihii 1960-aadkii, kormeerayaal Maraykan ah ayaa dhowr jeer booqday xarunta, balse uma suurtagelin inay sawir dhammaystiran ka bixiyaan dhaqdhaaqyadii halkaas ka socday.
Qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha amniga caalamiga ah ayaa qiyaasaya in Israa'iil ay qaadday tallaabooyin ay ku qarinayso qaybo ka mid ah xarunta, oo ay ku jiraan rakibidda looxaan kontorool oo been abuur ah iyo xiridda marinnada geeya meelaha qaar ee dhismaha gudihiisa ah.
Kormeerayaashii xilligaas ayaa sheegay inaysan jirin barnaamij cad oo cilmi-baaris ama tamar nukliyeer oo rayid ah oo qiil u noqon kara dhismaha baaxaddiisu le'eg tahay intaa, taas oo khubarada qaar ay u arkeen calaamad muujinaysa barnaamij suurtagal ah oo lagu horumarinayo hubka nukliyeerka.
Sannadkii 1968-kii, qiimeyn ay samaysay hay'adda CIA-da ayaa lagu soo gabagabeeyay in Israa'iil ay bilowday soo saarista hubka nukliyeerka, ka dib sannado badan oo la isla dhexmarayay baaxadda hubkeeda nukliyeerka.
"Kiiska Vanunu"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1986-kii, Mordechai Vanunu oo ahaa farsamo-yaqaan ka shaqaynayay xarunta nukliyeerka ee Dimona, ayaa siiyay wargeyska British-ka ah ee The Sunday Times macluumaad iyo sawirro ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Israa'iil. Sir-bixintan ayaa gacan ka gaysatay rumeysiga sii kordhayay ee khubarada badan, kaas oo ahaa in Israa'iil ay haysato hub nukliyeer ah.
Intii uusan macluumaad dheeri ah u sheegin warbaahinta, haweeney markii dambe la ogaaday inay ahayd wakil Israa'iil ah, ayaa ka soo kaxaysay London ka dib markii ay ku qancisay inay ula safarto magaalada Rome. Halkaas, xubno ka tirsan sirdoonka Israa'iil ayaa daroogeeyay, waxayna si qarsoodi ah ugu dhoofiyeen dalka Israa'iil."
Vanunu waxaa lagu maxkamadeeyay khiyaano qaran dacwad ka dhacday albaabada u xiran, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah.
Raiisul Wasaarihii hore ee Israa'iil, Shimon Peres, oo lagu tiriyo inuu door muuqda ka qaatay horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee Israa'iil, ayaa sheegay in waxa uu Vanunu sameeyay ay dhaawac weyn u geysteen amniga Israa'iil.
Walaaca Carabta
Dhowr waddan oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaa muujiyay walaac ku saabsan suurtagalnimada in Israa'iil ay haysato barnaamijka hubka nukliyeerka.
Qaar ka mid ah waddamada gobolka ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu ku dhaqmo laba- wajiilenimo, iyadoo iska indha-tiraysa barnaamijka nukliyeerka ee Israa'iil, halka ay caddaynayso in dalal kale, sida Ciraaqdii hore, Iran, iyo Suuriya, ay halis u yihiin haysashada la sheegay inay haystaan hubka gumaadka ba'an.
Sannadkii 2004-tii, Agaasimihii Guud ee xilligaas ee Hay'adda Tamarta Nukliyeerka Caalamiga ah (IAEA), Maxamed ElBaradei, ayaa ugu baaqay Israa'iil inay ku biirto Heshiiska Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT) oo ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka, isagoo ku dooday in tani ay gacan ka geysan karto xoojinta nabadda Bariga Dhexe.













