TOOS, Waxyeelo weyn oo gaartay warshad ku taala Qatar, iyadoo Iiran ay wado aargoosiga weerar lagu qaaday goob gaas

Iiraan ayaa garaacday warshada sifaysa ee Qatar, waxayna bartilmaameedsatay Sacuudi Carabiya, ka dib markii gaas weyn lagu garaacay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Israa’iil oo shaacisay Nin ku dhintay gantaalada Iiraaan

    Nin 30-jir ah ayaa ku dhintay tuulada beeraha ee Moshav Adanim kadib weerar gantaal loo adeegsaday oo lagu riday Israel, sida ay shaaciyeen laanta adeegga degdegga ah ee dalkaasi, Magen David Adom.

    Ninka ayaa ahaa shaqaale shisheeye, sida ay sheegeen Magen David Adom, waxaana howlwadeennada caafimaadku ka heleen goobta isaga oo aan noolayn ka hor inta aysan ku dhawaaqin dhimashadiisa.

    WARAR DHEERAAD AH

  2. War deg deg ah, Daanta Galbeed: Afar haween ah oo ku dhintay iyo lix kale oo ku dhaawacmay qaraxyada Iiraan

    Ciidamada ammaanka Falastiin ayaa isugu soo baxay goobta ay ku dhinteen haweenka Falastiin ee ay ku dhaceen haraadiga qaraxyada Iiraan ee ku dhacay meel u dhow Hebron, Daanta Galbeed ee ay Israel xukunto.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamada ammaanka Falastiin ayaa isugu soo baxay goobta ay ku dhinteen haweenka Falastiin ee ay ku dhaceen haraadiga qaraxyada Iiraan ee ku dhacay meel u dhow Hebron, Daanta Galbeed ee ay Israel xukunto.

    Afar dumar oo reer Falastiini ah ayaa ku dhintay burbur gantaalo ku dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, dhowr daqiiqo kadib markii ciidamada Israel ay shaaciyeen weerar kale oo IIraan ka yimid, sida ay sheegtay laanqeyrta cas ee Falastiin.

    Lix qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay deegaanka Beit Awa ee u dhow Hebron.

    BBC-da ayaa fahansan in qaybaha yar ee qarxyada gantaalada ay ku dhaceen goob dumarka lagu qurxiyo, oo caadi ahaan ay dadku ku badan yihiin xilliga u diyaar garowga Ciidul-Fidriga.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, Diyaarado waxyeelo kasoo gaartay firirka gantaalo lagu weeraray Israa’iil

    Saddex diyaaradood oo gaar loo leeyahay ayaa waxyeelo ka soo gaartay burburka gantaalo lala eegtay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israel dhowaan

    Maamulka Garoomada Diyaaradaha Israel ayaa xaqiijiyay in saddex diyaaradood oo gaar loo leeyahay ay waxyeelo soo gaartay Garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv.

    War-saxaafadeedkooda ayaa u qornaa sidan: "Maamulka Garoomadu wuxuu mar kale ku adkaynayaa in khataraha la xiriira duulista goobtan waqtigan lasii caddeeyey."

    "Nasiib wanaag, wakhtigii dhacdadu dhacaysay, diyaaradaha way marnaayeen mana jirin wax dhaawac ah."

    WARAR DHEERAAD AH

  4. War deg deg ah, Trump ma rabo weerarro kale oo ka dhan ah goobaha tamarta Iran – WSJ

    Xarunta Gaaska South Pars, oo la sawiray 2016

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xarunta Gaaska South Pars, oo la sawiray 2016

    Trump ayaa sheegay inuusan rabin in la fuliyo weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah goobaha tamarta Iran, kadib markii Israa’iil ay weerartay xarumo la xiriira goobta gaaska dabiiciga ah ee South Pars maanta, sida ay ku warantay Wall Street Journal, iyaga oo soo xiganaya mas’uuliyiin Mareykanka ah oo aan la magacaabin.

    Wargeysku wuxuu sheegay in Trump uu taageeray weerarka si uu fariin ugu diro Iran arrimaha la xiriira marinka Hormuz, laakiin hadda uu kasoo horjeedo weerarro kale oo noocaas ah.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa laga yaabaa inuu ogolaado weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah goobaha tamarta Iran haddii Iran ay khatar geliso ama carqaladeyso waddada muhiimka ah ee saliida iyo ganacsiga, sida mas’uuliyiinta u sheegeen WSJ.

    WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Ciidanka Israa’iil oo sheegay inay ku howlan yihiin joojinta gantaalada Iran

    Ciidanka difaaca Israel ee (IDF) ayaa sheegay inay la socdaan gantaalo laga soo tuuray Iran, isla markaana nidaamyada difaaca ee Israel ay hawlgallo ka wadaan si ay u joojiyaan hanjabaadda.

    Ciidamada ayaa sidoo kale u sheegay dadka ku nool meelaha ay saameeyeen weeraradan lagu wargelin doonaa tilmaamo taleefannadooda loo soo maraniyo.

    WARAR DHEERAAD AH

  6. War deg deg ah, Dowladda Kuwait: Qorshe argagixiso ayaa la fashiliyay, 10 kalana waa la xiray

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kuwait ayaa fashilisay qorshe argagixiso oo halis gelinayay xarumaha muhiimka ah ee dalkaasi, kadib kormeer iyo baaritaanno amni oo xooggan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Kuwait (KUNA).

    Afhayeenka wasaaradda, Nasser Bouslaib, ayaa xaqiijiyay in la qabtay 10 muwaadin oo ka tirsan koox argagixiso oo la xiriirta ururka Hezbollah ee la mamnuucay, kuwaas oo qorsheynayay inay u shaqeeyaan hay’ado shisheeye si ay u siiyaan isku-duwidda goobaha la beegsanayo.

    WARAR DHEERAAD AH

  7. War deg deg ah, USS Gerald R Ford oo Giriiga lagu soo dayactirayo, ka dib dabkii ka kacay - CBS

    USS Gerald R Ford

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, USS Gerald R Ford

    Markab-qaada diyaaradaha ee USS Gerald R Ford ayaa u socda saldhigka ciidamada badda Mareykanka ee ku yaal Crete, Giriiga, si loo dayactiro kadib dab ka kacay markabka usbuucii hore, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay bahwadaagta BBC ee CBS News.

    Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa hore u sheegay in dabku ka bilaabmay qol dharka lagu dhaqo iyo in laba qof laga daweeyay dhaawacyo aan khatar gelin noloshooda.

    WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Israa'iil oo duqeysay Waqooyiga Iran markii ugu horreysay

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen duqeymo cirka oo lagu beegsaday goobo ku yaal Waqooyiga Iran.

    “Dhowr daqiiqo kahor, Ciidanka Cirka ee Israel, oo kaashanaya sirdoonka badda iyo sirdoonka Ciidamada Difaaca, ayaa bilaabay in ay beegsadaan goobo ku yaal waqooyiga Iran markii ugu horreysay inta lagu guda jiro “Howlgalkii Roaring Lion,” sida lagu sheegay fariin gaaban oo lasoo dhigay Telegram‑ka rasmiga ah ee milateriga.

    WARAR DHEERAAD AH

  9. War deg deg ah, Israa’iil oo ka warbixisay dilka taliye kale ay beegsadeen

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in Taliyaha cusub ee kooxda Imaam Xuseen lagu dilay Lubnaan

    Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay ku dileen Xasan Cali Marwaan, taliyaha cusub ee laanta Imaam Xuseen, weerar cirka ah oo ka dhacay meel u dhow caasimadda Lubnaan, Bayrut. Taliyihii hore ee cutubka milatari ayaa lagu dilay weerarro Israa’iil ay qaaday toddobaadkii hore.

    Sida lagu sheegay bayaanka Israa’iil, Marwaan wuxuu ahaa taliyaha sare ee cutub milatari oo ku xiran Ciidanka Quds ee IRGC.

    Bayaanku wuxuu sheegay in cutubkan, oo loo yaqaan “laanta Imaam Xuseen,” uu ahaa mid firfircoon oo ka qayb qaata isku dubaridka hawlgallada milatari iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

    Israa’iil waxay kaloo sheegtay in Xasan Cali Marwaan uu mas’uul ka ahaa isku dubaridka cutubkan iyo taliyayaasha sare ee Hezbollah Lubnaan oo la shaqeeya Ciidanka Quds, isla markaana kormeeray diyaarad aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallo loo adeegsaday dhulka Israa’iil.

    WARAR DHEERAAD AH

  10. War deg deg ah, Qadar oo amartay diblomaasiyiin Iiraani ah iyo shaqaalahooda ay ka baxaan dalka

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar ayaa amartay in ku-xigeennada milateri iyo amniga Iiraan iyo shaqaalahooda ay ka baxaan dalka. Tani ayaa timid ka dib weerar hore oo lagu qaaday aagga warshadaha ee Ras Laffan ee Qadar.

    Waxaa loo qabtay 24 saac gudahood in looga baahan yahay inay uga baxaan dalka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, taasoo tilmaamtay in ay ka dambeysay weerarro isdaba joog ah oo Iiraan ay ku qaaday dalkaasi.

    Bayaan lagu daabacay baraha bulshada, ayaa lagu yiri haddii Iiraan ay sii waddo falalka “cadawtinimo” Qadar waxay qasab ku noqon doontaa inay tallaabooyin dheeraad ah qaado si ay isu ilaaliso.

    WARAR DHEERAAD AH

  11. War deg deg ah, Baxrayn : Weerar gantaal oo lagu qaaday warshad sifaynta gaaska dabiiciga

    Wakaalada wararka Fars ayaa soo warisay in weerar gantaal lagu qaaday warshad sifaynta gaaska dabiiciga ee dareeraha ah ee LNG oo ku taalla Baxreyn, taas oo la rumeysan yahay inay muhiim u tahay Maraykanka, isla markaana ay keentay “burbur iyo waxyeelo culus oo soo gaartay isku-xirka waddada Bahrain-Saudi Arabia.”

    Warshaddu waxay ku taallaa meel u dhow buundada isku xirta Bahrain iyo Saudi Arabia, waxaana warbixinnadii hore ay muujinayaan in buundada la burburiyey ama si daran waxyeelo usoo gaartay kadib qarax ka dhacay warshadda sifaynta.

    WARAR DHEERAAD AH

  12. War deg deg ah, Barcelona oo awood muujisay ayaa toddobo gool dhalisay, halka Newcastle laga reebay tartanka

    Raphinha ayaa u dhaliyay Barcelona18 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Raphinha ayaa u dhaliyay Barcelona18 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan

    Tababaraha Newcastle, Eddie Howe, ayaa rajaynayay in ciyaartoydiisu ay is muujiyaan halkii ay ka baqi lahaayeen jawiga kulul ee Nou Camp, lugta labaad ee wareegga 16-ka.

    Kooxda martida ah ayaa muujisay geesinimo weyn, iyadoo laba jeer barbaro la timid qeybtii hore ee ciyaarta oo soo bandhigtay tartan, waxaana goolasha u dhaliyay Anthony Elanga oo baabi’iyay goolal ay dhaliyeen Raphinha iyo Marc Bernal.

    Ciyaartoyda Howe ayaa weli si fiican ugu jiray ciyaarta markii la gaaray nasashada — inkastoo rigoore uu dhaliyay Lamine Yamal ay Barcelona ka dhigtay 3-2 waqtigii dheeriga ahaa ee qeybtii hore.

    Si kastaba ha ahaatee, kooxda martida ah ayaa la burburiyay qeybtii labaad, waxaana goolal ka kala yimid Fermin Lopez, Raphinha, iyo labo gool oo uu dhaliyay Lewandowski ay si murugo leh ugu soo afjareen safarkooda Yurub.

  13. War deg deg ah, Sacuudi Carabiya oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerarkii Riyaad

    Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen haraadi kasoo dhacay gantaal ballistic ah oo lagu qabtay hawada sare ee Riyaad.

    Ciidanka Difaaca Rayidka ayaa sheegay in digniinaha khatarta ee caasimadda iyo Al-Kharj hadda la qaaday.

    “Ka fogow isu-imaatinka iyo duubista muuqaallada, ka fogaada meelaha khatarta ah, soona wargeliya wixii halis ah,” ayay lagu yiri.

    WARAR DHEERAAD AH

  14. War deg deg ah, Madaxweynaha Iran oo ka digay “cawaaqib aan la xakamayn karin” ka hor weerarka Qatar

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian

    Saacaddii la soo dhaafay, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa ka digay cawaaqib aan la xakamayn Karin oo dhaca, kadib weerar lagu qaaday goobta gaaska ee Koonfurta Pars.

    Pezeshkian ayaa sheegay in xaaladdu ay ‘’horseedi karto cawaaqib aan la xakamayn karin, kuwaas oo saamayntoodu gaari karto dunida oo dhan”.

    Hadda Iran waxay u muuqataa inay ka jawaabayso weerarkaasi lagu qaaday Koonfurta Pars, iyadoo Qatar ay sheegtay inuu dab kacay iyo “burbur ballaaran” oo gaaray aagga Ras Laffan — oo hooy u ah warshad sifeynta shidaalka ah oo Iran hore u sheegtay inay bartilmaameed tahay.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa weerarka gantaallada ee Ras Laffan camvaaraysay, iyada oo sheegtay in “dhinaca Iran uu sii wado siyaasado kicin ah oo gobolka ku riixaya meel halis ah.”

    WARAR DHEERAAD AH

  15. War deg deg ah, Qatar oo Iran ku tilmaantay “khatar toos ah” oo ku wajahan gobolka

    Qatar ayaa sheegtay in weerarrada gantaallada xad-dhaafka ee ku dhacay Ras Laffan Industrial City ay yihiin “khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda iyo xasilloonida gobolka”.

    “Dhinaca Iran wuxuu sii wadaa siyaasado kicin ah oo gobolka ku riixaya god halis ah, isla markaana ku soo jiidaya dalal aan qayb ka ahayn qalalaasahan ee wareegga colaadda,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ku qortay baraha bulshada.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in Qatar “ay xaq u leedahay inay ka jawaabto” isla markaana “aysan ka labalabeyn doonin inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, amnigeeda, iyo badbaadada muwaadiniinteeda.”

    WARAR DHEERAAD AH

  16. War deg deg ah, Israa’iil oo sheegtay 200 bartilmaameed ay ku weerareen maanta gudaha Iran

    Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen in ka badan 200 bartilmaameed oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iran 24-kii saac ee la soo dhaafay.

    Bartilmaameedyadaas waxaa ka mid ahaa goobo lagu kaydiyo lagana rido gantaallada ballistic-ga ah, nidaamyada difaaca hawada, qalabka lagu rido gantaallada, iyo xarumo lagu soo saaro hubka, sida ay IDF sheegtay.

    WARAR DHEERAAD AH

  17. sacuudiga oo faahfaahin ka bixiyay weerar gantaalo ah oo caawa lagu soo qaaday

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay afar gantaal oo ay sheegtay in loo soo ganay dhinaca Riyadh.

    Agaasinka Guud ee Difaaca Madaniga ee Sacuudi Carabiya ayaa baraha bulshada ku sheegay in “qiimeyn hordhac ah ay muujinayso in aysan jirin wax khasaare ama dhaawac ah.”

    Waxay sidoo kale ka digtay in burburka gantaallada uu ku faafay qaybo ka mid ah caasimadda.

    “Ka fogow inaad is ururtaan ama aad duubtaan muuqaallo, ka dheeraada meelaha khatarta ah, kuna soo wargeliya wixii halis ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

  18. Dalalka khaliijka oo caawa isu diyaarinaya weeraro culus

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Dhowr ka mid ah dalalka Khaliijka ayaa hadda isu diyaarinaya jawaab celin kaga timaadda Iiraan, kadib markii Israa’iil ay weerartay xarumo ku yaalla goobta gaaska ee South Pars, oo ah goobta gaaska ugu weyn dunida maanta.

    Wakaaladda wararka ee Iiraan ee la xiriirta IRGC ayaa liis gareysay goobo ku yaalla Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo halkan Qatar, kuwaas oo ay sheegtay in Iiraan ay dhowaan weerari doonto si ay uga jawaabto weerarkii Israa’iil ee subaxnimadii Arbacada.

    Goobaha South Pars iyo North Dome ee ku dhow ayaa muddo dheer si nabad ah ay u wadaageen Iiraan iyo Qatar.

    Maanta, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al Ansari, ayaa cambaareeyay weerarka Israa’iil ee bartilmaameedka dhaqaale, isagoo ku tilmaamay “mid taxaddar la’aan ah oo masuuliyad darro ah.”

  19. Weerarka lagu qaaday xarumaha Gaaska Iiraan oo xiisadda uga sii daray

    Weerarka lagu qaaday gaaska South Pars ayaa u muuqda mid si weyn u kordhinaya xiisadda Israel iyo Mareykanka ee kaabayaasha tamarta Iran.

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dhowr qarax ay ka dhaceen goob lagu sifeeyo gaaska, waxaana ciidamada gurmadka ay isku dayayaan inay xakameeyaan dabka.

    Iran ayaa isla markiiba ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto, iyadoo sheegtay inay beegsan doonto xarumaha Shidaalka ee dhowr waddan oo Khaliijka ah.

    Qatar oo la wadaagta gaaska ayaa muujisay inaysan ku qanacsanayn weerarka, iyadoo sheegtay inuu khatar ku yahay ammaanka tamarta adduunka iyo sidoo kale dadka gobolka iyo deegaankooda.

    Qiimaha Shidaalka ayaa sidoo kale kor u kacay weerarka ka dib.

  20. Hogaamiyaha Ruuxiga Iiraan oo farriin soo diray

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta Iiraan iyo kanaalka Telegram ee la xiriira hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa daabacay laba fariimood oo lagu sheegay inuu isagu diray.

    Fariimahaas, Khamenei wuxuu tacsi uga dirayaa geerida sarkaalka ugu sarreeya amniga Iiraan, Cali Larijani, iyo dad kale oo isaga lala dilay, sidoo kale madaxii ciidanka Basij, Gholamreza Soleimani.

    Fariinta uu u diray Larijani, Khamenei wuxuu ku sheegay in “dhibic kasta oo dhiig ah ay leedahay qiimo, kaas oo dambiilayaasha dilay shuhadada ay dhawaan bixin doonaan.”

    Qoraalladan ayaa ah fariimadii saddexaad iyo afraad ee uu Khamenei daabaco tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan.

    Mojtaba Khamenei, oo loo doortay inuu beddelo aabbihiis 8-da Maarso, wali si toos ah looma arag—lama duubin muuqaal ama sawir—tan iyo markii loo magacaabay inuu beddelo hoggaamiyihii hore Ayatollah Ali Khamenei.

Trending Now